You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yaa uu ahaa James Le Mesurier ninkii Koofiyad Cadda taageeri jiray ee maydkiisa Turkiga laga helay
Sarkaal hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Ingiriiska oo ay abaal marin ku siisay Boqoraddu shaqada uu la waday ururka Koofiyad Cadda Suuriya ee gargaarka degdegga ah ayaa maydkiisa laga helay meel u dhow xafiis uu ku lahaa Istanbul.
Xog BBC-du ka heshay ururka Koofiyad Cadda ayaa tibaaxday in maydka James Le Mesurier oo la siiyey billadda OBE sannadkii 2016-kii la helay waaberigii Isniintii.
Le Mesurier wuxuu u dhisay qaybta gurmadka degdegga ah waxaanu tabobari jiray shaqaalaha tabarucaadka ku saqeeya ee ururka Koofiyad Cadda.
Waxa dilay lama garan isla markiiba.
sida uu sheegay ururka Koofiyad Caddu, maydka Le Mesurier waxa laga helay abaaro 04:30 waaberigii wado hore marta dhisme uu ku yaal xafiiska qaybta gargaarka degdegga ah.
Koofiyad Cadda
Le Mesurier, wuxu sidoo kale u shaqayn jiray Qaramada Midoobay waxaana la rumaysnaa in uu isagu aasaasay ururk Koofiyad Cadda.
Ururkaasi wuxu gurmad u fidiyaa dadka rayidka ah ee wax ku noqda goobaha dagaalladu ka socdaan ee ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Madaxweyne Bashar Al-Assad.
Sannadkii 2016-kii ayaa ururku wuxuu abaal marinta Right Livelihood ka ku qaatay "geesinimadooda, naxariisa iyo damqashada aadamenimo ee ay ugu gurmadaan rayidka".
Isla sannadkaa dabayaaqadiisii ayaa ururka waxa loo magacaabay inuu ka mid yahay cidda mudan in la siiyo abaal marinta nabadda ee Nobel.
Laakiin xukuumadda Suuriya iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Ruushka iyo Iran ayaa ku eedeeyey ururka Koofiyad Cadda in ay si aan gabbasho lahayn u gargaarayaan ururada argagixisada ah.
Wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa todobaadkii hore qoraal ay kaga hadlayso oo ay Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in uu ahaa askari ka tirsanaan jiray sirdoonka Ingiriiska ee MI6.
Le Mesurier wuxu ku guulaystay oo ay Boqoraddu siisay abaal marinta OBE oo uu ku mutaystay "gacanta uu siiyo ururka gurmadka rayidka Suuriya iyo sidoo ilaalinta rayidka Suuriya".