You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jeneraal lagu xiray Gambiya iyo hub la qabtay
Ciidammada Galbeedka Afrika ayaa xiray jeneraal sare oo ka tirsan ciidammada Gambia waxayna hub yaalay guri deegaan ah oo uu leeyahay madaxwaynihii xilka baneeyay ee Yaxye Jammeh sida uu sheegay lataliyaha ciidammada Francois Ndiaye.
Wuxuu intaas ku daray in Jeneraal Bora Colley oo ah taliyaha qayb ka mid ah kumaandoosta lagu xiray dalka ay dariska yihiin ee Senegal, balse wax faahfaahin ah kama uusan bixinin.
Ciidammada gobolka ayaa sidoo kale hawlgal ka fuliyay guriga Yaxye Jammeh uu ku leeyahay tuulada Kanilai iyagoo qoryo iyo hub ka soo qabtay, sida uu sheegay jeneraal Ndiaye isaga oo ku daray in ay xaaladdu dagan tahay.
Afar waardiye iyo xaaska Jammeh ah ayaa laga soo qabtay magaalada Karan sida uu sheegay jeneraal Ndiaye.
Ciidammada gobolka ayaa xoojinaya Adama Barrow tan iyo markii uu xilka baneeyay Jammeh oo dalka isaga tagay.
Jammeh ayaa isku dayay in uu xilka sii hayo, laakiin wuu tanaasulay ka dib markii uu cadaadis kala kulmay xoogag ay senegal hogaaminayaan iyo dhexdhexaadiyeyaal.