Maxay saddexdan dumarka ah ilmahooda iskaga soo xaaqeen?

Alba Rodríguez

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Alba Rodríguez
Published

Maxkamadda sare ee ku taalLa dalka El Salvador ayaa cafis u fidisay saddex dumar ah oo lagu xukumay 30 sanno oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyey inay ilmaha iska soo xaaqeen.

Haweenkan ayaa sheegay in sababta ay arrinkan u sameeyeen ay tahay inay ilma badan horay uga dilmeen.

Ka dib markii ay maxkamadda cafiska u fidisay, ayaa waxa caasimadda San Salvador Khamiistii ku soo dhaweeyey dadka u ololeeya xaquuqda dumarka iyo shacab kale.

Alba Rodríguez iyo María del Tránsito Orellana ayaa xabsiga ku jiray muddo dhan 9 sano, iyada oo ay Cinthia Rodríguez iyaduna jeelka ku jirtay muddo 11 sano ah.

Dalalka bartamaha qaaradda Maraykanka ayaa ku dhaqma sharciyada ugu adag ee lagu xukumo dadka ilmaha iska soo rida.

Cafiska ayaa lagu soo beegay xilli ay dumarka dunida xusayaan maalinta haweenka adduunka ee 8-da bisha Maarso.

María del Tránsito Orellana (L), Cinthia Rodríguez (C) and Alba Rodríguez

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, María del Tránsito Orellana (L), Cinthia Rodríguez (C) iyo Alba Rodríguez

Dadka u ol'oleeya arrrimahan ayaa sheegay in sannad walba ugu yaraan 30 haween ah loo xiro dambiyadan, iyada oo la sheegay in dumar badan cafis loo fidiyey kuwaas oo horay loogu xukumay xabsi qaadanaya muddo ilaa 10 sano ah.

Bishii la soo dhaafay Evelyn Beatríz Hernández Cruz oo 20 sano jir ah ayaa xabsiga laga soo daayey, ka dib markii ay maxmadda ku xukuntay xarig qaadanaya muddo 30 sano ah. Garsoorka maxkamadda ayaa dib ka ogaaday inaysan ilmaha uurkeeda ku jiray dilin balse ay ku dhashy iyaga oo mayd ah.