You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacday xarunta Nabad sugidda Ruushka
Ugu yaraan hal ruux ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday xarunta hay'adda nabad sugidda ee federaalka Ruushka (FSB), oo ku taalla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Moscow, sida ay kusoo warrameen warbaahinta dalkaas.
Nin hubeysan ayaa rasaas ka furay qori nooca darandoorriga u dhaca ah, xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee laga galo dhismaha xarunta FSB, sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen.
Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah isugu gadaamay goobtaas, iyagoo dadkii aaggaas ku sugnaana u kaxeeyay dhismayaasha kale ee u dhow.
Toogashadan ayaa timid saacado yar ka dib markii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin qabtay shirkiisa sanadlaha ah ee warbaahinta.
Wali ma jirto xog faahfaahsan oo laga helay dhacdadaas, laakiin warar kala duwan oo kasoo baxay warbaahinta magaalada Moscow ayaa sheegaya in saddex askari lagu dilay goobtaas.
Labo ka mid ah ragga la tuhunsan yahay inay weerarka fuliyeen ayaa lagu dilay isla goobta, halka mid saddexaadna lagu soo warramay inuu u cararay dhinaca waddada, ka dibna uu dhisme aag ka galay.
Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah kuwa weerarka fuliyay ayaa rasas ka furay qoriga loo yaqaanno Kalashnikov, sida lagu qoray bogga wararka ee RBC.
Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa laga maqli karaa dhawaaqa rasaasta halkaas ka dhaceysay, halka muuqaal kalena uu muujiyay rag hubeysan oo ka cararaya xarunta FSB ee ku taalla dhismaha Lubyanka.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay arkeen ciidamada amniga khaaska ah oo ku hubeysan qoryaha casriga ah, kuwaasoo goobta tagay. Shan gaari oo kuwa gurmadka dagdagga ah ayaa la arkayay iyagoo halkaas kasii baxaya.
Qof goobjooge ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in toogashadu ay billaabay saacaddu markii ay ahayd 17:40, wakhtiga maxalliga ah, oo u dhiganta (14:40 GMT).
"Waxaan arkay askari ka tirsan ciidamada taraafikada oo ku cararaya waddada, islamarkaana iskuqarinaya gawaarida gadaashooda", ayuu yiri goobjoogaha.
Weerarkan ayaa dhacay maalin ka hor marka loo dabaaldago xuska maalinta hay'adaha nabad sugigga ama sirdoonka ee Ruushka, waxaana madaxweyne Putin uu khudbad ku sheegay xilliga loo dabaaldagayo munaasabaddaas.