Nin u ol'oleynayay xuquuqda balanbaalista oo isagoo mayd ah la helay

Balanbaalis ku dgaggan geed ku yaalla magaalada Bogota

Xigashada Sawirka, Juancho Torres/Getty

Qoraalka sawirka, Gómez wuxuu ahaa nin u ol'oleeya arrimaha deegaanka iyo xuquuqda balanbaalista
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Meydka nin ku caan baxay u doodista xuquuqda deegaanka ayaa laga helay ceel ku yaalla bartamaha waddanka Mexico, ka dib markii muddo labo isbuuc ah la raadinayay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Homero Gómez, oo 50 jir ahaa ayaa maamulayay xarun lagu xannaaneeyo balanbaalista oo ku taalla magaalada Ocampo ee gobolka Michoacán, kaasoo ah gobol si weyn loogu yaqaanno kooxaha burcadda ah ee qalalaasaha sameeya.

Meydka ninkan kama muuqanin wax astaamo ah oo muujinaya dhaawacyo loo geystay mar dhow.

Kooxda dacwad oogeyaasha ah ee ka socota dowladda ayaa wali wadda baaritaanno ku saabsan kiiskan.

Ururrada xuquuq raadiska ah ayaa horay u sheegay inay ka cabsi qabaan in Gómez loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira dagaalka uu kula jiray qolyaha geedaha jirridda ka jara, falkaasoo lagu yaqaanno kooxaha burcadda ah ee ku sugan gobolkaas.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Markii ugu dambeysay ee Gómez la arko waxay ahayd xilli uu ka qeyb galay shir ka dhacay tuulada El Soldado, 13-kii bishan January, qoyskiisa ayaana maalintii xigtay soo tabiyay inay la' yihiin meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Qaraabada ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ninkan xuquuqda deegaanka u dooda uu hanjabaado dl ah kala kulmayay kooxo burcad ah, oo aan heybtooda la aqoonin.

In ka badan 200 oo ruux ayaa si iskood ah uga qeyb qaadanayay howlgalka lagu raadinayay ninkaas, oo billowday isbuucii lasoo dhaafay.

Gud ahaan ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Ocampo iyo iyo magaalada dariska la ah ee Angangueo ayaa xabsiga loo wada taxaabay, iyagoo su'aalo laga weydiinayay halka uu ku maqnaa Gómez.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Presentational white space

Wali sharraxaad dheeri ah lagama bixinin sida meydka lagu helay. Xafiiska dacwad oogeyaasha guud ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka waxay ku sheegeen in meydka lagu sameynayo baaritaanno.

Gómez wuxuu ahaa ma daale u ol'oleeya xuquuqda balanbaalista iyo badbaadinta dhirta keymaha. Xarunta balanbaalista lagu xannaaneeyo ee uu mas'uulka ka ahaa waxaa la furay bishii November ee sanadkii 2019-kii. Waxay tallaabada xaruntaas uu ku aasaasay qeyb ka ahayd qorshihiisa ku aaddanaa inuu joojiyo jarista geedaha, maadaama geedaha ay muhiim u yihiin nolosha balanbaalista.

Muuqaal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wax yar ka hor inta aan la waayin, wuxuu dadka ugu sheegay inay soo booqdaan xaruntaas.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Presentational white space

Tan iyo sanadkii 2006-dii, 60,000 oo ruux ayaa lagu waayay waddanka Mexico, qaar badan oo ka mid ahna waxaa la aaminsan yahay inay gacanta u galeen kooxo burcad ah, kuwaasoo u dilay sababo la xiriira inay soo faragishteen howlahooda la xiriira xaalufinta dhirta.