Reer Guuraaga Soomaalida siduu u saameyneynaa tira koobka Kenya?

Published

Maalmo ayaa ka harsan xilliga uu billaabanayo tirakoobka guud ee dalka Kenya ee lagu ogaanayo tirada bulshada ee ku nool dalkaas. Haddaba waxaa soo baxaya walaac ay qabaan dadka xoola dhaqatada ah.

Gobolka Waqooyi bari ee ay Soomaalida degto waxay dadkiisa u badan yihiin xoolo dhaqato, waxaana xilligan ka jirta abaar baahsan oo sababtay in xoola dhaqatada ay u kala hayamaan meelo kala duwan.

Hoggaamiyayaasha laga soo doorto gobolka waqooyi bari waxay walaac ka muujiyeen xilliiga uu tirakoobka ku soo hagaagay iyo in ay ka cabsi qabaan in dad badan oo xoolo dhaqato ah aysan ka qaybqaadan.

Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada gobolka ayaa la sheegay in xitaa xadka ka talaabeen abaarta darteed.

Sanatarka laga soo doortay deegaanka Wajeer, Dr Cabdullaahi ibraahim Cali, oo arrintan ka warramay ayaa sheegay in xilliga la joogo ay taaganyihiin abaaro ayna saamayn ku yeelanayso tirinta dadka Soomaalida.

"Wakhtiga hadda la jooga dhibaato badan ayaa jirto, dadkii waa xoolo dhaqato weyna kala maqanyihiin oo qof walba meesha uu xoolahiisa wax uga heli karo ayuu aaday, meelaha ay aadeenna maahan meelo aan tirakoobka laga sameyn karin, marka walaaca aan qabno ma yaro, waxaa sidoo kale jira culays dhanka dowladda dhexe ah." Ayuu yiri Senatar Dr Cabdullaahi.

Hase yeeshe, shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa walwal ka muujiyay tirakoobka sannadkan, iyagoo sheegay inaan la gaari karin meelaha ay deggan yihiin dadka qaarkood, taas oo sabab u ah abaaro baahsan oo ka jira qeyba badan oo kamid ah gobolka.

Abaarta waxay sababtay in dadka reer guuraaga ah ay daaq iyo biyo ugu raadiyaan xoolahooda, waxayna aadeen meelo fogfog sida dalalka deriska ay ka mid yihiin.

Gudoomayiha guddiga xoolo dhaqatada Kenya, Dubad Cali Cameey, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Soomaalida xoola dhaqatada ah ee Waqooyi bari ay intooda badan xilligan abaarta ka gudbeen xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya, halka qaarkoodna ay gobollada kale ee Kenya ay u tallaabeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay sida uu Tirakoobka saameyn ugu yeelanayo bulshada Soomaalida ah ee ka tirsan shacabka Kenya.

''Tirakoobka Soomaalida muhiim ayuu u yahay sabatoo ah haddii aanan la tirakoobin way adagtahay in qeybtooda ay dalka ka helaan. Waxaa adkaaneysa inay helaan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka''.

Sidoo kale tirakoobkan ayaa saameynaya doorarka siyaasadeed ee ay qaataan bulshooyinka dalka Kenya.

Dubad Cali wuxuu ra'yi ahaan qabaa in dib loo dhigo tirakoobka deegaannada Soomaalida, maadaama aan hadda la heleynin dadkii la tirakoobi lahaa, oo ay reer guuraa yihiin.

"Dadkii oo dhan ma joogaan, cid la tirakoobo lamaba helayo. waxaa la rabay madaxda gobolkaan inay dacwodaan, oo maxkamad tagaan ayna dalbadaan in dib loo dhigo tirakoobka shacabkooda", ayuu yiri Dubad.

Bulshooyinka Kenya ayaa la aaminsan yahay in ay wax badan ku helaan tirada, ayna aad u daneeyaan.

Qoondada dhaqaalaha ee dalka iyo kuraasta baarlamaanka ayaa ku xiran hadba tirada shacabka ah ee ku nool deegaannada kala duwan iyo qoomiyadaha uu waddanka ka kooban yahay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Jimcadii ka codsaday shacabka Kenya inay u diyaar garoobaan howsha tirakoobka qaranka, taasoo uu ku tilmaamay mid muhiimad weyn leh.

Dowladda ayaa ka noqotay go'aan ay horay ugu shaacisay in 26-ka bishan Agoosto ay tahay maalin fasax qaran ah, taasoo hadda ku asteysan maalinta tirakoobka la sameynayo.

Sanadkii 2009-kii, oo la sameeyay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Kenya, waxaa magacyada dadka lagu diiwaan galinayay qalin iyo warqad, hase yeeshee, 10 sano ka dib waxaa hadda shacabka lagu tirin doonaa, diiwaankana lagu galin doonaa hannaan casri ah oo Internet-ka ku xiran(Digital).