Maryam Maxamed: Anigoo 65 jir ah ayaan fanka ku soo biiray sabab ayaana igu kalliftay

.
Qoraalka sawirka, Maryam waxay xirfaddan cajiibka ah iyadoo kaligeed ah ka baratay Internet-ka
Published

Maryam Maxamed Xamdaani ayaa sheegtay inay iyadoo waayeel ah isbartay garaacitaanka muusiga loo yaqaanno Taarab-ka, kaasoo ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka waddankeeda.

Waxay Maryam BBC-da u sheegtay inay tahay haweeneydii ugu horreysay ee kasoo jeedda gobolka Zanzibar oo garaacda muusigga noocaas ah.

Uma aysan suurtoobin inay iyadoo da' yar barato xirfaddan, maadaama sida ay sheegtay ay xayirayeen arrimo la xiriira dhinaca dhaqanka ee waddankeeda Tanzania.

Laakiin hadda Waxay haweenka kale ka caawisaa inay bartaan garaacista muusiggan.

.
Qoraalka sawirka, Maryam waxay hadda barashada muusigga dhaqanka ka caawisaa haweenka

Barnaamijka maxaa Cusub ee BBC-da ayey u warrantay.

"Aad baan u xiiseyn jiray Muusigga, laakiin markii aan yaraa macquul iima ahayn inaan aabahay u sheego jacaylka aan u qabo muusigga, sababtoo ah dhaqankeenna xilligaas jiray wuxuu dhigayay in gabdhuhu aysan su'aal noocaas ah weydiin karin waalidkooda", ayey tiri Maryam.

.
Qoraalka sawirka, Maryam waxay fanka ku biirtay iyadoo 65 jir ah

Waxay Maryam sheegtay inay barashada muusiga Taarab-ka billowday sanadkii 2009-kii.

"Anigoo 65 jir ah ayaan isbaray wixii aan jeclaa, waxaana ka bartay internet-ka uun. waxaan noqday haweeneydii ugu horreysay ee bulshada ula timaada xirfaddan. way jireen kooxo badan oo fannaaniin dumar ah Zanzibar, oo heesaha loo tuma muusiggan ka ciyaara aroosyada, aadna waa loo jeclaa, laakiin dhibka jira wuxuu ahaa in qalabka muusigga ay garaaci jireen ragga oo kaliya. Markii uu sare u kacay dalxiiskana, raggii waxay u gudbeen inay hoteellada ka tumaan. Markaas ka dib waxaan la hadlay fannaanka caanka ah ee reer Zanzibar, Maxamed Ilyaas, wuxuuna igu caawiyay inaan dumarka kale baro xirfaddan".

.
Qoraalka sawirka, Dumar badan ayaa wax ka barta Maryam

Laakiin Maryam ayaa sheegtay inay aad u adkeyd sidii lagu heli lahaa dumar usoo baxa barashada muusiggan, hase haatee ugu dambeyn ay ku guuleysatay, iyadoo kharash badan ku bixisay sidii ay usoo iibin lahayd dhammaan qalabka loo baahan yahay.