Hoggaamiye meydkiisa lagu dul murmayay 14 sano oo la aasay

Xigashada Sawirka, AFP
Meydka hoggaamiyihii shuuciga isbaddal doonka ahaa ee lagu magacaabi jiray Zhao Ziyang, oo xilka laga tuuray markii uu ka soo horjeestay howlgalkii lagu bartilmaameedsaday ardaydii mudaharaadeysay sanadkii 1989-kii ayaa lagu aasay magaalada Beijing.
Haraadiga Mr Zhao, oo geeriyooday sanadkii 2005-tii, ayaa lala aasay meydka xaaskiisii, waxaana loo sameeyay aas ay ka qeyb galeen dad faro kutiris ah.
Mr Zhao ayaa 1989-kii laga tuuray xilka xog-hayaha guud ee xisbiga shuuciga, wuxuuna ku jiray xabsi guri ilaa uu ka geeriyooday
Howlgalka uu ku gacan seyray oo ay amarkiisa bixiyeen saraakiisha Shiinaha ayaa xilligaas lagu dilay boqollaal qof, waxaana taariikhda dhacdooyinkaas laga saaray buugaagta iskuullada Shiinaha.
Wadahadallo ku saabsan waxa laga yeelayo meydka nin ay mas'uuliyiinta dalkaas sidoo kale isku dayeen inay taariikhda waddanka ka saaraan ayaa qaatay sanado badan.
Xubnaha qoyskiisa ee aadka ugu dhow oo kaliya ayaa loo oggolaaday inay ka qeyb galaan aaska heerka hoose ah ee loo sameeyay, kaasoo ka dhacay qabuuro ku yaalla deegaanka Chaoping ee duleedka magaalada Beijing.
"Maanta waxaan aaseynaa waalidiinteenna, oo loo sameeyay aas kooban oo ku eg xubnaha qoyska. Munaasabadda yar ee aaska ah waxaa lagu qabtay meel ay ku qanacsan yihiin qoyska", sidaas waxaa tiri gabadha uu dhalay Mr Zhao ee lagu magacaabo Wang Yannan, iyadoo la hadleysay BBC-da laanteeda Shiinaha.

Xigashada Sawirka, BBC NEWS CHINESE
Waxay sidoo kale raalligalin ka bixisay in aaska aan la sii shaacinin inta aan lagu dhaqaaqin ka hor, iyadoo sheegtay in qoysku aysan ogeyn inay oggolaanshaha ugu dambeeya ka helayaan mas'uuliyiinta, ilaa laga gaaray daqiiqaddii ugu dambeysay.
Zhao Ziyang waxaa dallacsiiyay hoggaamiyihii sare ee Shiinaha, ee lagu magacaabi jiray Deng Xiaoping, kaasoo markaas raadinayay qof sare u qaada dhaqaalaha waddanka isla markaana u furfura caalamka intiisa kale.
Xilkiisa ayaa u muuqday mid sal adag ka dib markii laga dhigay xog-hayaha guud ee xisbiga Shuuciga, sanadkii 1987-kii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Laakiin mudaharaadyada dimuqraaddi doonka ahaa ee ay sameynayeen ardayda Shiinaha iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada Beijing - iyo waliba qeybo kale oo ka mid ah Shiinaha - waxay labo sano ka dib sababeen kala qeybsanaan ka dhex abuurantay hoggaanka xisbiga Shuuciga.
Boqollaal kun oo ruux ayaa iyagoo dumuqraaddiyad dalbanaya sameynayay mudaharaadyo nabdoon, waxayna intooda badan isugu tagayeen fagaaraha lagu magacaabo Tiananmen.
Mr Zhao, oo ka dabacsanaa hoggaamiyeyaasha kale ee xisbiga ayaa calool nugeyl u muujiyay dibadbaxyaasha..
Laakiin arrintaas waxay u horseedday in ciqaab la marsiiyo.

Sugitaankii muddada dheer oo lasoo afjaray
Falanqeyn ay sameysay wariyaha BBC-da laanteeda Shiinaha, Vivian Wu.
Aaska Zhao Ziyang - oo mar ahaa ninka ugu darajada sarreeya dalka Shiinaha - wuxuu noqday arrin uu ka aloosnaa muran dabo dheeraaday.
Sida caadiga ah, aaska loo sameeyo hoggaamiyeyaasha Shiinaha waxay ahaayeen kuwo si qaddarin leh ugu dhaca wakhtiga loogu talagalay, warbaahintuna ay tabiso.
Laakiin markii uu Mr Zhao geeriyooday sanadkii 2005-tii, waxaa lagu dhawaaqay in aaskiisa uu ka dhici doono qabuuro si wanaagsan loo habeeyay, oo loogu talagalay madaxda Shiinaha, saraakiisha xilalka sare soo qabtay iyo dadka caanka ah ee ay isku dhawaayeen madaxda.
Ka dib waxay mas'uuliyiinta waddanku diideen inay bixiyaan fasaxa meydkiisa loogu aasayo qabuurahaas, qoyskiisuna waxay meydkii geysteen gurigooda.
Wuxuu sidoo kale waayay munaasabadihii caadiga ahaa ee loogu baroordiiqi jiray hoggaamiyeyaasha Shiinaha ee geeriyooda, kuwaasoo intooda badanna loo sameeyo sanad guuro cayiman.
Mas'uuliyiinta dalku waxay ku qeexeen inuu ahaa "hoggaamiye laga xayuubiyay xilka" oo sanad guuro aan loo sameyn karin, waxayna adkeeyeen amniga goobta lagu hayay meydkiisa.
Qoyska Mr Zhao ma aysan aqbalin arrintan, haddana iyagoo sannado badan dulqaad sameynayay, waxay oggolaadeen inay si wadajir ah u aasaan waalidiintooda.
Qabrigiisu wuxuu noqon doonaa meel xasuus ahaan loo siyaarto, maadaama uu naftiisa u huray helitaanka dimuqraaddiyadda, iyadoo xitaa aysan dowladdu oggoleyn in munaasabado loo sameeyo xuska 4 June, oo ku saabsan markii ay billowdeen mudaharaadyadii dimuqraaddiyadda.













