Samiira Axmed oo ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da

Samiira Axmed oo ku jirta barnaamijka Newswatch sanadkii 2012
Qoraalka sawirka, Dacwadda ay wadatay Samiira Axmed waxay ku muddeysan tahay intii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2018-kii
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Samiira Axmed oo tabin jirtay barnaamij ka baxa BBC-da ayaa ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da, oo ku saabsan dood la xiriirtay in mushaaraadka shaqaalaha la simo.

Gabadhan ayaa sheegtay in mushaar aysan u qalmin la siin jiray xilli ay BBC-da ka qaban jirtay barnaamijka ra'yi aruurinta ee lagu magacaabo Newswatch, kaasoo ay ku tilmaantay mid aad u yaraa marka la barbar dhigo mushaarka uu qaadan jiray wariye Jeremy Vine, oo isagana qaban jiray barnaamijka Points of View.

Go'aanka laga soo saaray dacwaddan ayaa lagu sheegay in "shaqada gabadhan ee barnaamijka Newswatch ay la mid tahay shaqada uu qabto Jeremy Vine oo martigaliya barnaamijka Points of View, iyadoo la eegayo qodobka 65(1) ee xeerka simitaanka mushaaraadka shaqaalaka, oo lasoo saaray sanadkii 2010-kii".

Samiira ayaa sheegtay in hadda ay faraxsan tahay, maadaama xal laga gaaray dacwaddaas.

"Ma jirto haweeney dooneysa inay dacwad kusoo oogto shirkaddii ay horay shaqaalaha ugu ahayd", ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: "Waan jeclahay inaan u shaqeeyo BBC-da".

Maamulka BBC-da ayaa yiri: "Waan ognahay in dacwadaha shirkadaha dhexdooda lagu qaado aysan ahayn kuwo farxad galinaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Waxaan dooneynaa inaan si wadajir ah ula shaqeyno Samiira, annagoo xalka u heleyna qaab taban".

Samira Ahmed (midig) iyo Naga Munchetty

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Samiira (midig) oo ay wehlineyso wariyaha barnaamijka subaxlaha ah ee BBC-da Naga Munchetty, maalintii ugu horreysay ee la billaabayay dacwadda

Samiira Axmed waxay u mahad celisay ururka midowga suxufiyiinta ee (NUJ) iyo kooxdeeda dhinaca sharciga, iyadoo mahad taas la mid ahna u jeediyay dhammaan raggii iyo dumarkii ku taageeray ol'olaheeda.

Wariyahan ayaa sheegtay inay ka maqneyd lacag dhan £700,000. Laakiin BBC-da ayaa ku jawabatay in iyada iyo wariye Vine ay qaban jireen "doorar shaqo oo aad u kala duwan".

Garsoorka ma aysan caddeynin in Samiira ay heli doonto lacagta ay sheegatay inay ka maqan tahay.

Waxay garsooku sheegeen in go'aanka ay soo saareen uu dhigayo in la simo qandaraaska ay Samiira mushaarka ku qaadan jirtay intii u dhaxeysay 1 October 2012 ilaa 30 September 2018 iyo kii uu qaadanayay wariye Jeremy Vine, intii u dhaxeysay 2008 ilaa July 2018".

Waxay gabadhan ku doodeysay in lagu sameeyay cunsuriyad dhinaca jinsiga ah, maadaama ay haweeney tahay, wariyaha ka mushaarka badnaana uu rag yahay.

Maamulka BBC-da ayaa sheegay in Samiira ay ahayd wariye shaqo fiican qaban jirtay, ayna ka qoomameynayaan in kiiskan uu gaaray heer dacwadeed.

Jeremy Vine
Qoraalka sawirka, Jeremy Vine wuxuu qaban jiray Points of View muddo 10 sano ah ilaa sanadkii 2018

Xog hayaha guud ee ururka midowga suxufiyiinta ee NUJ Michelle Stanistreet ayaa sheegtay in Samiira ay geesinnimo weyn sameysay markii ay dacwaddaas gudbisay.

Dadkii kiiskan taageeray ee fikirkooda uga hadlay Twitter-ka ayaa la shaaciyay.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Samiira ayaa guddiga dhageysanayay dacwadda, oo dhammaatay bishii Nofember, u sheegtay inay fahmi weysay sababta iyada iyo wariyaha ninka ah loo simi waayay mushaaraadkooda.

Vine ayaa lacag dhan £3,000 oo gini ku qaadan jiray halkii xalaqo ee uu ka tabiyo barnaamijka BC-da ee "One's Points of View", intii u dhaxeysay sanadihii 2008-dii ilaa 2018-kii.

Hase ahaatee Samiira ayaa barnaamijkeeda Newswatch, halkii xalaqo lagu siin jiray lacag dhan £440 gini.