Qoys isku haysta maydka fannaan caan ah oo la qariyay

José José in Mexico City in 2015

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fannaanka oo loo garanayay Amiirka Heesaha, José José, wuxuu soo saaray in ka badan 100 milyan oo album oo heeso ah
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Iyadoo malaayiin qof oo taageero u ahaa fannaanka ay weli la murugoonayaan geerida heesaaga u dhashay mexico José José, ayaa haddana caruurtiisa bahweynta ay dhashay waxa ay sheegayaan in aysan garaneyn meesha loo qaatay maydka.

Waxay sheegayaan in ay tageen meshii maydka uu ku keedsanaa ee Miami, iyagoo filayay in halkaas ay ku arkaan, balse waxay tilmaameen in aysan arkin maydka iyo warqad caddeyneysa in uu dhintay.

Waxay walaashood ay isku aabaha yihiin Sarita iyo hooyadeed ay ku eedeeyeen in ay qariyeen maydka.

Fannaanka oo loo garanayay Amiirka Fanka, wuxuu dhintay Sabtidii. Wuxuu soo saaray in ka badan 100 milyan oo album oo heesho ah.

José Joél iyo Marysol Sosa Noreña - caruurta ay dhashay mid ka mid ah seddaxdiisa xaas - waxay sheegeen in markii ay gaareen meesha aaska, Axaddii, oo ah meesha ay filayeen in tacsida lagu qaban doono, waxaa loo sheegay in maydka aabahood uusan halkaa oolin, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

"Xilligan la joogo, ma ogin meesha maydka la geeyay. Xaq ayaan u leenahay in aan aragno maydkiisa. Waxaan dooneynaa in aan ogaano in José José, aabeheen, uu dhintay," Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hadalkaas ka soo xigatay José Joél.

José Joél wuxuu twitter-ka farriin ugu diray walaashii Sara (af Spanish ku qoran), wuxuuna weydiiyay in ay la soo xiriirto isaga iyo walaashii, ayna u sheegto halka uu yaallo maydka aabahood.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Waxay ka dib aadeen saldhigga booliska ee Cutler Bay, ee gobolka Florida, si ay u gudbiyaan dacwad ah in maydka la waayay, sida wakaaladda AFP ay ku warrantay.

"Haddii aanan arag maydka aabahey, wax aan aaminaayo ma jirto. waxba," Marysol Sosa Noreña ayaa sidaa u sheegtay saxafiyiintii ku sugnaa bannaanka saldhigga boolis.

Waxay sidoo kale telefoon u direen wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico, Marcelo Ebrard, si uu arrinta u soo farageliyo.

Afhayeen u hadlay Sarita iyo hooyadeed wuxuu sheegayaa in maydka fannaanka aan laga qarin labadiisa carruur ee waaweyn.

Sarita, oo ah qofka xuquuqda u leh heesaha aabeheed, waxay sheegtay in la qorsheynayo tacsi loogu sameeyo Mexico iyo Mareykanka.

Sannadkii la soo dhaafay, labada carruur ee bahweynta ay dhashay waxay walaashood ay isku aabaha yihiin iyo hooyadeed oo bahyarta ah, ku eedeeyeen in ay afduubteen aabahood ka dib markii Mareykanka ay ugu qaadeen daweynta cudurka kansarka oo ku dhacay.

Yaxaaska, oo magaciisa dhabta ah uu ahaa, José Rómulo Sosa Ortiz, wuxuu ku dhintay cisbitaal ku yaalla duleedka Miami, ka dib markii muddo laga daweynayay kansar kaga dhacay beeryarada.

Presentational grey line
Presentational grey line