You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Hana garaacina ee na toogta": Waa sida ay ku warrameen dadka Kashmiir
Ciidamada amniga ee ku sugan Khasmiir, qeybta ay Hindiya maamusho ayaa lagu eedeeyay in ay garaacid iyo jirdil geysteen, ka dib go'aankii dowladda ee ahaa in gobolka la gaarsiiyo maamulkeeda.
BBC ayaa dhowr ka mid ah dadka deegaanka ka maqashay iyagoo dhahaya "waxaa nalagu garaacay ulo, waxaana nalagu xiray koronto".
Dadka ku nool dhowr tuulo ayaa wariyaha BBC-da tusay dhaawacyo lasoo gaarsiiyay.
Hase yeeshee, BBC-da uma aysan suurtagalin inay eedeymahaas ka xaqiijiso saraakiisha.
Taliska Milatariga Hindiya ayaa sheegashada dadka shacabka ah ku qeexay "wax aan sal iyo raad toona lahayn".
Digniin: Warbixintan hoose waxay akhristayaasha qaarkood u sababi kartaa walwal
Wariyaha BBC-da ayaa booqday dadka daggan ugu yaraan 6 tuulo oo ka tirsan degmooyinka dhinaca koofureed, kuuwaasoo sanadihii lasoo dhaafay saldhig u ahaa dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo maamulka Hindiya.
Dhakhaatiirta iyo maamulka ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan suxufiyiinta, si looga wareyso bukaannada ku sugan isbitaalladooda.
Laakiin shacabka ayaa wariyaha tusay dhaawacyo ay sheegeen inay u geysteen ciidamada amaanka.
Mid ka mid ah xaafadaha, dadku waxay sheegeen in ciidanku ay u galeen guri-guri, saacado yar uun ka dib markii ay dowladda soo saartay go'aanka muranka dhaliyay ee soo afjaray hannaankii maamul ee tobannaanka sano u dhaxeeyay Kashmiir iyo Delhi.
Labo wiil oo walaalo ah ayaa sheegay in la kaxeeyay, oo la geeyay meel ka baxsan xaafaddooda, halkaasoo sidoo kale la geeyay in ka badan toban nin oo isla xaafaddaas laga qaaday.
Wiilasan iyo dhammaan dadka kale ee aan la kulannayba waxay qarsanayeen wajiga, mana aysan dooneynin in la aqoonsado.
Mid ka mid ah oo ka warramaya sida ay wax u dhaceen ayaa yiri: "Way na garaacee, waxaan weydiinnay 'maxaan samaynay oo naloo garaacayaa?', dadka kale ee xaafadda waad wareysan kartaan haddii aad moodeysid inaan been sheegeyno, ama haddii aan wax khaldan sameynay, laakiin ma aysan rabin inay hadalkeenna dhageystaan, waxba ma aysan noo sheegin, kaliya way na garaacayeen".
"Meel kasta oo jirkeyga ka mid ah way iga garaaceen, haraanti ayey nala dhaceen, waxay nagu qabteen koronto, fiilooyin ayey nagu garaaceen. waxay naga garaaceen qeybaha dambe ee lugaha, markii aan suuxnay waxay nagu dhajiyeen koronto si ay dib noogu soo naaxiyaan, markii ay na garaacaan oo aan qeylinno waxay afka nooga buuxinayeen dhoobo".
"Waxaan u sheegnay in aannaan waxba galabsanin. waxaan weydiinnay sababta ay sidaas noogu galayeen. balse warkeennaba ma aysan dhageysanin. waxaan ku dhahay 'hanna garaacina ee na toogta. Alle waxaan ka baryay inuu nafta iga qaado, sababtoo ah jirdilka naloo geysanayay ma ahayn mid loo dulqaadan karo".
Nin kale oo dhalinyaro ah, oo ka mid ah dadka xaafadda, ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay mar walba weydiinayeen "inuu u sheego magacyada dadka dhagaxyada ku tuuray", iyagoo markaas donaya inuu magacaabo dhalinyarada tobankii sano ee lasoo dhaafay mudaharaadka ka waday dooxada Kashmiir.
Wuxuu sheegay in uu askarta u sheegay inuusan aqoonin magacyada dadka ay raadinayaan, markaas ka dibna ay ku amreen inuu iska bixiyo Okiyaalaha, dharka iyo kabaha.
"Markii aan dharka isba siibay waxay ii garaaceen si naxariis darro ah, waxayna ulo igu garaacayeen ku dhawaad 2 saacadood. mar kasta oo aan miyir beelo waxay igu qabanayeen koronto, si aan usoo naaxo".
"Haddii ay sidaas igu sameeyaan mar kale, waxaan diyaar u noqonayaa inaan wax kasta sameeyo, waxaan qaadan doonaa qori, waxaan uma sii dulqaadan karo", ayuu yiri.
Ninkan dhalinyarada ah ayaa intaas ku daray in ciidamadu ay ku amreen inuu dhammaan dadka xaafaddiisa uga digo inay ka qeyb qaataan mudaharaadyada looga soo horjeedo ciidanka amaanka.
Horaantii sanadkan, warbixin ay soo saareen labo urur oo ku caan baxay udoodista xuquuqda aadanaha Kashmiir ayaa lagu sheegay in tacaddiyo ka dhan ah bani'aadannimada ay gobolkaas ka dhaceen 30-kii sano ee lasoo dhaafay.
Gudiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baaritaano madax bannaan lagu sameeyo arrintaas.
Laakiin dowladda Hindiya ayaa beenisay macluumaadka lagu xusay warbixintaas.
Qalalaasihii ugu dambeeyay ee Kahsmiir
Xayiraado aan xad lahayn oo lagu soo rogay Kahsmiir ayaa sababay in gobolka uu qalalaase galo.
Waxaa go'ay adeeggii isgaarsiinta oo aan shaqeyneynin in ka badan 3 isbuuc, xogta ku saabsan waxa gudaha Kashmiir ka dhacayana lama helin ilaa 5-tii bishan Agoosto, xilligaasoo ahayd markii ay dowladda Hindiya meesha ka saartay qodobkii dastuurka ee 370, kaasoo maqaam gooni ah siin jiray gobolkaas.
Tobannaan kun oo askari oo dheeraad ah ayaa la geeyay gobolka, si ay howlgallo uga fuliyaan.
Qiyaastii 3,000 oo ruux, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal siyaasadeed, ganacsato iyo samafaleyaal ayaa lagu soo warramay in xabsiyada la dhigay. In badan oo ka mid ah dadkaas ayaa loo gudbiyay xabsiyo ka baxsan gobolka.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay uga gol leeyihiin sidii loo xaqiijin lahaa habsami u socodka sharcia iyo kala dambeynta.
Go'aankaas ayaa sababay in gobolka kaliya ee dalka Hindiya ay muslimiinta aqlabiyadda ku yihiin loo kala qeybo labo dhinac.
Milatariga Hindiya ayaa muddo ka badan 30 sano la dagaallamayay kooxo doonaya inay horseedaan gooni u goosadka gobolka Kashmiir.
Hindiya ayaa Pakistan ku eedeysay inay hurineyso qalalaasaha ka dhaca halkaas, iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda maamulka Hindiya.
Pakistan ayaa qudheeda dhinac ka maamusha gobolka Kashmiir, oo labada waddan ee dariska ah ay lahaanshihiisa ku muransan yihiin.
Xukuumadda Islamabad ayaa si joogto ah u beenisa eedeymaha uga imaada Delhi.
Muxuu gobolka Kahsmiir muranka u sababayaa?
Gobolkan ku yaalla buuraleyda Himilaya ayey labada dalba sheeganayaan milkiyaddiisa, balse wuxuu mid walba ka maamulaa qeybo kaliya.
30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhanka ay Hindiya gacanta ku heyso ka dhacayay weerarro ay fulinayeen kooxo xagjiriin ah.
Hindiya ayaana Pakistan ku eedeysay inay soo qalabeyso xoogagga weerarrada geysta, inkastoo Islamabad ay beenisay dhaliishaas ayna sheegtay inay taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhiirrigalin oo kaliya siiso dadka reer Kashmiir ee doonaya inay iskood isu maamulaan.