Waxyaabaha la isku ceebeeyo xilliga arooska

Xigashada Sawirka, BBC Three/istock
Bal sawiro arrintan. Mar dhow ayaad aroos gashay. Waxaad dhex dabaalaneysaa farxadda arooska, walina waxaa maskaxdaada kasii guuxaya alalaaskii iyo xafladdii laguu sameeyay. Waxaa wali iska soo dabadhacaya farriimaha hambayada ah - naxariis ayaadna dareemeysaa.
Halkaas marka ay xaaladdu mareyso, ka warran ahddii uu qof baraha bulshada soo galiyo sawir ku saabsan labiskaaga ama cuntooyinkii xafladda arooska laga cunay ee aad dhowrka bilood ka shaqeyneysay sidii ay cajiib u noqon lahaayeen, waliba qofka sawirkaas soo dhigay uu kusoo qoro erayo aflagaaddo ah oo sahlaya in dadka kale ay arkaan sidaasna lagu burburiyo farxaddii arooskaaga - qof walba oo arkana uu kugu shactireysto.
Kusoo dhawoow masraxa ceebeynta aroosyada.
Madashada baraha xiriirka looga sameeyay si wax loo ceebeeyo oo kaliya
Dhowr madal oo laga sameeyay baraha xiriirka bulshada waxaa isugu yimaada dadka haya dacaayadaha ay ku ceebeynayaan dadka aroosyada dhigtay.
Waqti xaadirkan, madasha ugu caansan waa mid Facebook laga furay oo Canada laga maamulo, waxaana ku taxan in ka badan 120,000 oo qof oo kala jooga dunida daafaheeda.
Marka la isku wada daro, waxay madlaha noocan ah ee Facebook-ga ka sameysan gaarayaan ilaa 20.
Inkastoo ay yihiin kuwo khaas ah, haddana waxaa si fudud ugu biiri kara qof walba oo haya ceeb la xiriirta aroos, si loogu biirana waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in laga jawaabo su'aalo basiid ah sida:
- Maxay tahay "ceebtii ugu darneyd" ee aad kala kulantay aroos?
Ka dib waxaad sharraxeysaa sida aad ku heshay madasha - taasna waxaa loogu tala galay in dadka madasha maamulaya ay ku hubiyaan ujeeddadaada.
Laakiin mar haddii aad xubin ka noqoto madasha, looma baahna inaad calool jileec muujisid. Waxaad halkaas ku arkeysaa ceeb kasta oo mararka qaar ay ku jiraan kuwo laga yaq-yaqsoodo.
Khiyaanada Minxiisadda
Inkastoo sheekooyinka ku saabsan khiyaanada ay sameeyaan gabdhaha minxiisyada u ah kuwa arooska ah (Tusaale ahaan kuwa xilliga arooska ambiya), haddana waxaa jira sheekooyin kale oo qalbiga dhaqaajinaya kuna saabsan ceeb la xiriirta minxiisadaha.
Baraha bulshada ee lagu soo bandhigo waxyaabahan ayaa u muuqda kuwo loogu talagalay in bannanaka lagu soo dhigo ceebaha qarsoon ee aroosyada.

Xigashada Sawirka, BBC Three/iStock
Anton oo 22 jir ah waxay isaga iyo saaxiibaddiis isla maamulaan madasha ugu weyn ee laga hirgaliyay Facebook, mana aaminsana in tallaabada uu qaaday ay dhiirrigalineyso fadeexadda loo geysto aroosyada.
"Hadda xitaa hal sano ma jirno waxaana durba nagu soo biiray 120,000 oo xubnood, waxaan aragnaa 2 malyan oo qoraal bil kasta... tani waxay la mid tahay nooc walba oo madal ah oo aad ku aragtid Internet-ka - mar walba waxaa jira sheekooyin fiican, kuwo xub iyo waliba kuwo aad u foolxun", ayuu yiri Anton.
Madashan waxaa mararka qaar lagu qabtaa kulamo ay dadka ku sheekeystaan, qof walbana looga dhageysto qisada uu ka hayo aroos uu goob joog ka ahaa.
Laakiin ka warran haddii mar mar ay xaaladdu lugaha la gasho waxyaabo aan loo dulqaadan karin?
"Codka ayaan ka xirnaa dadka qaarkood ama waxaan ka dalbannaa inay xaaladda dajiyaan marka ay hadalladooda noqdaan kuwo aad u qallafsan", ayuu yiri Anton.
Aroosad xun
Dadka qaarkiis waxay la tahay wax fudud. "Saaxiibaddey waxayku jirtay qarow markii ay ku howlaneyd qorsheynta arooskeeda, wax walbana way sameysay, gaar ahaan dhinaca baraha xiriirka bulshada, waxay u muuqatay inay wax kasta isla rabtay - sidii inay tahay qofka kaliya ee aroos galay waligiis", waxaa sidaas tiri Hannah oo 32 jir ah.
"Waan ku dhex waashay madashan. Waxaan Google ka baaray jumladda 'aroosad xun' wuxuuna ii geeyay isla madasha. Markii aan arkay khibradda ay dadka kale kusoo arkeen aroosyada ay goob joogga u ahaayeen anigana waxaan go'aansaday inaan ku biiro. Waxba igama galin haddii ay saaxiibaddeey u aragto inaan weeraray".
'Muxuu ku labisan yahay ninka arooska ah?'

Xigashada Sawirka, BBC Three/iStock
Kat Williams, oo ah milkiilaha majallad lagu daabaco sawirrada aroosyada ayaa lix bilood ka hor ka war heshay baraha xiriirka bulshada ee noocan ah, waxayna ogaatay in dadka qaarkood ay halkaas ku bandhigaan sawirrada kusoo baxa majalladdeeda.
"Inta badan waxay ka hadlaan dharka ay dadka u xirtaan arooska", ayey tiri Kat, oo la hadleysay BBC-da.
"Sawirkii ugu dambeeyay ee ay soo qaateen wuxuu ahaa mid laga sameeyay lamaane doon saaran, gabadha aroosadda ah ayaa xirneyd jaakad aan aad u qurxooneyn halka ninkana uu xirnaa goobbo midab leh, anigana ma fahansaneyn waxa ceebta ka dhigayay labiskaas. Waxay ila tahay marka ay dad arkaan wax qeyrul caadi ah oo ka duwan waxa ay sameeyaan, way iska xukmiyaan".












