Haweeneydii ugu horreysay oo loo doortay madaxwaynaha Guddiga Midowga Yurub

Xigashada Sawirka, Reuters
Haweenadaan u dhalatay dalka Jarmalka laguna magacaabo Ursula von der Leyen ayaa loo doortay madaxweynaha gudiga Midowga Yurub kadib markii xubaha gudiga ay si qarsoodi ah u codeeyeen.
Wasiirka difaaca Jarmalka ee oo ka tirsaneed Xisbiga midigta dhexe ee dalka Jarmalka ayaa badali doonta kowda bisha November gudoomiyaha gudiga midowga Yurub Jean-Claude Juncker.
Waxaay heshay in ka badan kala bar codadka xubnaha baarlamanaka midowga Yurub iyadoo codeyntu ay dhacday.
Gudiga ayaa dajiya sharciyada Midowga Yurub wuxuuna leeyahay awood tallaabooyin looga qaado wadamada xubnaha ka ah hadii ay qaladaad dhacaan .
"Kalsoonida aad isiiseen waa mid aad siiseen Yurub Mrs von der Leyen,oo ah haweenaydii ugu horeeysay ee loo doortay madaxweynaha gudiga midowga Yurub ayaa hadalkaan ku sheegtay khudbad ay jeedisay kadib la doortay .
"Kalsoonidaadu waa midnimada iyo awoodda Yurub laga bilaabo bariga,galbeedka koofurta ilaa waqooyiga."
Waxaa ay sheegtay in xilka ay qabatay uu yahay mas'uuliyad weyn iyada intaas ku dartay inay hadda shaqadeeda bilaabayso,waxayna ku baaqday in si wada jir ah loola shaqeeyo.
Waxaa ay heshay 383 cod waxayana ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay.
Mrs von der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels,waxayna leedahay 7 caruur ah islamarkana inta aysan siyaasada ku biirin ka hor waxay ahayd dhakhtarka haweenka.
Waxay ballanqaaday in ay ka shaqayn doonto sidii baarlamaanka Yurub uga shaqayn lahaa daryeelka bulshada.












