Somaaliya: Dadka laga helay Coronovirus oo ku dhawaad 1000 gaaray

Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay 48-kii saac ee ugu dambeeyey Soomaaliya in laga helay 69 xaaladood oo cususb oo xanuunka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo warbixinta maalinlaha ee kiiskaska Coronavirus ee Soomaaliya soo jeedisay ayaa sheegtay baaritaanno labadii maalmood ee u dambeeyey la sameeyey in 69 xaladood oo cusub oo Coronavirus la helay.
Dr Fooziyo waxay intaasi ku dartay dakaasi in laga helay Banaadir 39, Somaliland 11, Puntland 8, Koonfur Galbeedka 8, Hirahsbeelle 2 iyo Galmudug oo 1 qof ah, 4 qofna ay u dhinteen.
Bukaanka cususb ee laga helay cudurka 48 ka mid ah waa rag halka ay 21 haween yihiin.
Tirada guud ee dadka laga helay Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa haatan gaartay 997.
Waxaana cudurka ilaa iyo hadda dalka Soomaaliya ugu dhintay sida ay wasaaraddu sheegtay 48 qof, halka ay 110 qofna cudurka ay ka bogsadeen.

Xigashada Sawirka, SONNA
Wasiiraddu waxay bulshada ugu baaqday iney qaataan talooyinka caafimaad ee ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka ee takhasuska u leh si loo yareeyo khatarta cudurka safmarka ee Coronavirus.

- Karoona fayras: khatar intee la eg ayuu ii geysan karaa haddii aan uur leeyahay ?
- Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka
- Maxaad kala socotaa tirada laga yaabo in sanad gudihiis ay Corona ugu dhintaan Afrika?
- Tixraaca wararka Covid-19 ee Afrika
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Masaajidda Maka iyo Madiina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada
- Wiil Soomaali ah oo laga helay cudurka coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale ee aan isbaarayn










