Bilyaneerkii yiri Afrika waxay jeceshahay Donald Trump oo raali gelin bixiyay

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Maal-qabeenka u dhashay Koonfur Afrika ee Patrice Motsepe ayaa raali gelin ka bixiyay hadalkiisii uu Trump u sheegay ee ahaa in dadka Afrikaanka ahi ay isaga jecel yihiin.

Hadalkan ayuu bilyaneerkan sheegay ka dib markii uu dhaleeceyn adag la kulmay loo sheegay inuusan afhaayeen u ahayn Afrikaanka.

'' Waxaa isaaran waajib ah inaan dhageysto fikradaha iga soo horjeeda waxaana jeceleystay inaan raali gelin bixiyo,'' ayuu yiri Mr Motsepe.

Waxa uu Trump ku ammaanay shirka Dhaqaalaha Adduunka oo ka dhacayay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

'Afrika waxay jaceshahay Ameerika. Afrika wey ku jeceshahay...waxaan rabnaa Ameerika iney sidaas oo kale sameyso. Adigana waxaan kaa rabnaa inaad Afrka jeclaato'',

Xisbiga Mucaaradka Koonfur Afrika ee EFF ayaa sheegay in Mr Motsepe ay ka awood-badiyeen danihiisa ganacsiga.

''Hadalka Motsepe ayaa aflagaaddo ku ah dadka Afrikaan-Ameerikaanka ahi ee ay saameysay Cunsurimada Donald Trump,'' ayuu yiri xisbiga EFF.

Mr Motsepe oo 57 sano jir ayaa Madaxweyne Trump u sheegay iney farxad u ahayd inuu la kulmo. Trump iyo Motsepe ayaa waxay sannadkii 2017-kii ka soo muuqdeen bogga hore ee jariiradda Forbes kuwaasi oo lagu tilmaamay iney leeyihiin maskax ganacsi oo aad u ballaaran.

"Waxaad haysaa shaqa wanaagsan," ayuu Trump ugu jawaabay.

Muqaal ku saabsan dhacdada ayaa lagu baahiyay barta Twitter-ka.

Xarunta daraasadda ee Pew ayaa ogaatay in iyadoo waddamo badan oo dunida ah aysan ku kalsooneyn Trump ayuu haddana dalalka Kenya iyo Nigeria wuxuu ka helay taageero boqolkiiba lixdan shan oo Kenya iyo Nigeria oo boqolkiiba konton iyo siddeed ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaanan weli booqasho ku tagin Qaaradda Afrika balse waxa uu sheegay haddalo lid ku ah qaaradda.

Sannadkii 2018-kii, waxa uu gaashaanka u daruuray inuu yahay cunsuri, ka dib markii uu sheegay eray muran badan dhaliyay oo ahaa in Afrika ay tahay ''Meel wasakh badan''.

Markii dambe Midowga Afrilka ayaa dalbaday in Trump uu raali galin buuxda ka bixiyo hadalkiisaas oo ay sheegeen iney cunsurinimo ka muuqatay.

Balse maalmo ka dib Trump hadalka Trump, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa khudbad uu jeedinayay ka sheegay: '' Waan jeclahay Trump, waxa uu Afrikaanka u sheegaa iney dhibaatooyinkooda xallistan''.

Goor dhoweyd ayuu Trump sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axemed uusan u qalmin inuu ku guleysto billadda Nabadda ee Nobel-ka taas oo Abiy la siiyay sannadkii naga dhamaaday ee 2019-kii.

Sannadkii hore Donald Trump ayaa afar haween ah oo ka mid ah xubnaha Aqalka Congeress-ka u sheegay iney dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen.

Haweenkaasi ayaa dhammaantood ku dhashay dalka Mareykanka marka laga reebo Ilhaan Cumar oo Mareykanka tagtay caruurnimadeedii.