Sawirradii Afrika ugu fiicnaa 2019: Guur-wadareedyo iyo duugtii Mugabe
Waa sawirro xul ah oo sanadkii tegay laga soo qaaday meelo ka tirsan Afrika:

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa aroosad ka soo jeedda qowmiyadda Nubi oo loo marinayo make-up bishii August, kahor arooskeeda oo ka dhacay caasimadda Kenya, Nairobi. Qowmiyaddan oo asalkeeda ka soo jeedda Sudan, ayaa waxaa in ka badan 100 sano kahor Kenya keenay Britain si ay uga mid noqdaan ciidammadiisa.
Haatan iyagoo gaaraya 100,000, ayaa waxay in muddo ah ka cabanayeen inaysan sharci ku haysan Kenya, sida ay sheegeen dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaflad aroos oo ka dhacday bartamaha Morocco bishii September, haweenka ka soo jeeda qowmiyadda Amazigh ayaa isla galay sawirro. Amazigh waa qomwiyad asal ahaan ka soo jeedda Waqooyiga Afrika, waxayna xoogga saarayaan in la aqoonsado luqaddooda iyo dhaqankooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isla bishaas, dhaqan-yaqaannada qomwiyadda Zulu ayaa xafladdooda cayaaraha ee sanadlaha ah ku qabtay Aqalka Boqor Goodwill Zwelithini ee Enyokeni, iyagoo cayaarahaas u adeegsaday la dagaallanka HIV/Aids io uurka gabdhaha da`da yar.
Haweenka xafladda ka soo qeyb gala ayaa qaadaya ulo iyagoo hor dhigaya aqalka boqortooyada. Sida dhaqanka Zulu uu qabo, haddii aysan haweeneydu bikro ahayn, uluhu way jabayaan, bulshada ayayna ku hor ceeboobeysaa.

Koofur-galbeed Nigeria, tobnaan kun oo oday-dhaqameed, oo badankood ka soo jeeda qowmiyadda Yoruba, ayaa bishii August ka qeyb galayw axa ay dadka soo qaban qaabiyay ku sheegeen xaflad 600 oo sano jirta.

Dalka Itoobiya, nin xiran "Daabe", oo laga sameeyay dhogorta daanyeerka, ayaa ka qeyb galay xaflad mahadcelin ah oo ay qomwiyadda Oromada ku qabteen magaalada caasimadad ah ee Addis Ababa, bishii October.
Waa markii ugu horreysay in ka badan qarnni xafladdan lagu qabto magaalada, waxayna calaamad u tahay sida dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed ay u oggolaatay in qowmiyaduhu ay si xor ah u muujiyaan dhaqankooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labo bilood kaddib, rag fardooley ah ayaa soo dhex maray Addis Ababa si ay u salaamaan Mr Abiy kaddib markii uu ka soo laabtay Norway, halkaas oo uu ku guddoomay abaalmarinta Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteystay soo afjaridda dagaalka uu dalkiisa kula jiray dalak deriska la ah ee Eritrea.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse sidoo kale waa sanadkii ay Itoobiya wajahday musiibadii diyaaraddii dhacday. Diyaaradda Ethiopian Airways Boeing 737 Max 8 ayaa burburtay 10-kii March, waxaana ku dhintay dhammaan 157 qof oo saarnaa, xanuunka qoysaska dadkii dhintay waxaa uga sii daray inaan la helin meydadka dadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qeybo ka mid ah Bariga Afrika ayaa waxaa ragaadiyay musiibooyin dabiici ah. Botswana, Lesotho, Namibia iyo Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo abaar ah, taas oo burburisay dalagyo isla markaana dishay xoolo badan.
Dalka Botswana ee dhoofiya hilibka lo`da, waxaa ku dhintay 40,000 oo lo` ah iyadoo webiyada iyo harooyinka ay qallaleen - waxaa ku jirtay Harada Ngami halkaas oo lagu arkay neef lo` ah oo ku go`doonsan dhiiqada bishii August.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Horraantii sanadkii la soo dhaafay labo duufaan - Idai iyo Kenneth - ayaa ku dhufatay koofurta Afrika, waxaana ku dhintay ugu yaraan 900 oo qof iyadoo tobmaam kun oo qofna ka dhigtay hoy la`aan. Mozambique wuxuu ahaa dalkii ugu darnaa ee ay duufaantu saameysay, iyadoo xaaqday xaafado badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Kenya, wiil yar ayaa bishii October wuxuu hor istaagay gurigooda oo ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Turkana, oo ay abaartu saameysay. Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabisay ka jawaab celinta abaarta, iyadoo ay jireen warar sheegaya in 10 qof ay gaajo u geeriyoodeen halka in ka badan 1.1 milyan oo qof ay u baahnaayeen gargaar cunto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii July, dowladda Itoobiya ayaa daah furtay barnaamij dhir lagu beerayo si loola dagaallamo isbeddelka cimilada - taas oo ay soo dhoweeyeen dadka arrimaha deegaanka u ololeeya. Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 3.5 bilyan oo geedo ah lagu beeray saddex bilood gudahooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kinshasa, dadka ayaa korayay geedaha si ay u daawadaan caleema saarka hoggaamiyaha mucaaradka Felix Tshisekedi ee bishii January, kaddib markii uu la wareegay xilka dalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii September, dadka reer Zimbabwe ayaa u baroor diiqay madaxweynahoodii ugu horreeyay kaddib xirnimadii dalkaas, Robert Mugabe, oo geeriyooday isagoo jira 95 sano.
Mugabe oo Zimbabwe u talinayay muddo 37 sano ah ayaa waxaa sanadkii 2017 lagu qasbay inuu xilka iska casilo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa sidoo kale looga baroor diiqay Koofur Afrika. Dad badan oo reer Koofur Afrika aha yaa abaal uga haya inuu ka acawiyay soo afjaridda xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay ee dalakas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Sudan, Alaa Salah ayaa astaan u noqotay dibadbaxyadii looga soo horjeeday Omar al-Bashir. Milatariga ayaa xukunka ka tuuray bishii April, milatariga ayaana haatan awood weybsi ku haya xilka Sudan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ms Salah ayaa dhiirrigelisay dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida ku nool. Sawirkeeda ayaa sidoo kale bishii April lagu sawiray derbi ku yaalla Suuriya, oo sanadkii 2011 ay ka bilowdeen dibadbaxyo la isku dayay in xilka looga qaado xukuumadda Bashar al-Assad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Algeria, tobnaan kun oo qof ayaa ku dibad baxayay Jimco walba, iyagoo ku qasbayay madaxweynihii xanuusanaa ee 82 sano jirka ahaa Abdelaziz Bouteflika inuu is casilo bishii April. Dibadbaxyada ayaa sii socday ilaa uu iska casilo, iyadoo ay dadka dibadbaxayaasha ah dalbadeen in gebi ahaanba laga takhaluso hannaanka siyaasadeed ee dalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka reer Algeria ayaa fasax ka qaatay siyaasadda si ay ugu dbaaal degaan kooxda kubadda cagta dalkaas oo ku guuleysatay Koobka Dalalka Afrika bishii July markii ugu horreysay 29 sano, kaddib markii ay Senegal ku garaaceen 1-0.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka Koofur Afrika ayaa u dabaal degay Siya Kolisa oo noqday kabtankii ugu horreeyay oo madow ah oo qaada koobka Rugby World Cup kaddib markii kooxdiisa ay uga badiyeen England bishii November 31-12 cayaar ka dhacday Japan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadweynaha magaalada Nairobi, caasimadda Kenya oo dabaaldeggii Easter ee Masiixitiinya jilaya sida ay aaminsan yihiin "daldaliddii Nabi Ciise.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Kinshasa, wiilkan yar ayaa cararay bishii June xilli ay socotay salaadda Ciidul-Fitr.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale, magaalada ugu weyn Nigeria ee Lagos ayaa la qurixyay iyadoo loo dabaal degayay Ciidda Masiixiyiinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhammaan gabdhahan ayaa u lebistay Ciidda Kirismaska ee Masiixiyiinta, horraantii bishii December.
Dhammaan xuquuqda sawirrada way dhowran tahay.












