You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sababta xayawaankii Yurub loogu soo celinayo Afrika?
"Xayawaanka waxaa laga daadgureeyay qaaradda Afrika tobonnaan sanno ka hor si loogu soo bandhigo goobaha lagu ilaaliyo duur joogta ee Yurub, dadkuna ay u daawasho tagaan, hadda waxaa la sameeyay xarun duurjoogta lagu ilaaliyo oo ku taalla Rwanda" sidaasi waxaa yiri, Mark Pilgrim oo ah madaxa fullinta xarunta duurjoogta Chester.
Waxaa uu ka fakarayaa muhiimadda ay qaaradda u leedahay daadgureyntii ugu ballaarneyd ee xayawaanka Wiyisha loogu soo dhoofinayo Afrika.
Shan ka mid ah xayawaanka Wiyisha ayaa la geeyay seeraha duur joogta ee Akagera ee ku yaalla dalka Rwanda.
Waxaa lagu qiyaasay da'dooda 2 ilaa 9 jir, waxaana laga soo daadgureeyay magaalada Yorkshire ee dalka Czech Republic iyo seera ku yaalla dalka Denmark.
Daadgureynta Wiyisha min Yurub ilaa Afrika ayaa ah safar dhan masaafo 6,000 Kiilomiitar, waxay kasoo bilaabatay magaalada Dvur Kralove halkaas oo laisugu soo uruuriyay xayawaanka sannadkii lasoo dhaafay, waxaana halkaas looga sameeyay goob kumeel gaar ah.
Muddo bilooyin ah ayay baaritaanno caafimaad halkaas lagu marsiinaya.
Mashruuca Wiyisha looga soo daabulayo Yurub ilaa Afrika ayaa soo socday muddo sannooyin ah, waxaa laga soo dejiyay caasimadda Rwanda ee Kigali.
Ururka midowga seerayaasha duurjoogta Yurub ayaa waxay sheegeen in dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururkaas ay saxiixeen in Wiyisha loo soo daadgureeyo Afrika isla markaasna laga qeyb qaato sidii ay u tarmi lahaayeen.
Ujeedka waxaa lagu sheegay in xayawaankan loo celiyo halkii asal ahaan ay kasoo jeedeen, halkaas oo leh deegaan ku habboon noloshooda ku habboon, kana helayaan waxyaabaha dabiiciga ah ee ay ku noolaan karaan. Saraakiisha qaar ayaa arrinkan ku tilmaamay sidii dalxiis oo kale.
"Waxaan leenahay 25 goobood oo lagu ilaaliyo Wiyisha , 12-kii sanno ee lasoo dhaafay dadka waxay keenayeen Wiyisha guud ahaan qaaradda si ay uga qeyb qaataan barnaamijyada sare loogu qaadayo taranka xayawaanadan" ayuu yiri Mark Pilgrim.
Waa tallaabo guul ah, boqolkiiba 10 Wiyisha ku nool dunida ayaa qarka u saaran in la ciribtiro, qaarkood waxaa lagu haya seeraha duur joogta ee Yurub.
"Muddo ka badan 40 sanno ayaa Wiyishan laga daadgureeyay Bariga Afrika, waxaa la geeyay Yurub si loogu soo bandhigo goobaha loo dalxiis tego, waana tallaabo wanaagsan oo dib loogu celinayo goobtii laga keenay" waxaa sidaas yiri Jan Stejskal, oo ah madaxa barnaamijyada seeraha duur joogta Dvur Kralove ee dalka Czech Republic.