You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Immisa bilyan oo doollar ayuu Maraykanku ku bixiyay dagaalkii uu ku qaaday Iiraan?
Taariikhdu markii ay ahayd February 28, 2026, subax Sabti ah, Israa'iil iyo Maraykanku waxay dagaalka ku bilaabeen Iiraan iyaga oo bartilmaameedsaday madax sare oo Iiraan ah iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah ee hoggaanka iyo ciidamada.
Maalintii ugu horreysay, weerarro isugu jira diyaarado dagaal iyo gantaallo oo si wadajir ah loogu qaaday Iiraan ayaa lagu dilay hoggaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Aayatullah Khamenei, iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.
Arrintan kadib, inkastoo si weyn loo hadal hayay in dowladda Iiraan— oo bilo badan wajaheysay mudaaharaadyo shacabka ah—ay burburtay, haddana Iiraan oo aan isdhiibin waxay isla markiiba bilowday inay bixiso jawaab celin.
Iyadoo adeegsanaysa hubkeeda casriga ah ee masaafada dheer oo ay muddo dheer dhisayeen, waxay maalmo dhowr ah ku qaadday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah Israa'iil iyo sidoo kale waddamada kale ee gobolka ee xulafada la ah Maraykanka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa hore u sheegay in dagaalka lala galay Iiraan uu noqon doono mid gaaban oo aan ka badnaan doonin toddobaadyo, isla markaana Iiraan si dhaqso ah isu dhiibi doonto, isagoo caddeeyay in ciidamadoodu ku dhow yihiin guul.
Si kastaba ha ahaatee, Iiraan oo aan laga adkaan dagaalka iyo wada-xaajoodyada midna, waxay ku guuleysatay inay xirto marin-biyoodka Hormuz, taasoo saameyn culus ku yeelatay Maraykanka, waddamada gobolka, iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida.
Maraykanka oo ciidan badeedkiisa waaweyn meelo kala duwan dhigay, isla markaana doonayay inuu ku celiyo tallaabo hore uu ka qaaday Venezuela, ayaa la kulmay jawaab ka xoog badan intii uu filayay.
Dagaalka oo la sheegay inuu ku dhammaan doono toddobaadyo ayaa sii dheeraaday, inkastoo Maraykanku isku dayay inuu albaabka wada-xaajoodka furo isagoo soo bandhigaya shuruudo hordhac ah, haddana Iiraan ma aqbalin. Si kastaba, wada-hadallo bilo socday oo uu dhex-dhexaadinayay Pakistan ayaa hadda la sheegay inay keeneen is-afgarad, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta labada dal.
Dagaalkan muddo bilo ah dunida welwelka geliyay ayaa dhammaaday, balse ma ahayn mid kharash yar lagu bixiyay.
Ilaa hadda lama oga tirada saxda ah ee lacagta ay Iiraan ku bixisay dagaalka, hase yeeshee Maraykanku saddexdii bilood ee la soo dhaafay wuxuu ku bixiyay balaayiin doolar. Sidoo kale, waxaa la sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalku uu sidoo kale gaarayo balaayiin kale.
Xogaha ka soo baxay ilo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Maraykanka bilihii u dambeeyay ayaa muujinaya in dagaalka ka dhanka ah Iiraan, Maraykanku si toos ah ugu bixinayay howlaha ciidanka lacag u dhexeysa 6 ilaa 8 bilyan oo doolar bishii.
Falanqayno dhaqaale oo madax-bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkan bilihii la soo dhaafay lagu bixiyay kharashaad militari iyo khasaare dhaqaale oo guud ahaan gaaraya 15 ilaa 30 bilyan oo doolar.
Wasaaradda Difaaca Maraykanka waxay sheegtay in kharashka bilowga ah ee dagaalka uu celcelis ahaan yahay 6.8 bilyan oo doolar bishii. Qaybta ugu badan ee kharashkaasi waxay ku baxday beddelka gantaallada casriga ah ee Maraykanku si weyn ugu adeegsaday Iiraan.
Tusaale ahaan, hal gantaal oo Tomahawk ah oo la sameeyo lana rido wuxuu ku kacayaa qiyaastii 2.5 milyan oo doolar.
Sida uu qiyaasay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Kennedy ee Jaamacadda Harvard, kharashka dagaalka ayaa si weyn uga badan inta la sheegay. Waxayna tilmaantay in maalmaha ugu kulul ee dagaalka, kharashka Maraykanka uu gaari karay ilaa 2 bilyan oo doolar maalintii.
Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wadarta guud ee kharashka dagaalka ilaa hadda, hay'ado kala duwan ayaa tilmaamaya in uu ka badan yahay inta la qiyaasayo, kana yarayn doonin.
Markii dagaalka oo la sheegay inuu socon doono kaliya toddobaadyo uu sii dheeraaday, Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa cadaadis dhaqaale dartii ka dalbatay Kongareeska miisaaniyad dheeraad ah oo gaaraysa 98 bilyan oo doolar.
Kharashaadka hadda la xusay ee gaaraya balaayiinta doolar waxaa la rumeysan yahay inay ku baxeen gantaallo, difaacyada hawada, dayactirka hubka, iyo howlaha maalinlaha ah ee militariga.
Qiyaaso gudaha ah oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa tilmaamaya in haddii lagu daro diyaaradaha ku burburay weerarrada Iiraan iyo waxyeellada gaartay saldhigyada Maraykanka ee dalalka Khaliijka, kharashku uu gaari karo ilaa 50 bilyan oo doolar.
Ka sokow kharashka militariga, dagaalka Maraykanka uu Iiraan kula galay wuxuu sidoo kale culays weyn saaray nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinta Maraykanka.
Sababo la xiriira kororka qiimaha shidaalka ee gudaha Maraykanka, muwaadiniintu waxay bixiyeen qiyaastii 27.8 bilyan oo doolar oo dheeraad ah shidaal iyo gaas. Xiritaanka marinka Hormuz ayaa sababay in qiimaha shidaalka uu kor u kaco celcelis ahaan 40%.
Hadda Maraykanka iyo Iiraan waxay gaareen heshiis lagu joojinayo dagaalkaas ku kacay balaayiinta doolar. Inkastoo dagaalku istaagay, khubarradu waxay sheegayaan in saameynta kharashaadka dagaalku weli sii socon doonto.
Khubarrada dhaqaale iyo maaliyadeed ee madax-bannaan ayaa qiyaasaya in kharashaadka mustaqbalka ee Maraykanka—oo ay ka mid yihiin buuxinta keydka hubka ee la isticmaalay iyo daryeelka askarta ku dhaawacantay—ay ka badan karaan 1 tiriliyan oo doollar.
Dhanka Iiraan, iyadoo la tixgelinayo burburka weyn ee ka soo gaaray kaabeyaasha dhaqaalaha iyo weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil, iyo sidoo kale adeegsiga ay ku bixisay gantaallo masaafo dheer iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxaa la aaminsan yahay inay kharash badan ku bixisay dagaalka—inkastoo aan weli la helin qiyaaso rasmi ah oo sax ah.