You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jaamacadda ay kasoo baxaan madaxda adduunka qaarkood
Tartanka loogu jiro qofkii noqon lahaa hoggaamiyaha xiga ee xisbiga muxaafidka ee Britain ayaa waxaa uu noqon doonaa ra'iisul wasaaraha xiga ee UK, marka qofka guuleysan doono waxaa uu noqon doonaa qof wax kasoo bartay jaamacadda Oxford.
Inta badan dadka hoggaanka u hayo dalka Britain ayaa waxay kasoo qalin jebiyeen jaamacaddaas.
Saddex kamid ah musharraxiinta isku soo haray ee loolanka ugu jiro hoggaaminta xisbiga muxaafidka ayaa waxay wax kasoo barteen jaamacadda Oxford, waxa aan ka aheyn Sajiid Javid. halka 11 musharrax ee hore ee tartanka ku jiray, 8 kamid ah ay wax kasoo dhigteen jaamacadda Oxford halka shan kamid ah musharraxiintaas ay isku kuliyadd kasoo baxeen.
12 kamid ah ra'iisul wasaarayaashii soo maray Britain 9 kamid ah waxay kamid ahaayeen ardeydii wax kasoo baratay jaamacadda Oxford.
Ra'iisul wasaaraha xilka kasii degeysaa ee Ingiriiska,Theresa May waxay jaamacadda isku barteen ninkeeda Philip, waxaana is bartay ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistaan Benazir Bhutto.
Doodaha ay qabtaan ururka midowga jaamacadda Oxford
Sannadihii toddobaatamaadkii, Banzir Bhutto waxay kamid aheyd dadkii hoggaamin jiray doodaha jaamacadda, waxaana doodaha jaamacadda si aad ah looga xiiseyn jiray gudaha dalka UK, waxaana inta badan ka qeybgeli jiray dadka siyaasiyiinta ah ee rog-roga siyaasadda Britain iyo caalamka.
Qof kasta oo damac kala lahaa hoggaanka siyaasadda Ingiriiska waxaa uu ka qeybgeli jiray doodddan.
Profesoor Geoffrey Evans oo daraasad qaabilsan arrimo ay kamid yihiin siyaasadda ka sameeya jaamacadda Oxford ayaa waxaa uu yiri "Haddii aad tegto jaamacadda Oxford oo aad doodda si wanaagsan uga qeybgashid isla markaasna aad la kulantid dadka saameynta ku leh siyaasadda waxay ku suurogelin kartaa mustaqbalka in aad meel sare ka gaartid siyaasadda"
Culuumta falsafada, siyaasadda iyo dhaqaalaha
Sannadkii 1920-kii, jamaacadda Oxford waxay kuliyadaheeda waxbarshada ku dartay qeybaha kala ah Falsafada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo loo soo gaabiyo PPE. waxay jaamacadda ku caanbaxday inay soo saarto hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.
Dadka wax kasoo bartay jaamacadda Oxford, waxaa kamid ah
- Qaar kamid ah ra'iisul wasaarayaashii soo maray Ingiriiska sida Heath, Wilson and Cameron
- Saddex kamid ra'iisul wasarayaashii Australia sida Abbot, Fraser and Hawke.
- Afar kamid ah ra'iisul wasaarayaashii Pakistaan iyo madaxweynaha ee kala ah (Liaqat Ali Khan, Zulfiqar Ali Bhutto, Benazir Bhutto, Imran Khan and Farooq Leghari).
- Labo madaxweyne oo soo maray Ghana (Kofi Abrefa Busia and John Kufuor),
- Labo ra'iisul wasaare oo soo maray Thailand (Kukrit Pramoj and Abhisit Vejjajiva),
- Ra'iisul wasaaraha Peru (Pedro Pablo Kuczynski) iyo hoggaamiyaha Myanmar (Aung San Suu Kyi)
Malala Yousafzai oo ku guuleysatay biladda nabadda una dhalatay Pakistaan ayaa hadda waxay kuliyadda Falsafada, siyaasadda iyo dhaqaalaha ka dhiganeysaa jaamacadda Oxford.
"Jaamacadda Oxford waxay hormuud u aheyd xarumaha waxbarashada, waxay gebi ahaanba diiddaa dadka aanan soo maray dhabaha saxda ah ee waxbarasho" ayuu yiri Profesoor Evans.
Waxay kamid tahay jaamacadaha adduunka ugu wanaagsan ee bixiyo waxbarasho tayo leh, waxay qaabishaa ardeyda maskaxda leh ee adduunka.
Oxford waxay dhawaa ballan qaaday inay qaadan doonto ardeyda saboolka ah ee heysta natiijooyinka hooseeyo.