You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daadadka ku dhuftay koonfurta Aasiya oo loo aaneynayo isfahan la'aanta India iyo Nepal
Marka ay timaado kheyraadka biyaha, xiriirka u dhexeeya waddamada India iyo Nepal ayaanan ahayn mid wanaagsan.
Balse sanadihii la soo dhaafay, xiriirka waddamadani u dhaxeeya ayaa sii xumaanayay gaar ahaanna inta lagu guda jiro xilli roobaadka sanadlaha ah ee waddamadaasi ay ka da'aan roobabka xooggan ee dabeylaha wata, kuwaasi oo da'aya laga billaabo bisha Juun ilaa Sebteembar sanad kastaa.
Fatahaada xooggan ayaa uga sii dara xiisadda u dhexaysa labadani dal ee deriska ahi, waxaana dadka shacabka ah ee labada dhinac oo careysan ay dhanba dhanka kale ku eedeeyaan dhibaatada fatahaadaasi.
Sanadkan, fatahaado xooggan ayaa waxay ku dhufteen gobolkaasi. Dhawr qof ayaa waxay ku dhinteen waddamada Nepal iyo Bangladesh, waxaana in ka badan saddex milyan oo qof ay ku barakaceen woqooyiga iyo woqooyi-bari dalka India.
Waddamada India iyo Nepal waxay wadaagaan xudduud furan oo gaareysa ku dhowaad 1,800km.
In ka badan 6,000 oo wabiyo iyo dooxooyin ah oo ka imaanaya dhanka Nepal ayaa biyahooda ku shuba dhinaca woqooyi ee dalka India. Waxayna qiyaastii 70% qeyb ka yihiin biyaha webiga Ganges xilliyada jiilaalka.
Marka ay webiyeyadani qararka jabsadaan waxay ku fatahaan dhulalka fidsan ee waddamada Nepal iyo India, halkaasi oo ay dhibaato xooggan ka geystaan.
Sanadihii la soo dhaafay waxaa jirtay caro xooggan oo ka jirtay dhinaca xuduudda ee dalka Nepal.
Nepal waxay fatahaaddaasi u aaneynaysaa gidaarro iyo biya xireenno ku teedsan xudduudda labada dal oo ay sheegayso in ay xannibayaan qulqulka biyaha u socda dhanka koonfurta waddanka India. Baaritaan ay BBC-du ka sameysay bariga dalka Nepal muddo haatan laga joogo laba sano ayaa lagu ogaaday in ogaaday jiritaanka gidaarradaasi oo ay u muuqato in ay xayirayaan qulqulka biyaha u socda dhanka dalka India.
Gidaarradan ay India biyaha isaga moostay ayaa waxa ay ku yaalliin deegaan ay shacabka labada dhinac ku dagaalameen sanadkii 2016-kii ka dib markii Nepal ay diidday in India ay darbi weyn isaga dhigto biyahaasi qulqulaya.
Saraakiisha Nepal ayaa sheegaya in ay jiraan ilaa 10 dhismo oo kuwaa la mid ah oo biyaha ku soo leexinaya kumannaan hektar oo dhul ah oo ku yaal gudaha Nepal.
Saraakiisha dalka India ayaa sheegaya in ay jiraan meelo ay biyaha ka baxan balse khabiiro ku sugan dalka Nepal ayaa sheegaya in gidarradaasi ay yihiin kuwo biyaha ilaaliya tuulooyinka ku xudduuda ee dhanka dalka India.
Deegaanka Gaur oo xarun u ah degmada Rautahat ee koonfurta dalka Nepal ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa ku dhuftay fatahaad xooggan, waxaana halakasi ay biyo fadhiyeen muddo seddex maalmood ah, waxaana mas'uuliyiinta degmadaasi ay ka cabsi qabaa rabshado halkaasi ka dhaca.
"Cabsi weyn ka dib, waxaa dhanka India laga furay laba albaab oo biyuhu ay ka bixi karaan, arrintaa oo aad noo caawisay," ayuu yiri Krishna Dhakal, oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada booliska.
Saraakiisha dalka India kama aysan soo ka jawaabin codsigii BBC-da ee ahaa in dhankooga ay ka hadlaan eedeymahaasi loo soo jeediyay.
Labadani dal yeelanayay shirar ku saabsan arrintan sanaddadii la soo dhaafay balse ma jiraan wax badan oo isbedelay. Kulan bishii Maajo ee sanadkan dhexmaray Nepali iyo maamulka wakaaladda biyaha ee India ayaa qiray "Dhismaha socda ee waddooyinka iyo dhismayaasha kale" ee xudduudda labada dal balse waxa ay sheegeen in ay habboontahay in arrintan loo maro waddo diblomaasiyadeed.
Ergadii Nepal ku mataleysay kulankaasi iyo diblomaasiyiinta dalkaasi ayaa shacabkooga kala kulmay cambaareyn xooggan, waxaana lagu dhaliilay in dhiggooga dalka India ay si fiican kaga dhaadhicin waayeen dhibaatada arrintan.
Balse xaqiiqada ayaa ah in dhibaatada fatahaada aysan ahayn mid ku kooban Nepal oo kaliya oo waxa ay ka jirtaa dhanka India.
Dowladda Indai ayaa isniintii la soo dhaafay sheegtay in ku dhawaad 1.9 milyan oo qof ay guryahooda ka barakeceen gobolka Bihaar oo kaliya.
Bihar ayay dhibaatada ugu ba'an ee fatahaaduhu ka dhacaan marka wabiyada sida Kosi iyo Gandaki ay qararka jabsadaan, waxaana dalka Nepal lagu eedeeyaa in ay biyaha ku soo fasaxaan deegaannada ku yaal dhanka dalka India.
Haseyeeshee xaqiiqadu waxay tahay in dowladda India ay maamusho goobaha biyaha laga fasaxo, inkastoo goobahaasi ay ku yaalliin dalka Nepal.
Sababtu waxay tahay waxaa sidaasi dhigaya heshiisyadii Kosi iyo Gandak ee labadani dal ay kala saxiixdeen sanaddadii 1954 iyo 1959.
Biya xireennadani ayaa waxaa dhistay dowladda India waxaana ujeedadu inta badan ay ahayd in ay ku xakameyso daadadka, ku waraabiso beeraha iyo in ay ka dhaliso koronta. Balse waxay muran ka dhaliyeen dhanka Nepal sababtoo ah waxaa loo arkaa in aanay faa'iido ugu jirin dadka deegaanka ee reer Nepal.
Dowladda India ayaa dhanka kale biya xireennadani ku tilmaameysa tusaale wanaagsan oo ah iskaashi dhanka maareynta iyo maamulka biyaha.
Biya xireenka Kosi oo kaliya ayaa wuxuu leeyahay 56 albaab oo biyaha laga furo. Markasta oo ay daadadku xoogeystaan isla markaana ay gaaran heerka "khatarta ah", Indai ayaa lagu eedeeyaa in aanay wada furin dhammaan albaabbadan, arrintaa oo halis gelinaysa deegaannada ku yaal dhanka Nepal.
Biya xireenka Kosi oo loo bixiyay "murugada Bihar", ayaa dhowr jeer oo hore ku fatahay deegaannada ka ag dhow, waxaana fatahaaddaasi ka dhashay burbur. Markii uu qarka jabsaday sanadkii 2008-dii, kumannaan qof ayaa ku dhintay, waxaana sidoo kale ku barakacay ku dhowaad saddex milyan oo qof oo ku nool waddaamda Nepal iyo India.
Maadaama biya xireenkaasi uu haatan jiro ku dhawaad 70 sano, waxaa jira cabsi ah in ay waxyeelo soo gaarto haddii daadad xooggan ay ku dhuftaan. Dowladda Indai ayaa qorshaynaysay in ay woqooyiga Kosi ka dhisto biya xireen kale.
Inta badan webiyada dalka Nepal ayaa sii mara buuraleyda Chure oo durbaba dadkii halkaa ku dhaqnaa ay dareemayaan halis aad u weyn.
Buurahani ayaa waayadii hore door muhiim ah ka qaadan jiray qulqulka biyaha webiyadani, waxayna yarayn jireen dhibaatada fatahaadaha waddaamda Nepal iyo India. Haseyeeshee xaalufin loo geystay dhirta iyo qodista macdanta oo halkaasi si weyn uga socota ayaa burburisay buurahaasi.
Maadaama ay meesha ka bexeen waxyaabihii dabiiciga ahaa ee xakameyn jiray daadadku, waxay haatan saraakiishu sheegayaan in ay sii badaneyso halista daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee xilliyadan ka da'a waddamadani Nepal iyo India.
Olole xooggan oo deegaanka lagu ilaalinayo ayaa dhawr sano ka hor la billaabay, balse marna miradhal ma noqon, waxaana haatan meel halis ah maraya dhaca loo geysanayo kheyraadka dabiiciga ah ee deegaanadaasi.
Jiritaanka buuraha iyo dhirta deegaankani ayaa ayaa muhiim u ah mustaqbalka dalka Nepal iyo sidoo kale Uttar Pradesh iyo Bihar. India ayaa Nepal ku eedeynaysa in ay xakameyn la'dahay xaalufinta dhirta iyo qodista macdanta si deegaanka loo ilaaliyo.
Haddase iyadoo isbeddelka cimiladu u saameyn weyn ku yeeshay roobabka xilligaan da'a, khubaradu waxay ka baqayaan in muranka u dhaxeeya labadani dal ee deriska ah ay xaaladda uga sii darto.