Haweenay si 'sharciga Australia ogolyahay' nafta looga qaaday

Published

Haweenay u dhalatay dalka Australia ayaa noqotay qofkii ugu horeeyey ee dalka Australia oo nafta looga dalabkeeda, iyada oo la cuskanayo sharci cusub oo la meelmariyay.

Haweenaydan oo magaceedu yahay Kerry Robertson ayaa qabtay xanuunka kansarka ah oo gaaray heer halis ah, waxayna xaaladeeda noqotay mid nolol iyo geeri u dhaxaysa.

Sharcigan oo laga ansixiyay gobolka Victoria ee Australia ayaa waxa uu ogolaanayaa in qofka uu dalban karo in nafta laga qaado haddii ay lasoo gudboonaato xaalad xaafimaad oo uu noloshaba ka quusto, daawana waxbo looga qaban waayo.

Qoyska haweenaydan ayaa sheegay in la siiyay ogolaanshaha in ay dhimato, kadibna garab lagu siiyay in nafta laga qaado.

Sharcigan ayaa waxa uu leeyahay 68 shuruudood oo ay tahay in uu qofka buuxiyo ka hor inta aanan la dilin.

Waxaa ka mid ah in saddex jeer uu codsi u gudbisto dhaqtar taqasus wanaagsan leh, waana in qofka ka weynyahay 18 jir, islamarkaasna dhaqtarka u sheegay in 6 bilood oo kaliya ay nolosha oga harsantahay.

Sharcigan ayaa waxaa la meelmariyay 2017-dii kadib 100 saacadood oo dood ah, kaas aad ay ugu kala qeybsameen xildhibaanada.

Labo gobol oo kale oo dalkan ka mid ah ayaa ka fikiraya sidii loo meelmarin lahaa sharcigan oo kale.

Dalal kale sida Canada, Netherlands iyo Belgium ayaa horey u meelmariyay sharcigan oo kale.