Muxuu sameeyay Trump intii ay socotay codeynta Congress-ka?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Eedeymaha loo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa ka mid ah ku takrifal awoodeed
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Kadib maalmo juuq la'aan ah, ayuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump mar kaliya burqaday ka dib markii Aqalka Congress-ka uu u fariistay kala noqoshada codka kalsoonida isaga loo hayo.

Si la mid ah sida dadka ay codeynta iyo khudbadaha xildhibaanada ugala socdeen idaacadaha la'iska arko, ayay sidoo kale isha ugu hayeen degelka Twitter-ka Trump oo si isdaba joog ah wax loosoo galinayay.

Wax ka badan 60 jeer ayuu Trump wax soo galiyay boggiisa, taas oo ah arrin qeyrul-caadi ah.

Dhammaan qoraallada isaga uu qoray iyo kuwa ay dadka kale qoreen ee uu sii faafinayay ayaa waxaa looga hadlayay mooshinka Congress-ka, islamar ahaantaasna looga soo horjeedo.

Haddii qof uun dareenkiisa iyo waxa maankiisa ka guuxayo laga dareemi karo meel fog, kaas waa Donald Trump, wuxuuna si dhab ah u muujiyay illaa heerka uu kasoo horjeedo codka Congress-ka, isaga oo ku tilmaamay arrin sharci darro ah.

Welwelka Trump

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceyn u jeediyay siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga

Saacado ka hor inta aanan codbixinta loo fariisan, ayuu qoraal uu soo dhigay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu innaba ka welwelsanayn codka loo qaadayo.

Balse taasi waxa ay isbaddashay markii codeynta loo fariistay.

Mid ka mid ah qoraalada uu soo dhigay ayaa sidan u dhignaa, wuxuuna dadka ka codsaday in ay u soo duceeyaan.

"Ma aamini kartaa maanta waxaa raba in ay xilka iga qaadaan kuwa xagjirka ah ee bidixda u janjeera, wax-ma-tareyaasha Dimoqoraadiyadda. WAX AAN HALlEEYAY MA JIRTO! Waa wax aad u khaldan. Akhri qoraalada. Tan ma ahan in ay ku dhacdo madaxweyne kale. Iisoo DUCEEYA!".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Trump iyo Shacabka

Inkasta oo arrintan aad loogu kala qeybsan yahay, haddana Trump ayaa marka qoraaladiisa la eego u muuqda in uu shacabka ka raadinayo beerlaxawsi, wuxuuna dadka tusayaa in xisbiga dimoqoraaddiga ay yihiin cadowga dadka.

Mid ka mid ah qoraaladiisa ayuuna arrintaas ku caddeeyay, isagoo yiri "Xaqiiqda waxay tahay, aniga ima dabo socdaan, ee idinka ayay idiin socdaan, kaliya aniga ayaa idinku gudban".

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Codeynta kadib wuu aamusay

Tan iyo intii ay dhacday codeynta, Aqalka uu kala laabtay codka kalsoonida, Trump juuqdiisa lama hayo.

Ma jiro wax qoraal ah oo uu soo dhigay, balse waa hadal haynta ugu weyn ee warbaahinta Maraykanka iyo adduunkaba.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay waxaa la daabacay ilaa 8 saac ka hor.