You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Ma hadlin muddo 2 sano ah'
Gabadha sawirrada farshaxanka u sameysay filimka lagu magacaabo Normal People ayaa ka warrameysa dhibaato ay la kulantay, xirfaddeeda farshaxanka iyo sawirradii ugu dambeeyay ee ay sameysay, oo soo jiitay BBC-da.
Henn Kim iyadoo dhowr iyo toban jir ah ayey si lama filaan ah hadalka u joojisay. Waxaa ku dhacay cudur sida qallalka ah oo aad u saameeyay.
"Wax sawiridda waxaan billaabay anigoo aad u yar. Hooyadey ayaa aad u jeclaan jirtay farshaxanka waxaana u maleynayaa inaan iyada ka raacay.
"Laakiin markii aan 17 sano jiray, walwal ayaa aad ii saameeyay, muddo 2 sano ahna waan iska aamusnaa. Sidoo kale saaxiibbo badan ma lahayn xilligaas.
"Madaxweyga waxaa ka buuxay erayo badan iyo sawirro aanan afkeyga soo marin karin - kaliya waxaan kusoo gudbin karay farshaxan ahaan.
"Ilaa markaas wixii ka dambeeyay, waxaan billaabay inaan si joogto ah wax ugu sawiro qalin madow. Sidaas ayaan ku helay qaabka ii gaarka ah ee aan wax u xardho."
Henn, oo sameysay sawirrada lagu xayeysiiyay filinkii Normal People, ee uu Sally Rooney soo saaray sanadkii 2018-kii, waxay caan ku tahay sawirrada halka midab leh ee quruxda badan, dad aad u badanna ay ku ammaaneen.
Waxay si joogto ah farshaxankeeda ugu soo bandhigtaa barteeda Instagram-ka oo ay ku taxan yihiin 880,000 oo qof oo iyada taageera.
In muddo ah, gabadhan u dhalatay Kuuriyada Koonfureed waxaa aad ugu soo batay xanuunka qallalka sidiisa oo kale ah, kaasoo ay mar walba la dhici jirtay, saacadona la suuxsanaan jirtay.
Waxay ku khasbanaatay inay farshaxankeeda sameyso waqtiga u dhaxeeya 2am ilaa 3am ee waabariga ka hor.
"Waqtigaas inaan shaqeeyo ayaan ku khasbanaa, waayo ma seexan karin ilaa subaxdii laga gaaro.
"Balse hadda shaqada farshaxanka waa sheyga ugu fiican nolosheyda.
"Waxaan dareemaa farxad aad u weyn marka aan wax xardhayo. Waan jeclahay inaan diiradda saaro shaqada, sababtoo ah waxaan ka helaa naxariis."
Waxay xitaa wax sawiridda ku sheegtaa wax walba oo ay dooneyso, wayna weheshataa. "In wax la xardho waxay la mid noqon kartaa inaad saaxiibbadaa la sheekeysaneysid. Ugu dambeyntii dhibaatadii i heysatay iyo xanuunkii aan dareemayay wuxuu kusoo biyo shubtay farshaxankeyga.
"Dareenkeyga waa sida hirarka bad weynta, maalin kasta oo aan hirarkaas sare u kacooda xoogga saarana waxaan isku dayaa inaan dareenkeyga ku muujiyo farshaxanka."
Henn waxay hadda sameysay musalsal sawirro ah oo aad usoo jiitay BBC-da.
Iyadoo ka sheekeyneysa sawirradeedii caan baxay ee filimka Normal People - oo ku saabsanaa jacayl saddex geesood noqday oo u dhaxeeya labo dhalinyaro ah - Henn waxay sheegtay inay aad uga heshay "qisada dulucdeeda oo ah in jacaylka la ilaaliyo".
Farshaxankeedii ugu dambeeyayna, Henn waxay sheegtay in markii si loo eego ay iyada qudheeda isku dhex aragto filimka uu sameeyay Sally Rooney, waxyaabo badan oo qisadaas ka mid ahna ay iyada taabanayaan.
"Marka aan ka shaqeynayay mashruucan, waxaan dareemayay jacayl aad u baaxad weyn oo aan u qaaday buugga qisada lagu qoray waxyaabo badan ayaana si toos ah ii khuseeyay, waxaan meelo badan isku mid ka ahayn mid ka mid ah jilayaasha oo lagu magacaabo Marianne, naxariis badan ayaana u dareemayay.