Arday taageero u muujiyay nin Faransiis ah oo isu gubay "Maxaa lacag la'aan iga dhigay"

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .
Published

Ardayda jamaacadaha ee dalka Faransiiska ayaa bannanbaxyo ka dhigay Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, si ay taageero ugu muujiyaan arday 22 sano jir ah oo u dhashay isla dalka Faransiiska, kaas oo isu gubay kadib markii ay la soo daristay xaalad dhaqaale xumo.

Ardaygan 22 jirkan ayaa isku dayay in uu nafta is dhaafiyo, hasayeeshee kooxaha dab damiska ayaa ka soo gaaray oo markii dambe badbaadiyay.

Ardayda ayaa waxaa ay shegeen "xaaladda liidata" ee keentay in ardaygan uu is gubo ay ka tarjumeyso xaaladda ay ku nool yihiin da'yarta dalka Faransiiska.

Ninkan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay dhibaatooyinka dhaqaale ee uu wajahayo, saacado uun kahor inta uusan isku gubin maqaaxi ku taalo afaafka hore ee jaamacadda uu dhigto ee Magaalada Lyon.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, labadii Madaxweyne ee isaga ka horeesaay, hogaamiyaha mucaaradka, Marine Le Pen iyo Midowga Yurub ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeyeen dhibaatada heysata noolashiisa.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xaaladda ninkan ayaa haatan lala tacaalayaa

Kooxaha dab demiska ayaa sheegay in ninkan jirkiisa uu boqolkiiba sagaashan gubtay.

Ardaygan oo dhiganayay Jaamcadda Lyon ayaa sheegay in uu xamili waayay culeyska dhaqaale ee heysta, wuxuuna intaa raaciyay in bil walba uu isticmaalo lacag gaareysa 388 doolar.

"Waxaan Madaxweyne Macron, [François] Hollande, [Nicolas] Sarkozy iyo Midowga Yurub ku eedeenayaa in ay i dileen aniga; in ay hubanti la'aan ka dhigeen dhamaan mustaqbalkeena. Waxaa kale oo aan eedeenaya Le Pen iyo xisbiag shuuciga ah, kuwaas oo cabsi ku abuuray mustaqbalkeena," ayuu ku qoray Facebokiisa.

Gabar ay wada socdeen ninkan ayaa ku wargelisay dowladda, ka dib markii uu u sheegay qorshaha uu damacsan yahay.