You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida "isbadelka" Sacuudiga uu noloshayda wax uga badelay
Kaddib markii uu Sacuudiga dumarka siiyay ogolaanshaha ah inay safri karaan muxram la'aan ayaa Lulwa Shalhoub oo ah gabadh dagan magaalada Jeddah waxa ay ka warbixinaysaa sida ay tilaabadan u badeshay noloshaan.
Marka xigta ee aan safar dibedda ku tagaya kama walwalaayo inaan ogolaansho helo aan ku safro. Waxaan isku diyaarini safarka aniga ayaana masuul noloshayda ka noqonaya.
Isbuucii la soo dhaafay markii la shaaciyay sharcigan waxa ay rajo gelisay dumar badan oo dhashay dalkan.
Sida ay sheegtay haweenaydan waxa ay dhibaata kala kulmi jiray inay hesho qof ku wehliyo safaradeeda, iyada oo sheegtay in dumarka garoobada ama uu seygeeda uu dhintay aysan awoodin inay helaan muxram safarka ku wehliyo.
Waxaan ahay hooyo korinayso wiil waana qof kaliye ee aan fasax ka heli karo marka aan safraayo waxay igu ahayd dhibaato.
Mararka qaar waxaa dhici jirtay in dumarka aanan haysan qof muxram ah aysan awoodin inay safraan iyaga oo aad ugu baahan inay safraan.
Haddaan ka mid ahay dumarka Sacuudiga, waa xaalad farxad leh inaan maanta u taagnaado arrin taariikhiga ah, isbadeladan waxay mustaqbalka siinayaan dumarka Sacuudiga fursado badan.
Markii aan yaraa bulshada waxa ku heeranaa dhaqamo aad u adag. Waxa awoodda ugu badan la siin jiray ragga go'aanada oo dhanna waxay ku xirnaayeen ragga.
Waxaan dibedda ku noola muddo 8 sano ah marwalba oo aan soo booqdo qoyskayga waxa aan arki jiray isbadello.
Bulshada oo dumarka u fasaxayo inay xirtaan saakooyin asturan oo qurxan, wiilasha iyo gabdhaha oo goobaha waxbarashada ku kulmayo, gabadh da yar oo dibadda waxbarasho u tagayso.
Waxa isbadelkan xoojinaya ayaa ah labadii sano ee la soo dhaafay waxay ka imaanayaan dhanka wax badelka xeerarkii hore iyo dabacsanaan dhanka boqortooyada Sacuudiga.
Sharciga cusub ayaa ah in xiriirka u dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa uu noqonayo mid iskaashi ku dhisan.
Saaxiibaday iyo aniga iyo dumar kale ee u dhashay Sacuudiga ma rabaan in Sacuudiga lagu tilmaado dal ay dumarku xuquuq ku lahayn.
Jihadaan cusub waxay dumarka siinaysaa kalsooni iyo awood ay naftooda ku ilaaliyaan.
Lulwa Shalhoub is a Jeddah-based freelance journalist who previously worked for the BBC's Arabic Service in London.
Lulwa Shalhoub waa weriye madax banaan oo ku nool Jedaah waxay horay ugu soo shaqaysay laanta Afka- Carabiga ee BBC.