Talyaaniga: Nin loo soo xiray xatooyo oo labo askari xabsiga ku dilay

Published

Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste.

Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday.

Askarta oo su'aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo.

Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow.

Waxaa goor dambe la arkayay isagoo dhismaha markuu kasii baxayay ridaya rasaas kale oo dheeraad ah.

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Alejandro Augusto Meran ayaa goor dambe dib gacanta loogu soo dhigay.

Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota iyo Matteo Demenego.

"Nin bukaanno laayay si naxashka suuq loogu helo"

Dabayaaqadadii 2017-kii, Booliiska jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa xiray nin ka shaqeynayay ambalaas ama gawaaridda gurmadka degdegga ah fuliya oo looga shakiyay in uu dad dilay, arrintaasna lacago kaga qaatay goob naxashyada lagu gado oo lala xiriiriyay burcad.

Waxaa la sheegay in uu hawo kaga duray xididda ugu yaraan saddex ruux oo qaba xanuunno aan la dawayn karin oo guryahooda dib loogu celinayay.

Waxaa la sheegay in mayd kaste lagu siiyay 265 giniga istarliinka ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ugu yeeray fadeexadda "abmalaasta geerida"

Booliiska ayaa ninkan xiray ka dib markii uu soo wargaliyay nin sheegay in uu yahay burcad soo hanuunay, wuxuuna faahfaahinta siiyay maamulka magaalada Catania iyo barnaamij dabogal sameeya oo telefishin ka baxa.

Ninkan ambalaasta ka shaqeeya ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira.

Ninkan oo 42 jir ah ayaa sheegay in uu ka faa'iidaystay ehellada dadkaas oo aad u murugaysnaa uuna kula taliyay xarun ka shaqaysa arrimaha xabaalaha oo lala xiriiriyay burcadda Sicilian mafia kuwaas oo lacag ka siin jiray dadka uu ku soo xiro.

Waxaa jira warar sheegaya in hawshan ay soo socotay tan iyo 2012kii lagana yaabo in ay jiraan dad intaas ka badan oo la dhibaateeyay.

Baareyaashu waxay sheegeen in ay tobannaan dhimasho oo ka dhacday Biancavilla dib u fiiriyeen ayna ka shakiyeen 12 dhimasho oo ka mid ah, saddex ka mid ah baaritaannadaasna la horgeeyay maxkamad dacwadda dhagaysanaysa.