Heshiiska dawladda wadaagga ah ee Talyaaniga oo dhirbaaxo ku ah qolyaha waddaniyadda ku dheeraaday

Published

Madaxda xisbiga PD ee dalka Talyaaniga ee siyaasaddiisu bidix dhexe tahay iyo xisbiga Shanta xidigood ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan dawlad wadaag ah.

"Waxaan u aragnaa arrin qiimo leh in aan tijaabo khibraddan," ayuu yiri Nicola Zingaretti oo ka tirsan xisbiga PD ka dib markii uu madaxweynaha la kulmay Arbacadii oo ahayd maalintii ugu dambaysay ee loo qabtay in heshiis la gaaro.

Waxaa lagu heshiiyay in Giuseppe Conte uu sii ahaado ra'iisulwasaare.

Xukuumadda wadaaga ah ee lagu heshiiyay ayaa hawsha wadi doono tan iyo inta laga gaarayo doorashada xigta ee 2023-ka loo ballamay.

Talaadadii hoggaamiyaha xisbiga Shanta xidigood Luigi Di Maio ayaa soo dhaweeyay in xisbiga PD uu aqbalay dib u magacaabidda Conte.

Labadan xisbi ayaa caadi ahaan iska soo horjeedi jiray, waxayna galeen wadahadallo kulul ka dib markii ay toddobaadkii hore burburtay dawladdii wadaagga ahayd.

"Wakhtiyada adag marka lagu jiro sida hadda oo kale in aanan dhiiranin oo arrintan aanan isku dayin ma aha mid aan samayn karno," ayuu yiri Zingaretti.

Madaxweyne Sergio Mattarella oo hoggaamiyeyaasha xisbiga kula kulmay magaalada Rome si uu mustaqbalka u qaabeeyo ayaa dhanka kalana u yeeray Conte si uu Khamiista kulan ula yeesho.

Waxaa si wayn loo filayaa in uu siin doono ruqsadii u ku soo dhisi lahaa dawlad cusub.

Halkan sidee lagu soo gaaray?

Labada xisbi ayaa wadahadal ku jiray tan iyo markii uu Conte iska casilay Ra'iisulwasaarenimada toddobaadkii hore.

Go'aankaas ayaa yimid ka dib markii hoggaamiyaha xisbiga League party Matteo Salvini uu soo jeediyay in codka kalsoonida la qaado.

Markii uu Conte jeedinayay khubada iscalisaaladda ee 20 Agoosto wuxuu weeraray Salvini wuxuuna ku eedeeyay in uu yahay qof "qayrumasuul ah".

Xisbiga Salvini ee League ayaa awooda dalka wax ka hayay muddo 14 bilood ah iyaga oo dawlad wadaag ah la dhistay xisbiga Kacdoonka Shanta Xidigood. Wada shaqayntaas ayuuse soo af jaray, isaga oo sheegay in uusan cid kale la sii shaqayn karin.

Salvini iyo hogaammiyaha xisbiga Forza Italia, Silvio Berlusconi ayaa ku baaqay in la qabto doorasho xor ah ka dib markii ay la kulmeen madaxweyne Mattarella.

Dhirbaaxo culus oo ku dhacday Salvini

Heshiiska dawladda wadaagga ah ayaa dib u dhac wayn ku ah hoggaamiyaha xisbiga League Matteo Salvini.

Afar iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay wuxuu aad uga dhex muuqday siyaasadda Talyaaniga, balse awood qaybsigu kuma filnaanin wuxuuna rabay awood buuxda.

Arrintaas ayaa u horseedday in uu dheereeyo. Salvini ayaana riday xukuumaddii toddobaadkii hore, isaga oo rajaynaya in uu ku guulaysto haddii la qabto doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyay.

Balse khamaarkaas uu ciyaaray ayaa khaladaad yeeshay. Hoggaamiyaha xisbiga League ayaan meesha soo dhigan in kuwa ka soo horjeeda ay is kaashan karaan si ay qorshihiisa u hor istaagaan.

Ujeedada ay ka wada socdeen ee ahayd in ay hor istaagaan Salvini ayaana isku xirtay Xisbiga Kacdoonka Shanta Xiddigood iyo xisbiga PD, si ay u dhistaan dawlad wadaag ah. Balse si maamulkaasi cimri u yeesho labada xisbi waxay u baahan yihiin in ay helaan waxyaabo kale oo ay isku aragti ka yihiin oo ka baxsan in ay ka hortagaan qorshaha hal nin kali ah.

Dawladdan wadaagga ah waxaa karkabayn doona oo khalad walba oo ka dhaca dabo dhigan doona ninkan ay sida degdegga ah mucaaradka uga dhigeen.