You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
South Korea: Siyaasiyiin timaha iska xiiray si ay ugu dibadbaxaan dowlad
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa noqday siyaasigii ugu dambeeyay ee timaha iska xiiro isagoo dowladda ku dibadbaxaya.
Hwang Kyo-ahn waxaa timaha oo dhan looga xiiray taageerayaashiisa iyo saxafiyiinta hortooda, xilli uu Isniintii ku sugnaan illanka laga galo madaxtooyada dalkaas.
Dibadbaxyada waxay ku wajahan yihiin wasiirka cusub ee Cadaaladda, Cho Kuk, kaas oo qoyskiisa ay wajahayaan eedo la xiriira musuqmaasuq.
Isbuucii lasoo dhaafay, Laba dumar oo xildhibaanno ah ayaa timaha isaga xiiray isla arrintaa aawadeed.
Seddaxda xildhibaan ee illaa iyo hadda xiiratay, waxay kawada tirsan yihiin siyaasiyiinta mayilka adag ee ka soo horjeeda dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Moon Jae-in.
Waxay doonayaan in Mr Cho uu iscasilo ama xilka laga qaado.
Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada?
Cho Kuk, oo ahaa bare jaamacadeed oo dhiga sharciga, marna ahaa kaaliyihii Mr Moon, wuxuu xafiiska wasaaradda Cadaaladda la wareegay isbuucii lasoo dhaafay.
Balse kuwa dhalleeceeya waxay ka careysan yihiin in Mr Moon uu ninkan xilka u magacaabay iyadoo ay jiraan eedo ku saabsan wax isdabamarin dhanka jaamacadda ah iyo dembiyo la xiriira dhaqaale oo qoyskiisa ay wajahayaan.
Xaaskiisa, oo Bare sare oo jaamacadeed ah, waxaa lagu eedeeyay warqado been abuur ah oo gabadhooda ay jaamacadda ku gashay iyo si aan sax ahayn in ay deeq waxbarasho ku heshay, taas oo ah arrin ka careysiisay ardeyda kale ee jaamacadaha.
Dacwad oogayaasha waxay sidoo kale baarayaan maalgashi la sheegay in la geliyay dhaqaale laga shakiyay ee uu lahaa qof kale oo qaraabo la ah. Isbuucyadii lasoo dhaafay, wuxuu xafiiska dacwad oogidda uu howlgalo ka fuliyay guryaha dad lala xiriirinayo qoyska xaaska Cho.
Dhageysiga maxkamadda ee Jimcihii, Mr Cho wuxuu muujiyay "sida qotada dheer ee jiilka soo koraya uu uga raaligelinayo" musuqa la sheegay in gabadhiisa lagu caawiyay. Balse wuxuu sheegay in isaga uu tilmaamay inuu isbedelka arrintaan kula imaanayo hannaanka Cadaaladda.
Mr Moon wuxuu ku adkeystay in aysan jirin cadeyn rasmi ah oo la xiriira ficilka sharcidarada ah, ayna arrin xun noqoneyno in qof loogu diido xil inuu qabto, eedo aan la caddeyn karin.
Laakiin, kiiska wuxuu abuuray dood bulsho oo ku saabsan dadka mudnaanta la siiyo ee Koonfurta Kuuriya, iyadoo siyaasiyiinta ay dhowaanahan ruxday fadeexado musuqmaasuq, sannadihii la soo dhaafay.
Dowladdii midda hadda ka horeysay waxaa baabi'iyay eedo musuqmaasuq iyadoo madaxweynihii hore Park Geun-hye ay hadda ku jirto xabsi ay ku muteysatay laaluush iyo ku xadgudub awoodeed.
Mr Hwang wuxuu ra'iisul wasaare u ahaa dowladdii madaxweyne Park - dadka la socda arrimaha siyaasadda ee dalkaas waxay ku tilmaameen qof ujeedadiisu tahay in uu faafiyo xumaanta dowladda madaxweynaha hadda Moon Jae-in.
Maxay timaha madaxa isaga xiirayaan?
South Korea waxay taariikh fog u leedahay in dibadbax iyo xanaaq la isagaga xiiro timaha madaxa.
Waa dhaqan laga soo gaaray waxbarashadii Cofuncian, waxaana si taariikheed loogu arkayay qaab lagu muujinayo sida go'aan looga guul gaari karo.
Xilliyadii 1960-maadkii iyo 70-tameeyadii, xilligaas oo Kuuriyada Koonfureed uu ka jiray xukun militari oo adag, mucaaradkii waxay aalaaba iska xiiri jireen timaha iyagoo muujinayay sida ay go'aankooda ugu taagan yihiin.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, siyaasiyiinta iyo ololeeyayaasha kale waxay timaha oo ay iska xiiraan ku muujin jireen dibadbaxooda.
Sannadkii 2018, dumar badan ayaa timaha iska xiiray, kuwaas oo ka careysnaa kaamerooyiinka qarsoon ee lagu xiro musqulaha iyo qolalka ay haweenka dharka isaga bedelaan.
Laba sano ka hor, illaa 900 oo qof ayaa timaha iska xiiray kuwaas oo ka careysnaa hannaanka madaafiicda ka hortaga ee Mareykanka uu ku xiray Kuuriyada Koonfureed.
Sannadkii 2007, boqollaal qof oo deggan magaalada Icheon ayaa timaha iska xiiray iyagoo diidan dhismaha warshad cusub.
Sidoo kale Mr Hwang wuxuu timaha isagaga xiiray madaxtooyada horteeda, Guriga Buluugga ah, Isniintii.
Taas oo Mr Cho ku tilmaameysa "dembiile", wuxuuna ku booriyay in uu iscasilo.
Wuxuu dadkii daawanayay u sheegay: "Waxaan halkan u joogaa ballanqaadkii ahaa in ay iga go'an tahay inaan timaha iska xiiro. Gadaal uma noqon doono."
Caradiisa waxay soo jiidatay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada. Wuxuu ka mid noqday 10-ka arrimood ee loogu hadal-haynta badan yahay baraha bulshada ee dalkaas.
Dadka qaar waxay ka heleen sida uu ugu egyahay jilaaga caanka ah ee Gary Oldman - taas waxay sababtay in loogu naaneyso Kimchi Oldman.