You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Malaga badbaadi karaa haddii lagu dhuunto lugta diyaaradda?
Axaddii ayay aheyd markii qof uu kasoo dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ku degi rabtay garoonka Heathrow, waxaa uu meydka kusoo dhacay beer ku taalla London.
Sida laga soo xigtay booliska, waxaa la rumeysan yahay in ninka dhintay uu soo daba qabsaday diyaardda oo kasoo dhaqaaqday magaalada Nairobi.
Waxaa dhif iyo naadir ah dhacdooyinka ku saabsan dadka daba qabsada dayuuradaha isaga kala goosho qaaradaha adduunka.
David Learmount oo ah weriye ka faalooda duulimaadyada ayaa sheegay inay adag tahay in laga badbaado safarka khatarta ah ay galaan dadka daba qabsada diyaaradaha.
Shuruudaha duulimaadka
Caqabadda ugu weyn ee lasoo deristay dadka ku dhex dhuunta qeybta taayarka diyaaradaha waxay la kulmaan marka ay diyaaradda caga dhiganeyso.
Qofka wuxuu halis gelinayaa noloshiisa, "qofka ma helayo wax hawo ah, qabow darran ayaa jirkiisa la wareegaya" ayuu yiri David Learmount.
Cimilada hawada sare ayaa ah mid aad u qabow, waxaa uu heerka qabowga halkaasi uu gaaraya -50C ilaa -60C (Waxay lamid tahay heerkan cimilada ka jirto meelaha ugu darran ee uu qabowga ka jiro dunida sida Antarctica.
Marka laga soo tego qabowga darran, hawada sare waxaa ka jirta hawo la'aan iyo hufnaanta hawada oo aad u hooseeyso taas oo u horseeda ay shaqada gabaan Sanbabada isla markaasna meesha ay ka baxdo neefsiga qofka diyaaradda soo daba qabsaday.
Haddii qofka daba qabsaday diyaaraddda uu kasoo badbaado qabowga hawada sare, waxaa uu baahan yahay inuu noqdo qof feejigan marka ay diyaaradda dageyso xilliggaas oo ay xaaladdu halis tahay.
"In badan dadka daba qabsada diyaaradaha way soo dhacaan, waa tallaabo adag in laga badbaado sababta oo ah qofka waa uu dhiman karaa ama waxaa uu suuxsanaan karaa" ayuu yiri Learmount.
Dadkii ka badbaaday daba qabsiga diyaaradaha
Sida laga soo xigtay Alastair Rosenschein oo ah khabiir dhanka duulimaadka ayaa waxaa uu sheegay inay adagtahay in uu badbaado qofka diyaaradda daba qabsada.
Laanta duulimaadka Mareykanka ayaa waxay diiwan gelisay macluumaadka ku saabsan dhacdooyinka dadka daba qabsaday diyaaradaha laga bilaabo sannadkii 1947-kii ilaa 2-dii July 2019.
Waxay diiwaan gelisay ilaa 126 qof oo daba qabsaday diyaaradaha.
Dadka daba qabsaday diyaaradaha ee dhintay guud ahaan caalamka waxay gaarayaan 98 qof halka 28 qof ay ka badbaadeen, dadkii ka badbaadeyna waa la xiray markii ay garoonka gaareen.
Dadka dhintay ee daba qabsaday diyaaradaha waxay kasoo dhaceen diyaaradda xilligii ay dageysay ama markii ay duuleysay ama waxay ku dhinteen hawada sare.
Sida ay sheegeyso laanta duulimaadka Mareykanka ee FAA, dadka ilaa hadda la ogyahay ee daba qabsaday diyaaradaha waxay ka kala soo jeedaan ilaa 40 dal, waxaana ugu badan dalalka kala ah Cuba 9 kiis, Shiinaha 7, Jamhuuriyadda Dominic 8, Koonfur Afrika 6 iyo Nigeria oo 6 ah.
Mararka qaar waxaa dhacda in aanan lasoo sheegin dalalkii ay kasoo jeedeen balse la sheego dalkii ay diyaaradda ku degtay.
Inta badan dadka daba qabsaday diyaraadaha dunida waxay kasoo jeedaan qaaradda Afrika oo waxay gaarayaan 34 kiisas, waxaana ku xigaa dalalka Caribbean 19 kiisas, Yurub 15 iyo Aasiya 12 kiisas.
Dadkii diyaaradda kasoo dhacay
Ma ahan markii ugu horreysay ee uu soo dhaco qof daba qabsaday diyaarad ku wajahneyd garoonka diyaaradaha ee Heathrow.
Bishii June ee sannadkii 2015-kii, qof ayaa kusoo dhacay galbeedka London, waxaa markii la ogaaday in uu kasoo dhacay meel dhulka u jirta 427 miitar, qof kale oo isla diyaaraddan soo daba qabsaday ayaa ku jiray xaalad halis ah kaddib markii labaduba ay diyaaradda British Airways kasoo daba qabsadeen magaalada Johannesburg.
Sannadkii 2012-kii, nin u dhashay dalka Mozambique ayaa kasoo dhacay diyaarad gudaha magaalada London.
Daba qabsiga diyaardaha malaga badbaadi karaa?
Inkasta oo ay khuburada sheegayaan in dadka daba qabsado diyaardaha aysan inaba badbaadi karin haddana waxaa jiraa dad ka badbaaday.
Sannadkii 1969-kii , Armando Socarras Ramirez, oo 22 jir ahaa ayaa badbaaday markii uu isku qariyay qeybta taayarka diyaarad kasoo dhaqaaqday caasimadda Havana ee Cuba kuna degtay Madrid.
Sannadkii 1996 -kii, Pardeep Saini, 23 jir ah ayaa badbaaday markii uu soo daba qabasday diyaarad kasoo baxday magaalada Delhi kuna jeeday London, walalkiis oo isku qariyay diyaaradda ayaa kusoo dhacay London markii ay diyaaradda caga dhiganeysay.
Sannadkii 2000- Fidel Maruhi ayaa badbaaday markii uu ku dhex dhuuntay taayarka diyaaradda, diyaaradda Boeing 747 waxay markaas jartay masaafo dhan 4,000 mile min Tahiti ilaa Los Angeles.
Sannadkii 2002-dii, Victor Alvarez Molina oo 22 jir ahaa, ayaa isagana badbaaday markii uu daba qabsaday diyaarad ku degtay garoon ku yaalla Canada.
Sannadkii 2014-kii, Yaxye Cabdi oo ahaa wiil yar oo soomaali ah, waa uu badbaaday markii uu isku qariyay qeybta taayarka ee diyaaradda Boeing 767 taaso kasoo dhaqaaqday San Jose, California, waxaa ay ku degtay Hawaii.
"Waxaa markasta baaritaan lagu sameeya diyaaradda ka hor inta aysan dhaqaaqin" ayuu yiri David Learmount oo ah weriye ka faalooda duulimaadyada.
"Marka qofka uu daba qabsan karo diyaaradda waa daqiiqadaha ugu dambeeya ay diyaaraddu duuleyso"
Learmount waxaa uu sheegay in daqiiqadaha ugu dambeeyo ay diyaaradda duuleyso ay geli karaan oo kaliya ah shaqaalaha diyaaradda ama dadka ku dhaw howlwadeenada.