In ka badan lixdan ruux oo ku dhimatay daadad ka dhacay Suudaan

Daadad ku dhuftay Wad Ramli

Xigashada Sawirka, EPA

Published

Roobab iyo daadad ayaa 62 ruux ku dilay dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Roobab mahiigaanno ah ayaa ka da'ayay Suudaan tan iyo billawgii bishii Luulyo, arrintaas oo saamaysay qiyaastii 200,000 oo ku kala sugan 15 gobol. Gobolka White Nile ee ku yaalla koonfurta dalkaas ayay waxyeellada ugu badan gaartay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 37,000 oo guri ay burbureen ama waxyeello soo gaartay iyadoo la filayo in daadad hor leh dhacaan.

Wakhti roobaadka ayaa socda tan iyo dhammaadka bisha Oktoobar.

Gurigan oo ku yaalla Wad Ramli oo 75km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayay daadadku burburiyeen maalmo ka hor

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Gurigan oo ku yaalla Wad Ramli oo 75km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayay daadadku burburiyeen maalmo ka hor
Qaar ka mid ah shacabka magaalada Wad Ramli oo ku soo laabanaya doon si ay isugu dayaan in ay dabo qabtaan wixii ka soo haray hantidooda

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah shacabka magaalada Wad Ramli oo ku soo laabanaya doon si ay isugu dayaan in ay dabo qabtaan wixii ka soo haray hantidooda
Wixii ay tabar u heleen ayay geeyeen dhulka ingagan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Wixii ay tabar u heleen ayay geeyeen dhulka ingagan
Qaarkood alaabadii u badbaaday ayay saarteen gawaraadida xamuulka qaada

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qaarkood alaabadii u badbaaday ayay saarteen gawaraadida xamuulka qaada
Magaalada Geli ayaa ka mid ah magaalooyinka kale ee waxyeelada badan ay ka soo gaartay daadadkii ku dhuftay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Magaalada Geli ayaa ka mid ah magaalooyinka kale ee waxyeelada badan ay ka soo gaartay daadadkii ku dhuftay
Dadka guryahoodii ay ku burbureen Wad Ramli ayaa xero loo dhisay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dadka guryahoodii ay ku burbureen Wad Ramli ayaa xero loo dhisay
Biyo ayaa wali ku jira qaybo ka mid ah magaalada

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Biyo ayaa wali ku jira qaybo ka mid ah magaalada

Dhammaan sawirradan xaquuqdoodu way dhawran tahay.