Badda ay bacaha ka badan yihiin kalluunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caagado badan ayaa ka buuxsamay meesha uu kalluunka ka dhasho, wax uu cunana ka hela, sida lagu sheegay warbixin cusub.
Baarayaasha waxay ogaadeen in bacaha yaalla qeybta uu kalluunka ka dhasho ay todobo goor ka badan yihiin malayga yaryar. Baaritaankan ayaa laga sameeyay xeebaha Hawaii.
Waxay u muuqataa in isla baddaas laga eegay in meelaha uu kalluunka ka ugaarsado ay sabeynayaa caagado.
Waxaa jiro caddeyn sii kordheysa oo ah in noolaha badda uu quuto baco laakiin dhibaatada caafimaad ee ka dhalata ma cadda.
"Ma hayno xogta ah in arrintan ay saameyn xun ku yeelan karto tirada kalluunka," Dr Gareth Williams oo ka tirsan jaamacadda Bangor ee UK, ayaa sidaa u sheegtay BBC.
"Balse waxaa xaqiiqo ah in ay cunayaan caagadahan marka ay aad u gaajoodaan, waxayna noqon kartaa arrin xun."
Khubarada waxay baarayaan saameynta ay walxahan ku yeelanayaan nolosha kalluunka iyo ukumahiisa.
Qaar ka mid ah bacaha waa kuwo dabiici ah oo soo raaca qulqulka biyaha ee xillyada roobabka waana kuwo yaryar oo cunto muhiim u ah kalluunka.
Markii khubarada ay billaabeen baaritaanka xeebaha Hawaii, waxaa la yaab ku noqotay in baco badan ay ka dhex heleen shabaqyadii ay xirteen.
"Waxay ahayd arrin lama filaan ah," ayey tiri Dr Williams. "Xaqiiqadii waxaa la yaab ahaa in caagadahan ay ka badan yihiin kalluunka meesha ku nool".

Xigashada Sawirka, Jonathan L. Whitney
"Waxaa la yaab nagu noqotay in saamabaladii aan soo qaadnay ay ka buuxeen baco yaryar," ayuu yiri Dr Jonathan Whitney, oo arrimaha noolaha badda ka shaqeeya.
Waxay sidoo kale ogaadeen in kalluunka badankiisa uu cunay bacahaas.
"Waxaan cagado iyo baco yaryar ka helnay caloosha kalluunka salka hoose ku jira iyo midka dhowba," ayuu hadalka ku daray Dr Whitney.














