You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka reer Malawi oo maanta u dareeray goobaha codbixinta
Dadka reer Malawi ayaa maant u dareeraya goobaha codbixinta,iyaga oo soo dooran doona madaxwayne iyo baarlamaan.
6.8 milyan oo qof ayaa codkooda dhiibanaya doorashadan oo dadka wax falanqeeya ay ku tilmaameen mid si adag loogu tartamayo.
Olola doorasho oo kulul oo soo socday saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ayaa wuxuu horseeday in maanta ay dadka reer Malawi u dareeraan doorashada.
Codbixiyayaasha ayaa madaxwayne ka soo dhex dooran doona 7 musharax oo uu ka mid yahay madaxwaynaha imika talada haya Peter Mutharika oo doonaya in markii labaad uu xafiiska qabta islamarkana ah waqti xileedkii ugu dambeeyay.
Balse waxa uu tartan adag ka soo wajahayaa baadariga howlgabka ah Lazarus Chakwera oo ah hogaamiyaha ugu wayn ee mucaaradka iyo madaxwayna ku xigeenkii hore Saulos Chilima.
Madaxwaynaha talada haya Mutharika ayaa 2014 ku guulaystay madaxwaynanimada 36% codadkii la dhiibtay.
Balse waxa uu la daala dhacayaa oo dhaawacaya dowladdiisa in uusan wax ka qaban qiimaha maciishada oo sareysa,shaqa la'aan iyo musuqa.
Dilka loo gaysto dadka albinoska ayaa sidoo kale ah arrimaha ka taagan dalka Malawi oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.
Doorashadan Malawi waxaa markii ugu horeysay loo adeegsanayaa qalabka casriga ah ee doorashooyiinka.