Sidey Shiinaha isbitaal weyn ugu dhisayaan lix maalmood gudahood?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismaha isbitaalka ayaa durba la billaabay, shaqaaluhuna waxay rajeynayaan in lix cisho lagu dhammeystiro
Published

Mas'uuliyiinta magaalada Wyhan ee dalka Shiinaha ayaa isbitaal cusub ku dhisaya muddo lix maalmood gudahood ah, si loogu daweeyo bukaannada looga shaki qabo inay qaadeen cudurka coronavirus.

Ilaa hadda waxaa Shiinaha gidihiisa laga xaqiijiyay 830 kiis oo cudurkaas ah, halka 41 ruuxna ay u dhinteen inta la ogyahay.

Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay magaalada Wuhan, oo hoy u ah qiyaastii 11 malyan oo ruux. Isbitaallada magaalada ayaa la ciirciiraya dadka deegaanka oo ka walaacsan cudurkan, islamarkaana doonaya inay iska baaraan, halka farmashiyeyaashuna ay daawada kasii dhammaaneyso.

Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, isbitaalka cusub ayaa ka koobnaan doona ilaa 1,000 sariir.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muuqaal ay warbaahinta Shiinaha ku shaaciyeen internet-ka ayaa muujinaya baldoosarrada dhulka qoda oo durba sii billaabay shaqada dhismaha isbitaalka, oo ku fadhiisanaya dhul baaxaddiisu la egtahay 25,000 oo labajibbaaran.

Waxaa isbitaalkan loo ekeysiinayaa mid sanadkii 2003 laga dhisay magaalada caasimadda ah ee Beijing, xilligii uu dillaacay cudurka Sars-ka.

"Wuxuu noqonayaa isbitaal dadka xanuunka qaba lagu karantiili doono, qoysaskuna ay u soo diri doonaa xubnaha uu cudurka ka haleelay, waxaana halkaas laga heli doonaa qalabka badbaadada oo dhammeystiran", sidaas waxaa yiri Joan Kaufman, ah macallin caafimaadka ka dhiga iskuulka Harvard.

Sidey dowladda Shiinaha u awooddaa in isbitaal lagu dhiso lix maalmood?

"Shiinaha wuxuu taariikh u leedahay in mashaariicda noocan ah si dhakhso ah loo fuliyo", ayuu yiri Yanzhong Huang, oo ahmacallin kale oo wax ka dhiga culuumta caafimaadka adduunka iyo xiriirka caalamiga ah.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in isbitaalkii laga dhisay Beijing uu dhismihiisa ku idlaaday 7 maalmood gudahood, sidaas darteedna kooxda dhismaha wadda ay damacsan yihiin inay wakhtigii horay loo asteeyay uga dhakhso bataan.

Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay.

Maalintii Jimcada, wargeyska Global Times ayaa xaqiijiyay in 150 dhakhtar oo ka socda milatariga Shiinaha ay gaareen magaalada Wuhan. Hase ahaatee ma kala caddeynin in dhakhaatiirtaas ay ka howl gali doonaan isbitaalka cusub ee la dhisayo iyo inkale.

Maxaa dhacay intii uu socday cudurka Sars?

Sanadkii 2003-dii, isbitaalka Xiaotangshan ayaa laga dhisay magaalada Beijing, si loola tacaalo tirada dadka uu soo ridanayay cudurka Sars. Waxaa dhismihiisa lagu dhammeystiray muddo toddobo maalmood ah, waxaana la sheegay in uu jabiyay wakhtigii u yaallay dhismaha isbitaalka ugu dhakhsada badan ee caalamka.

Qiyaastii 4,000 oo ruux ayaa ka qeyb qaatay dhismaha isbitaalkaas, waxayna shaqeynayeen habeen iyo maalinba, si aysan wakhtiga la qabtay u dhaafin, sida lagu daabacay China.com.cn.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haweeney ayaa ka mid noqotay dadkii ugu dambeeyay ee ka baxay isbitaalka Xiaotangshan, ka dib markii laga daweeyay xanuunka Sars

Gudaha wuxuu ku lahaa adeegyada Raajada, CT-ga iyo qeybta loogu tala galay bukaannada ay xaaladdoodu liidato. Qeyb kasta oo isbitaalka ka mid ah waxaa loo sameeyay musqulaheeda gaarka ah.

Labo bilood gudahood, waxaa isbitaalkaas laga diiwaan galiyay toddoba meelood hal meel oo ka mid ah bukaannada uu ku dhacay xanuunka Sars-ka ee guud ahaan wadanka Shiinaha.

Warbaahinta Shiinaha ayaa arrintaasa ku qeexday mid mucjiso ah.

Sida uu sheegay Mr Huang, isbitaakaas "si tartiib ah ayaa loo dayacay ka dib markii uu cudurkii dhammaaday".