Ma hirgashay mamnuuciddii bacaha ee Kenya?

Published

Labo sano kahor, Kenya ayaa mamnuucday bacaha wax lagu qaato.

Maxay soo kordhisay?

Tobnnaan malyan oo baco ah ayaa sanad walba la geyn jiray dukaamada waaweyn ee Kenya ku yaalla.

Waxay wasakheeyeen deegaanka waxayna xireen marinnadii biyaha ee dhulka, kuwaasoo sababay inay daadad dhashaan xilliyada roobabka.

Daraasad ay gacan ka geysatay Hay`adda Qaranka ee Maamulka Deegaanka (Nema) ayaa lagu sheegay in in ka badan 50% lo`da ku nool magaalooyinka calooshooda laga helay baco.

Sidaas daraaddeed dowladda Kenya ayaa sanado wadday ballanqaadyo ay wax uga qabaneyso arrintaas, balse ugu dambeyn waxay soo saartay go'aan lagu mamnuucay isticmaalka bacaha ee guud ahaan dalka.

Tan iyo intii la mamnuucay bacaha, dowladda ayaa sheegtay in 80% bulshada ay joojiyeen isticmaalka bacaha.

Inkastoo ay tani dhiirrigelin tahay, haddana qaar ka mid ah waxyaabihii lagu beddelay bacaha ayaa dhibaato ku ah deegaanka.

Qof walboo lagu helo sameynta, soo dhoofinta amaba iibinta bacaha ayaa lagu ganaaxayaa $40,000 (£32,000) amaba wuxuu wajahayaa afar sano oo xabsi ah. Isticmaalka bacaha ayaa iyaguna qofka lagu helo lagu ganaaxayaa in ka badan $500 amaba hal sano oo xabsi ah.

Ilaa iyo hadda, inta u dhaxaysa $500 iyo $1,500 ayaa lagu ganaaxay 300 oo qof.

Kuwo kale ayaa xabsiga loo diray, sida uu sheegay Keriako Tobiko, oo ah wasiirka deegaanka ee Kenya.

Sanadkii lasoo dhaafay, 18 qof oo maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ka qirtay inaysan dembi lahayn ayaa lagu xukumay $300 amaba siddeed bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay isticmaalka bacaha.

Kiisas kale ayaa jiray oo dad markii ugu horreysay lagu qabtay isticmaalka bacaha, kuwaasoo lasii daayay iyagoo aan wax ciqaab ah la marsiin.

Ganaaxii ugu darnaa ayaa ilaa iyo hadda la marsiiyay qof bacda soo saara, kaas oo xabsi lagu xukumay isagoo aan la siin kala doorashada xabsiga iyo ganaaxa lacagta.

"Garsoorka Maxkamadda ayaa iska leh go`aanka u yaallaa ganaaxa ay qofka dul dhigayaan. xaakinka ayaa go`aanka xukunka leh kiiska ayuuna ku xiran yahay," sidaas waxaa BBC-da u sheegay Mamo Mamo, oo ah sii hayaha xilka agaasimaha guud ee Nema.

Wuxuu sheegay in mamnuuciddan ay saameyn dhab ah reebtay - iyadoo baco yar uun laga helay caloosha lo`da.

Sidoo kale kooxaha deegaanka ayaa bogaadiyay arrintaas.

"Waa horumar wanaagsan haddii waxa aan arkeyno ay sii jiraan. Markii hore, marka laga soo socdo Nairobi loona socdo Masai Mara oo kale waxaad arkeysaa baco ka lalmada geedaha sida ubaxa, kuwaasoo markii la tuuray ku dhegay halkaas. Hadda ma aragno bacahaas," ayay tiri Nancy Githaiga, oo ka tirsan waaxda WWF ee Kenya.

Mamnuuciddan ayaa loo arkaa guul inkastoo qeyb ka mid ah bacaha aysan weli gebi ahaanba suulin.

Iyadoo dukaamada waaweyn iyo dukaamo kale oo yaryarba aysan bixin bacaha, ganacsatada yaryar qaarkood ayaa isticmaala bacaha yaryar ee cad.

Waxaana jira warar sheegaya in dalka laga soo geliyo dalalka deriska ah sida Uganda iyo Soomaaliya.

In bacaha laga soo geliyo dalalka deriska ah waxaa sidoo kale ka cabatay Rwanda, oo bacaha mamnuucday sanadkii 2008-dii, iyo Morocco, oo sharcigaas hirgelisay sanadkii 2017-kii.

Tanzania, oo sidoo kale xuddun u ahayd bacaha laga soo geliyo xadka, ayaa mamnuucday bishii June.

Dowladda waxay wajaheysaa dhibaato cusub

Kaddib markii bacda la mamnuucay, baco kale oo ka sameysan "Polypropylene" ayaa lagu beddelay.

Bacahan oo qeyb ahaan ka sameysan suuf waa kuwo aan deegaanka dhib u ahayn.

Si kastaba, Nema ayaa ogaatay in warshadaha ay billaabeen inay yareeyaan tayada bacdan, iyagoo ku badinaya maaddada "polythene", oo dhibaato ku ah deegaanka.

Dowladda ayaa haddana mamnuucay bacaha ka sameysan polypropylene bishii Maarso ee sanadkan, ilaa laga xaqiijinayo tayadooda.

Balse warshadaha iyo ganacsatada ayaa arrintaasi cabasho ka muujiyay, kaddibna dowladdu way ka laabatay mamnuuciddaas.

Dhanka kale, mamnuucidda bacaha ayaa la sheegay inay sababtay in dad badan ay shaqadooda waayaan, iyadoo warshadihii soo saari jiray ay albaabbada u laabeen ganacsigooda. Balse dad kale ayaa qaba inay sidoo kale abuureen fursado cusub oo ganacsi ah.