Nin lagu eedeeyay inuu "shaqaaleysiin been ah" lacag uga qaatay 676,675 oo qof

Published

Milkiilaha shirkadda ay dowladda Nigeria u xilsaartay u soo saarida dalkugalka ama Fiisooyiinka dadka doonaya in ay u safraan daafaha caalamka ayaa loo haystaa wax isdabamarin iyo in uu lacago si sharci daro ah u kala gudbiyay.

Waxaa arrintan lagu ogaaday baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen BBC iyo wargeyska Premium Times.

Ma jirto wax muujinaya in shirkadda so saarta Fiisooyiinka ay wax qalad ah sameysay arrintanna lama xiriirto maareynta howlaha Fiisaha.

Maxmuud Axmadu, iyo shirkadiisii hore ee Drexel Tech, waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira kala gudbin lacago si sharci daro ah iyo wax isdabamarin.

Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada la xiriira dhaqaalaha ayaa dacwooyiinkan soo oogay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Abba Moro, ayaa sidoo kale wajahaya dacwado la xiriira wax- isdabamarin iyo in uu ku tuntay shuruucda qandaraasyada.

Moro iyo Axmadu, ayaa diiday eedeeymaha loo soo jeediyay, iyaga oo ku dooday in aysan wax khalad ah galin.

Axmadu ayaa ah nin si wayn looga qadariyo dalka Nigeria waxaana mar abaalmarin lagu magacabo Order Of The Niger, gudoonsiiyay madaxwaynii hore ee Nigeria Goodluck Jonathan, sannadkii 2014.

Qareenadiisa waxay sheegeen in aysan marnaba jirin cid ka tirsan hay'adaha Nigeria oo "baadigoobaya" Axmadu.

Waxa ay sidoo kale qareennadiisa ku adkeysteen in aysan jirin dhibaato uu geystay waxayna dafireen in uu wajahayo dacwado la xiriirta musuqmaasuq.

Isbuurashadii garoonka Abuja

Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa dalka Nigeria, warqadooda dacwadooda waxaa ku cad in Axmadu, iyo dad kale ay wajahayaan eedeeyn la xiriirta inay abaabuleen ayna fuliyeen howlo dad lagu qorayo taasi oo horseeday dhimashada dad badan.

Axmadu waxaa lagu eedeeyay in sannaddii 2013 uu abaabulay howl lagu qorayay 4,000 oo ahaa boosas la sheegay in ay ka banaanyihiin hay'adda socdaalka Nigeria.

Balse hay'adda socdaalka ayaa markii dambe sheegtay in aysan jirin wax boosas ah oo banaan, sidaana lacago badan ay dadka kaga luntay.

Dad ay tiradoodu gaareysay, 676,675 ayaa soo codsaday shaqooyiinkaasi waxa uuna qofkiiba bixiyay lacagta diiwaangalinta oo dhan $2.30 oo dollar.

Markii la shaaciyay taariikhda qoridda shaqooyiinkan, dhowr qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoonka Abuja oo ay isugu soo baxeen dadkii shaqo doonka ahaa.

"Waxaan la yaabay howsha shaqa qorista sababtoo ah ma aanan ka war qabin," waxaa sidaasi u sheegay maxakamda sare ee Abuja agaasimihii xilligaasi ee hay'adda socdaalka, David Paradang.

Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa Nigeria waxay sheegeen in Axmadu, iyo dadka la eedeeysan "in ay baxsad ku jiraan", ayna howshaasi qorida shaqaalaha ay ka heleen lacag dhan $1.6 milyan oo doolar.

Eedeyn ku xusan warqada gudiga la dagaalanka musuqmaasuq ayaa muujinaysa in qeyb ka mid ah lacagtii ay Axmadu iyo shirkadda Drexel Tech Nigeria Ltd ay heleen ay dhul uga iibsadeen magaalada Abuja.

Xilli dhammaan dadka la eedeeysan oo uu ka mid yahay Moro, ay booliiska hortageen si su'aalo loo waydiiyo ayaa haddana Axmadu ma uusan hor imaan gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa si uu uga jawaabo doorkii la sheegay in uu ku lahaa howsha qoridda dadka lacagaha badan laga lunsaday.

Sannadkii 2016, afhayeenkii xilligaasi ee guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, Wilson Uwujiaren, ayaa u sheegay wargeyska Nation: "In ay qorshaynayaa in hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol iyo hay'adaha kale ee UK ee ay qusayso ay u gudbiyaan magaca Mahmuud Axmadu si gacanta loogu soo dhigo.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay, guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa afhayeenkooda, Tony Orilade, ayaa BBC u sheegay in uu wali kiis ka yaalo Mr Axmadu.

"Guddiga EFCC way la socdaan in uu ku dhuumanayo Yurub, lamana arkin tan iyo intii ay baaritaanada bilaabmeen." ayuu yiri Orilade.

Shirakadda bixisa dal-kugalka ama Fiisooyiinka ee Axmadu ee loo soo gaabiyo (OIS), waxaa barta ay internet-ka ku leeyihiin ay ku qoreen in shaqadooda ay wataan iyaga oo wakiil uga ah dowladda Nigeria, 25 magaalo oo wayn guud ahaan caalamka.

Waxaa ka mid ah goobaha ay shirkadda wakiilka uga tahay dowladda, Shiinaha, Lubnaan, Imaaraadka, Malaysia, Taliyaaniga, Netherlands, Koonfur Afrika, Mareykanka, Fransiiska, Jarmalka, UK, Hindiya, iyo Canada.

BBC ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay ula xiriiri lahayd wasaaradda arrimaha gudaha Nigeria iyo safaaradda London ee Nigeria, balse wax jawaab ah ma aysan bixin.

Waxaa sidoo kale ay BBC la xiriirtay xafiiska arrimaha gudaha ee UK, diyaarna uma aysan ahayn in ay kiiskan ka hadlaan.