You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jeneraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo geeriyooday
Warar ay BBC-du laanta Afka Tigreega ay heshay ayaa sheegaya in Jeneraalkii ugu sareeyay ciidamada Itoobiya qeybtooda Koonfureed ee fadhigiisa ahaa magaalada Harar uu ku geeriyooday dalka Thailand.
Sida ay ehelka jananka u xaqiijiyeen BBC-da, Abraha Weldemariam ayaa u dhintay xanuunka Kansarka oo kaga dhacay sanbabada.
Jeneraal Gabre ayaa aad caan uga ahaa dhulka Soomaalida Itoobiya , isaga oo sidoo kale mas'uul ka ahaa hawlgaladii ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen Soomaaliya sannadkii 2007-dii.
Waxa uu ka mid ah taliyeyaashii xilka ciidanka ka fariistay markii uu isbadelka ka dhacay dalka Itoobiya.