"Waxaan caddaalad la tiigsanayaa ciddii dishay hooyaday"

Daphne Caruana Galizia waxay daabacday qoraallo ku saabsan musuqmaasuqa ay sameeyaan masuuliyiinta dalkeeda.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Daphne Caruana Galizia waxay daabacday qoraallo ku saabsan musuqmaasuqa ay sameeyaan masuuliyiinta dalkeeda.
Published

Dhowrkii biloodba hal mar ayaan qol gooni ah la fariistaa qofka baadhitaanka ku samaynaya dilkii hooyaday.

Hooyaday waxay boggeeda internet-ka maalintii doorashada ku daabacday qoraal dhaliil ah oo ku saabsan murashaxii xilka Raysul Wasaaraha, taageerayaashiisa ayaana warbixin u gudbiyey booliiska.

Sidaas darteed, habeen barkii ayaa guriga qoyskeenna waxaa yimid dambi baareyaal sita warqad waaran ah oo lagusoo xirayo hooyaday oo lagu soo eedeeyey dambi ah in ay si sharci darro ah u hadashay.

Waxaan anigu ka shaqaynayey meel kale oo dacallada dunida kamid ah, dadka ayaana ii soo dirayey muuqaallo ku saabsan ayadoo laga soo daayey saldhigga booliiska abbaaro 01:30.

Dhowr saacadood kadib, waxay dib ugusoo laabatay khadka internet-ka ayadoo wax ka qortay tacaddiga lagu sameeyey boggeeda ayadoo sidoo kale ku jees jeestay kalsooni la'aanta haysa Raysul Wasaaraha Cusub.

"Raalli galin ayaa ka bixinayaa xaaladda buuqa ah ee aan ku jiro, balse marka ciidamada gaarka ah ee wax khaarajiya ay habayn barkii kuu soo dhacaan si ay kuu xiraan adiga oo aan dhar qabin isla markaan madax qaawan waa wax aan la malaysan Karin". ayay qortay.

Haatan, isla ninkii dambi baaraha ahaa ee habayn barkii xiray hooyaday ayaa loo xilsaaray baadhitaanka lagu samaynayo dilkeedii.

Matthew and Daphne

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa dhallaannimadii Matthew oo hooyadiis Daphne la sawiran

Maalintii la dilay hooyaday, Daphne Caruana Galizia, waxay aadday bangiga si ay usoo ceshato koontadeedii bangiga oo lagu xayiray codsi ka yimid dawladda dartiis.

Waxay ahayd 53 jir waxayna xirfadda saxaafadda ku jirtay muddo 30 sano ah.

Qalab waxyaabaha qarxa kamid ah ayaa loogu xiray xagga hoose ee kursiga gaadhigii ay wadatay.

Taageereyaasha xukuumadda ayaa si kal furan ugu dabbaal dagay dilkeeda, arrintaas oo isoo xasuusisay dadkii u dabbaal dagay markii la toogtay Hrant Dink oo Tifaftire ka ahaa wargays Turki ah.

Dilkii Daphne Caruana Galizia

· October 2017: ayaa qarax gaadhi lagu dilay saxafiyaddii wax baari jirtay ee Daphne Caruana Galizia

· Ra'iisul Wasaare Joseph Muscat ayaa dilka ku tilmaamay mid "waxashnimo" ah. Hoggaamiyeyaasha Malta ayaana aaska kasoo qayb galay.

· December 2017: Saddex nin ayaa loo xiray dilkeeda waxayna dacwad oogeyaashu sheegeen in la baarayo.

· July 2018: Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay saartay xukuumadda Malta oo uu hormuud u ahaa nin xaakim ah ayaa musuqmaasuqii ay sheegtay Daphne Caruana Galizia ku waayey Raysul Wasaaraha iyo xaakiisa.

Maxaa wax wayn ka dhigay dilalka caynkaas?

"In la iswaydaarsado fikradaha iyo xaqiiqooyinka, iyo in saxafiyiintu ay wadaagaan waayo aragnimadooda, waxay arrimahaasi bulshooyinka ka dhigayaan kuwo kunaalooda caddaalad iyo xorriyad". ayuu walaalkay ka yiri kulan ay isugu yimaadeen diblumaasiyiin reer Yurub ah annagoo markaas wali la tiiraanyeysan geeridii hooyadeen.

" Waxay arrimahaasi abuuraan bulsho hodan ah oo xasilloon, haddii si kale loo dhigana waa bulsho istaahisha in ay noolaato".

Dilkii hooyadeen kadib, ilayska kaliya ee aan helnay waxa uu ahaa taageerada, murugada, tiiraanyada iyo shallaytada inooga imaanayey dhammaan qaybaha kale duwan ee bulshada.

Garab istaaggaasi waxa uu isoo xasuusiyey oraah uu nin saxiibkay ah hadda kahor ii sheegay oo ahayd " Dadka wanaagsani meel kasta waa ay joogaane, ee waa inaad raadisaa."

Doonitaanka ah in aad ku dhex noolaato bulsho fur furan oo xor ah , oo dadka oo idil ay sharciga u siman yihiin xuquuqda aadanahana la xushmeeyo waa wax cid wali ay raadinayso.

Waa ayaan darro in mar xeedho iyo fandhaal ay kale dheceen aan ogaanno in dad aad u yar oo u xun ay naga saayid caleeyeen.

Xilka aan isa saarnay aniga, walaalkay iyo aabbahay waa in aan caddalad u helno dilkii hooyadeen, iyo in baadhitaanku uu noqdo mid caddaalad ah si arrintaas oo kale aysan mar kale u dhicin.

Matthew (bidix) iyo walaalkiis Paul oo u ololaynaha in caddaalad loo helo dilkii hooyadood.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Matthew (bidix) iyo walaalkiis Paul oo u ololaynaha in caddaalad loo helo dilkii hooyadood.

Qoyskayga dhexdiisa, mar marka qaar waxaan iswadiinnaa sida uu noogu yar yahay dulqaadka aan u haynno dad qaarkood oo aan wax tallaabo ah qaadayn, gaar ahaan kuwa haya jagooyinka mas'uuliyadeed.

Caruurtii uu dhalay saxafigii Turkiga u dhashay ee baadhitaanka samayn jiray ee Ugur Mumcu ayaa ii sheegay in dilkii aabbahood kadib, uu madaxa booliiska ee dalkaas ku marmarsiyoooday kadib markii ay ku guularraysteen baadhitaanka: " Waxba ma sammayn karno, meel kasta gidaar ayaa nagu hor gudban."

Jawaabta ay bixisay carruurtaas hooyadood ayaa ahayd sidatam " haddii gidaar idinku hor udban yahay, jaajuurka hadba mid meesha ka bixiya, haddana mid kale saaara, ilaa darbiga oo dhan aad dhulka soo dhigtaan."

Sidaas ayay ahayd wixii aan samaynaynay tan iyo markii hooyadeen la dilay.

Mabda'aygu waxa uu ahaa in aan samaynno wixii kareen keen ah. Waxaana haatan filayaa in hannaankaasi uu guulaysan doono.

Waxaan xoogga saaraynaa isbaddal dhanka dhaqanka ah, waxaan dhalinaynaa xushmad dhanka xorriyadda hadalka ah aarintaas oo u baahan tallaabo sahlan oo ay xukuumaddu qaaddo si caddaalad loo helo.

Waxaan ku biirnay dad kale oo doonaya in ay cirib tiraan cudurka ah "Xorrriyad la'aanta" oo ay dunida baraan xushmad cusuboo ku aaddan xuyquuqda aadanaha.

Dibadbax ay dhigeen saxafiyiinta Malta kadib dilkii Daphne Caruana Galizia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibadbax ay dhigeen saxafiyiinta Malta kadib dilkii Daphne Caruana Galizia

"Xorriyaddu waxay ka bilaabataan xorriyadda garaadka," qoraaga Yameen Rasheed ayaa nagu yiri hadalkaas shan cisho ka hor intii aanan mindi nafta looga qaadin asagoo ku sugnaa bannaanka hore ee gurigiisa oo kuyaal Maldives sanadkii 2017.

"Haddii aanay jirin xorriyad aas aasi ah oo dhanka maanka ah maxaad ku falaysaa xorriyado kale?"

Sida hooyaday oo kale, dilkiisu waxa uu muujiyey in dalalkeena aan wax xushmad ah looga hayn xorriyadda hadalka.

Mas'uuliyaddaan culus garbeheenna ayay haatan fuushay balse ma annaga kaliya ma qaadi karno. Waxaan u baahannahay dad wanaagsan oo nooga soo biira meel kasta.

Maalinta caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda

· Maalinta caalamiga ah ee xorriyada saxaafadda Qaramada Midoobay ayaa astaysay sanadkii 1993 waxayna ku beegan tahay 3-da May ee sanad kasta.

· Mawduuca sanadkan 2019 waxa uu ku saabsan yahay saxaafadda iyo doorashooyinka xilli ay soo bateen wararka been abuurka ah.

· U jeedada laga leeyahay WPFD ayaa ah in loo dabbaal dago sidii loo difaaci lahaa oo qiimayn loogu samayn lahaa xaaladda xorriyadda saxaafadda ee caalamka iyo sidii loo xusi lahaa saxafiyiintii geeriyooday aygoo hawlahooda ku guda jira.

· Sanadkii hore, 95 saxafi iyo xirfadleyaal warbaahineed ayaa lagu khaarijiyey dilal bartilmaameed ahaa, sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ah ee saxafiyiinta.

Waxaan ogahay in qaar badan oo annaga naga mid ah, ay xasuustaan in saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi ay jeclaayeen dad badan oo dunida dacalladeeda kunool.

Dhammaan dilalkaas oo dhan, oo uu ku jiro kii hooyaday, wa yartahay ama maba jirto dawlad ku bixinaysa dadaal si ay u maxkamadayso dadkii mas'uulka ka ahaa.

Saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waxaa la dilay October 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waxaa la dilay October 2018

Sidaas awgeed, waxaan bilownay in aan meesha ka saarno gidaarkii ugu horreeyey: anagoo masuuliyiinta Malta ka dalbannay in ay bilaabaan baadhitaan guud si loo ogaado waxa keenay in laga hortagi waayo dilka loo gaystay mid kamid ah dadka ugu muhiimsan saxafiyiinta.

Qormadaan waxaa leh

Matthew Caruana Galizia oo ah saxafi wax baadha oo ay dhashay Daphne Caruana Galizia, oo qarax gaari lagu dilay October 2017.