Gabadhan intey caan noqon "waxay lahayd karti gaar ah"

Greta Thunberg waxay ku soo caan baxday u ololeeynta isbeddelka cimilada

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Greta Thunberg waxay ku soo caan baxday u ololeeynta isbeddelka cimilada
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sanad ka hor Greta Thunberg waxay ahayd qof caadi ah oo cinwaan u gaar ah ku lahayd barta Instagram.

Waxaana inta badan lagu yaqaanna sawir ay gabadhan yar ku gashay dhul qurux badan iyada oo uu eygeeda ku wehliya xilli ay ceedceeddu sii dhaceysa, dhul baraf ah iyo dhul bannaan ahna ay ku gashay.

Marka laga reebo farriimo kooban oo isbeddelka cimilada ku saabsan oo ay ku cabbireyso dareenkeeda ku aaddan dhibaatooyinka ka iman kara isbeddelka cimilada, wax gaar ah oo ay sameysay ma jirin. Balse dhowr bilood kaddib waxay noqotay xubin caan ah oo hoggaamisa dhadhaqaaqyada caalamka ka socda ee isbeddelka cimilada la xiriira.

Hase yeeshee, mustaqbalka gabadhan sida uu noqonayo waxaa sawir ka bixiyey qoraal ay qortay oo lagu daabacay wargeys halka ay ku nooshahay ka soo baxa.

Baraha bulshada ayaa qayb weyn ka qaatay iney Greta noqoto xubin saameyn weyn ku leh ololaha isbeddelka cimilada

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Baraha bulshada ayaa qayb weyn ka qaatay iney Greta noqoto xubin saameyn weyn ku leh ololaha isbeddelka cimilada

Niyadjabka iyo Isbeddelka

Dhowr sana ka hor ayey Greta dareentay niyadjab xooggan waxayna joojisay cuntada.

Inti ay ay halganka isbeddelka cimilada wadday, waxay aabbaheed Syante ay ku qasabtay inuu gaarigiisa Range Rover-ka ah uu istaarin oo uu damiyo. Waxayna waalidkeeda u diidday qolka ay iyada ku jirto iney leyrka gurigeeda ku shidaan iyaada oo arrimahaasi oo dhan uga gol leh iney labadeeda walid dareensiiso dareenkeeda isbeddelka cimilada ku aaddan si ay ula wadaagaan.

Arrinta waxay sidaa ku socotaba dareenki gabadha yar ayuu wuxuu saameyey qoyski oo dhan waxayna la wadaagtay dareenkeeda ku aaddan halista ay ku socota isbeddelka cimilada.

Greta hooyadeed Malena Ernman oo caan ku ah heesaha opera xaaladda ay gabadheeda ku jirto marki ay aragtay waxay ku qasabtay iney diyaarad ku duulin.

Greta Thunberg iyo hooyadeed Malena Ernman, sawir ay wada galeen 21/04/2018

Xigashada Sawirka, Svenska Dagbladet

'Ma dareemayo ammaan'

Laba bilood kaddib SvD ayaa waxay shaacisay tartan dhalinyarada ay u soo bandhigtay iney u tartamaan fikir kooban oo ku aaddan oo ku saabsan isbeddelka cimilada haddaba Greta waxay ka mid noqotay dhallinti ku guuleysatay tartankaasi.

"Waxaan doonayaa inaan ammaan dareemo", waxayna qortay. "Balse ammaan ma dareemayo. Sideen ammaan u dareemi karaa innaga ku sugan xaaladdi ugu khatar saneyd ee soo marta taariikhda bani aadamka?" sheeka ay ciwaan uga dhigtay.

Qoraalki ay qortay oo lagu barbar daabacay laba qoraal oo kale keeda ayaa wuxuu noqday kii ugu akhriska badanaa muddo laba maalmood oo xiriir ah.

Carina Stinson oo tifaftira ka ah SvD qaybta doodda waxay BBC u sheegtay mid ka mid ah wariyeyaasha tartanka garsooraha ka ahaa inuu doortay qoraalki ay Greta qortay balse "qof kasta waxaa uu leeyahay fikir u gaar ah" taasi ayaana u horeseedday iney gabadhaasi noqoto gabar caan ah.

Caannimada Caalamiga

Baraha bulshada lagu wada xiriiro ayaa qayb weyn ka qaatay iney Greta ka mid noqotay shan qof ee dhalinyarada oo safka hore ugu jira ololaha isbeddelka cimilada.

20-ka bisha August 2018-ki, waxay shaacisay sawir ay iska qaadday iyada oo baarlamaanka dalka Sweden hor fadhida iyada oo ka mudaharaadeyso dowladda sida ay tillaabba uga qaadi la'dahay isbeddelka cimilada.

Waxayna sawirkeeda raacisay qoraal ah: "Annagu haddaan carruur nahay inta badan ma qabanno waxa ay dadka waaweyn qabtaan. Waxaan sameyneynaa waxaad sameyseen oo kale. Iyo maadaama aadan wax macno ah ka bixin mustaqbalkayga. Aniguna ma oggolaanayo inaad mustaqbalkeyga ku ciyaartan."

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Waxayna sawirkeeda raacisay qoraal ah: "Annagu haddaan carruur nahay inta badan ma qabanno waxa ay dadka waaweyn qabtaan. Waxaan sameyneynaa waxaad sameyseen oo kale. Iyo maadaama aadan wax macno ah ka bixin mustaqbalkayga. Aniguna ma oggolaanayo inaad mustaqbalkeyga ku ciyaartan."

Ka bood Instagram boggan, 2
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 2

Kaddib bishi September qoraalki ay gabadhaasi qortay ayaa noqday mid caalamka oo dhan gaaray, waxaana bogoggooda hore soo dhigay warbaahinta caaamka oo ay BBC-du ka mid tahay, wargeysyada The Guardian, New York Times ayaa si weyn uga warramay qoraalkeedaasi.

Waxaana gabadhaasi casuumaad ay ka heshay Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres iyo Jilaagi hore ahaana guddoomiyihi hore ee gobolka California, iney ka qayb gasho shirkooda sanadlaha ah ee cimilada looga hadlayey ay ku lahaayeen Vienna.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dhaleeceynta loo soo jeediyo

Gabadhan yar ee 16 jirka ah marki ay ka qayb gashay shirar caalami ah oo isbeddelka cimilada looga hadlayey sida shirka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada oo bishi December lagu qabtay Poland iyo shirki Qaramada Midoobay ee New York Isniinti hore (23) lagu qabtay.

Jimcihi oo ku beegneyd 20-ka bisha September waxaa caalamka dibadbaxyo ka sameeyey malaayiin qof, oo u badan carruurta Iskuulaadka, iyaga oo ka qayb qaatay mowjadaha mudaharaadyada ee go'aan qaadasho lagu dalbanayo. Shirweynaha isbeddelka cimilada looga hadlayey ee New York waxay khudbad ka jeedisay Greta.

Balse dhinaca waxaa khudbaddeeda iyo sida ay fikirkeeda u cabbirtayna kama marneen iney dadka qaar dhaleeceyn u soo jeediyaan.

Ra'isalwasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu sheegay gabadhan iney tahay mid u baahan in laga faa'ideysto iyada oo u ololeysa isbeddelka cimilada.

Madax badan ayaana ka falceliyey khubadda ay Grate ka jeedisay shirka cimilada ee qaramada midoobay waxaana madaxdaasi ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuuna boggiisa Tweetarka ku qoray: "waxay u egtahay gabar yar oo aad u faraxsan oo rajeyneyso mustaqbal wanaagsan oo cajiib ah, marka waan ku faraxsanahay inaan arko".

A demonstration against climate change in The Hague (Netherlands) in February 2019

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhalinyarada ayaa caalamka oo dhan u kacay si ay ugu ololeeyaan isbeddelka cimilada