Trump: Mareykanka soo galootiga wuu ka buuxsamay, balse ma run baa?

Published

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu buuxsamay, sidaa darteedna uusan qaabili karin soo galooti cusub oo kala duwan.

Balse muwaadiniinta deggen mid ka mid ah gobollada baadiyaha ayaa sheegay in mar kale aanay khliaafeeynin hadalka madaxwenaha.

Gobolka Vermon ma u baahan yahay dad soo galooti ah?

Afartan sano ka hor, Curtiss Reed Jr ayaa dalxiis ahaan u yimid Vermon balse halkaas ayuu ku hakaday intii muddo ah.

"Saddex toddobaad ayaan ku sugnaa oo aan dalxiis, cabitaan iyo cunnaba ka helayay waxa ayna ahayd janno oo kale," ayuu yiri Mr Reed.

Markaa kadib magaalada wax badan ayaa iska baddalay gobolka oo dukaamo badan ayaa la xiray, Canshuurta sare ayay u kacday, mushaarka dad badan ayaa qiil-qiil galay.

Mr Reed ayaa arrintaasi ku micneeyay in gobolka Vermont ay degganaayeen dad isku mid ah oo meelo kala duwan aan ka soo kala jeedin.

Inkastoo madaxweyne Donald Trump uu sheegayo "in dalkeena uu buuxsamay", billowgii bishan mar Mr Reed uu booqday gobolka koonfurta ee xudduudda ku yaalla ayuu sheegay in haddii ay Vermont dooneeyso in dhaqaaleheeda uu sare u kaco, ay u baahantahay in dad dheeraad ay gobolka keento.

"Gobolkan dhibaatooyin laba ah ayaa ka jira. Dad ku filan oo qabta shaqooyinka gobolka ma jiraan, midda kale ma yaqaanaan sida loo soo jiito dad kala duwan", ayuu yidhi.

Siyaasadaha maamulka Trump waxaa ka mid ah in la yareeyo qaxootiga iyo shaqaalaha la siiyo dal ku galka aan degenaanshaha ahayn.

Joan Goldstein oo ah gudoomiyaha dhaqaalaha iyo hormarinta u qaabilsan Vermont ayaa sheegaysa in gobolada ku yaalla Mareeykanka ay ku tartamayaan sidii ay ku soo jiidan lahaayen dad cusub.

"Sannadkan Vermont waxa ay bilowday in ay shaqaalaha aado baadiyaha fog-fog siiso lacag dhan $10,000 oo doolar".

"Markaa kadib waxaa gobolka yimid 26 qof oo ay arrintaasi soo jiidatay, dhamaantood waxa ay ka yimaadeen dalal kale waxa ayna doonayeen in qaxooti ahaan gobolka looga diiwaan geliyo"ayay tiri.

Balse nasiib darro, dhammaan 26-kii ruuxba ilaa haatan lama siinin aqoonsi qaxootinimo, marka waxa laga yaabaa in ay sidaa ugu wacantahay in ay yaraadaan muhaajiriinta doonaya in ay ka shaqeeyaan gobolka.

Bishan aynu ku jirno sharci dajiyeyaasha gobolka Vermont ayaa meel mariyay sharci muhaajiriin badan u fududeynaya inay soo gudbistaan taqasuskooda si ay gobolka uga helaan shaqooyin. Waxaana la rajeeynayaa in gudoomiyaha gobolka uu saxiixo sharcigaasi.

Balse Marita Canedo oo la shaqeeya koox u ol'oleeysa xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegaya in wali ay wax badan u dhiman yihiin.

Gobolkan oo xuduud la leh dalka Canada ayaa waxaa aad ugu badan askarta ilaalada xudduudaha, kuwaasi oo ilaaliya dadka sharci la'aanta ah ee ugudba dhanka Canada.

Sannadkii 2017-kii, meeyarka magaalada Rutland ayaa u ol'oleeyay in la keeno qaxootiga Suuriyaanka ah si ay gacan uga geeystaan kobaca dhaqaalaha magaalada.

Balse markii dambe waxaa uu guul darro kala kulmay afti shacabka laga qaaday oo ay taageeraysay dowladda dhexe.

Sannadkii hore Kiah Morris oo ahayd gabadha kaliya ee Mareeykanka madow ah ee ka mid ahayd aqalka Senate-ka ayaa xilka iska casishay, sababtoo ah waxaa la dhibay qoys keeda.

"Dadka ay ku weeyn tahay caddaanimada ayaa igu khasbay in aan shaqadeyda ka tago", ayey tidhi.

Mr Reed ayaa sheegay in gobolka ay ka dheceen dhibaatooyin kuwaasi la mid ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay nasiib darro tahay in ay qasaarto quruxda gobolka Vermont ee isaga soo jiidatay sababtoo ah waxa uu leeyahay sidii la rabay ugama aysan qeyb qaadan kobaca dhaqaalaha gobolka.