You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka: Soomaali kale oo ku guuleystay xil sare
Cabdiraxmaan Muuse oo ka mid ah Soomaalida deggan Maraykanka gaar ahaan Minasoota ayaa loo dhaariyey golaha sare ee jaangooya, qorshaha siyaasadda, dhaqaalaha, guriyeynta iyo hawlaha guud ee kala badh gobolka Minasoota. Golahan waxay dusha ka maamulaan 186 magaalo oo ay deggan yihiin illaa lab malyan iyo badh dadka reer Minisoota. Waxa ayna guddidani ka kooban yahay 16 qof oo uu magacaabo guddoomiyaha gobolka Minisoota.
Cabdiraxmaan iyo guddidii kale ayaa loo dhaariyey si wadajir ah, kaddibna keligii ay si gaar ahaaneed loogu dhaariyey kitaabka qur'aanka ah.
Haddaba ,sidee Soomaalidu u arkeen xilka Cabdiraxmaan Muuse, ayuu weriye Siyaad Saalax weydiiyey Shariif Cabdisalaan Aadan oo maamule iskuul ah waxa uuna yidhi: "maanta farxad weyn ayay noo tahay inaan ka qayb qaadanno dhaarinta iyo xilka loo dhiiobay cabdiraxmaan muuse oo ahaa in badan mataanaha magaalooyinka Miniyaabolis iyo Saymbool ama gobolka Minaasootaba laga yaqaannay oo uu dhaqdhaqaaq badan ka samayn jirey, inbadanna u halgamay bulshadeenna horena ulasoo shaqeeyey duqa magaaladaas markaa waa nin aad ugu habboon xilkaas loo magacaabay"
Sida oo kale Cabdiraxmaan Muuse oo BBC-du weydiisay sida uu arko xilkan loo magacaabay, ayaa isna dhankiisa yidhi: "run ahaantii waa masuuliyad culus, waxaana aniga iigu muhiimsan siyaasad ahaan arrimaha guryaynta, in dadkla laga tiro badan yahay helaan guryo ku habboon, in horumarinta dhaqaalaha la kobciyo si dadyawga dhaqaalahoodu hooseeyo ee ay ka mid yihiin dadka soogalootiga ah tayadooda dhaqaale kor loo soo qaado"
Sida oo kale waxa uu u mahadceliyey guddoomiyaha Minasoota Mudane Wallace. Tan iyo markii Wallace la doortay oo Soomaalidu taageero weyn ay siisay, waxa isasoo tarayay doorka Soomaalidu ku yeelanayaan siyaasadda iyo xilalka sarsare ee gobolkaas. Taariikhdana waa markii ugu horreysay ee Soomaalidu xilalka ugu sarreeya gobolka u hawoodeen.
Maxay soomaalidu ku muteen inay xilal heleen? Ayaannu weydiinnay Maxamed Cumar maamulaha masaajidka Daalafaaruuq oo ololihii doorashadana ka soo shaqeeyey waxa uuna yidhi: " waxaa keenay dedaal aad u dheer oo dadka soomaaliyeed xilligii ololaha iyo doorashada ay muujiyeen oo awooddaada soo bandhigeen, iyaga oo dedaal ka badan kay hore u samayn jireen huray"
Maxay qabtaan guddidan sare ee Cabdiraxmaan Muuse ka mid noqday?
Waxyaalaha ay qabanayaan waxaa ka mid ah: wax ka qabashada dhanka waddooyinka, siiba gaadiidka hadday tareen, basas, iyo gawaadhida kale noqotaba. Dhinca qorsheynta, siiba habka ay dadku u degi lahaayeen iyo maareeynta, oddorosidda qorsheyaal mustaqbalka ah iyo hormarinta bulshada.
Waa markii u horreysay taariikhda ee golahan ay ku kulmaan toddoba qof oo ah dadka lagaga tiro badan yahay gobolkaas ka mid ah.