Aniga, kaamiradeyda iyo walaalkey

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Markii uu Carly Clarke ku dhacay cudurka kansarka sanadkii 2012-kii, waxay billowday inay sawirto marxalad kasta oo la xiriirta isbaddalkii ku yimid nolosheeda. Laakiin toddoba sano ka dib, waxaa si lama filaan ah u dhacday inay isla waddadii oo kale la marto walaalkeed, oo isagan uu cudurka haleelay, iyadoo sawireysa isbaddalkiisa.
"Timaheyga ayaa gacanta soo raaci jiray, dharka ayey raaci jireen, marka aan qubeysanayana waxay ku daadan jireen musqusha, xilli kasta oo aan shanleeyana way sii gurmi jireen".
"Marka aan muraayadda istaago, waan arki karay sida uu maalinba maalinta ka dambeysa muuqaalkeyga isu baddalayay".
Carly Clarke waxay shaaca ka qaadday khibraddeeda dhinaca kansarka, maadaama ay tahay bukaan xanuunkaas uu ku dhacay, waxayna BBC-da tustay qaar ka mid ah sawirradii ay gacanteeda isaga qaadday lixdii bilood ee ay dawada cudurkaas u socotay.
Ugu dambeyntii waxay aabaheed ka codsatay inuu ka xiiro timihii madaxeeda ku haray. Xilligaasna waxay da'deedu ahayd 26 sano oo kaliya.
"Waxaan lahaan jiray timo badan. Hadda waxaan u ekahay bukaan qaba kansar", ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Lix bilood ka hor inta aan sawirradan la qaadin, Carly waxay lahayd riyo ay damacsaneyd inay horumar uga sameyso waddanka Canada, waxayna ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee jaamacadda ay ku baraneysay cilmiga sawir qaadista.
Dhowr bilood ayey xanuunsaneyd, oo ay aad u qufaceysay, raashinkiina way ka go'day. Xabadka ayaa xanuunayay. Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen inay dhib weyn kala kulmi karto daweynta, sambabadeeduna ay ku baabi'i karaan. Laakiin iyadu waxaasoo dhan dhag jalaq uma aysan siinin.
"Isuma dabcinin xanuunka - nooc walba oo uu ahaaba - nolosheyda caadiga ah ayaan iska watay", ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke

Saddex bolood ka dib Carly waxay u baahneyd qalab ka khafiifiya xanuunka xabadka iyo dhabarka, si ay u seexato.
Ugu dambeyn waxaa laga dhaadhiciyay in loo billaabo dawada, bishii March ee sanadkii 2012-kii.
"Oohin ayaan la dhacay anigoo ku sugan isbitaalka Guy ee magaalada London, ma ogeyn inaan sii noolaan doono marka ay dawada kansarka ii billaabato, aad baan u argagaxsanaa", ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Waxay go'aan ku gaartay inay sawirto marxalad kasta oo ay mareyso.
Waalidiinteeda way qaadan waayeen warka ku saabsan xanuunkeeda, waxayna dadaal kasta u sameynayeen sidii ay u garab taagnaan lahaayeen.
Xitaa saaxiibkeed oo arrinta ka naxay wuxuu kasoo tagay gobolka California, Mareykanka, si uu iyada ula joogo.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Bilooyin dhib badan ka dib, Carly way ku guuleysatay dagaalkii ay kula jirtay kansarka.
Ugu dambeyn waxay u duushay gobolka California, waxayna la dagtay saaxiibkeed.
Waxay muddo ka dibba tageysay isbitaalka, si xaaladdeeda loo hubiyo. Markii dambe waxay billowday inay sawirto dadka kale ee xanuunkaas safarka kula jiray.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Qorshaheedu wuxuu ahaa inay barnaamij ka diyaariso xanuunka kansarka iyo marxaladda daweynta. Laakiin qorshihii oo dhan wuxuu isbaddalay markii loo sheegay in walaalkeed ka yar uu haleelay kansar.
Joe waxaa ku dhacay isla noocii kansarka ee ay martay walaashiis Carly, lix sano ka hor.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Joe wuxuu markaas ahaa 16 jiri, wuxuuna billaabayay waxbarashada dugsiga sare ka dambeysa.
Iyadoo dooneysa inay wakhti badan la qaadato walaalkeed, horaantii sanadkan, Carly waxay weydiisay inay sawirro ka sameyn karto xaaladdiisa xilliga laga daweynayo kansarka, wuuna ka oggolaaday.

Xigashada Sawirka, Carly Clarke
Carly waxay walaalkeed Joe ka weyntahay 16 sano, sanad walbana waxay arkeysay isagoo muuqaalkiisa uu isasii baddalayo.
Mar walba wuxuu Joe ka codsan jiray walaashiis talooyinka ku saabsan xanuunkaas, maadaama isagoo yar uu arki jiray sida ay ulasoo tacaashay.
Sawirrada: Carly Clarke












