Maxay tahay Mucjisada ka dambeysa in badanaa qoysaska magaaladan ay u dhashaan mataano?

Magaalada Sirkazhi, oo ah magaalo yar oo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya waxaa ku sugan tiro qeyrul-caadi ah oo mataano ah.
Mid ka mid ah iskuullada magaalada, oo ay BBC-da booqatay, waxaa dhigta in ka badan 50 mataano oo marka tiradooda la isku daro ay kor u dhaafeyso 100 carruur ah.
Macallimiinta ayaa dhibaato weyn ku qaba inay kala gartaan ardayda fasalladooda dhigta, maadaama ay mataanaha badankood aad isugu egyihiin, gaar ahaan kuwooda isku jinsiga ah.
"Mararka qaar aad baan u jecleystaa sida ay dadka nooga fal-celiyaan", ayey tiri mid ka mid ah gabadhaha mataanaha ah ee magaaladan, halka mataanteeda kalena ay tiri: "Nasiibkeennu aad buu u fican yahay maadaama aan mataano noqonnay, aad baana uga helaa sida ay dadka noo eegaan, waalidiinteennuna waxay ku caan baxeen annaga sababteenna".

Ma jirto arrin rasmi ah ama daraasad cilmi baaris ah oo ilaa hadda lagu qeexay sababta ay magaaladan gaarka ula tahay mataanaha badan.
Laakiin waxaa jira baaqyo badan oo lagu jeedinayay in aqoonyahannadu ay u kuur galaan xaaladdaas.
Sidaas awgeed, koox dhakhaatiir ah oo kasoo jeeda magaalada, ayaa isku howshay inay raadiyaan sharraxaadda ku aaddan sababta mucjisada ah ee ka dambeysa in inta badan qoysaska magaaladan daggan ay u dhashaan carruur mataano ah.
Dadka deegaanka eek u dhaqan magaalada Sirkazhi ayaa mucjisadan sababteeda ku tilmaamay "barako u gaar ah iyaga".

Laakiin Seynisyahannada ayaa dood ka qaba arrintaas, waxayna ku howlan yihiin inay helaan sharaxxaad salka ku heysa caafimaadka seyniska.
"Dhanka reer abtigey waxaan mataano ku lahayn ilaa saddexdii jiil ee lasoo dhaafay, waan ku faraxsanahay inaan anigu mataan noqdo, sidoo kalena aan aabe u noqdo gabdho mataano ah. Tani waa arrinta ugu farxadda badan ee aan nolosheyda ku heysto", ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Boqollaal qof oo mataano ah ayaa ku sugan magaaladan, mana jirto ci dog sababta.












