You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay Jawaabta Soomaaliya ay siisay Kenya ugu muuqataa mid aan looga baranin?
Dawladda Feederalka ah ee Soomaaliya ayaa si deggan uga jawaabatay warkii ka soo yeedhay wasaarada arimaha dibada ee Dalka kenya.
Soomaaliya ayaa markii hore ku degdegi jirtay khilaafayadda iyo xurgufaha siyaasaddeed ee kala dhexeeya Waddamada kale.
Arrintan ayaa timi kadib markii ay Dowladda Kenya soo bandhigtay Cadhadeeda ku aaddaneyd Suuq geynta shidaalka ee dowladda Soomaaliya, taasi oo Kenya ay sabtidii soo saaratay bayaan ay ku sheegtay in saliidda la beeciyay lagu daray mid ku jirta dhul ay Kenya leedahay, walow ay Soomaaliya eedeyntaasi iska fogeesay.
Ambasadoor Ciid Bedel oo falanqeeya arimaha Siyaasada Geeska Afrika oo la hadalay Bbc-da ayaa sheegay in Jawaabta ay Soomaaliya ka bixisay Eeda Kenya ay tahay, mid ku habboon, isagoona sheegay inay Somaliya u martay waddadii ugu qumaneyd iyadoona raacday labada qodob ee kala ah midka sharciga iyo midka diblomaasiyadeed ee safaaradaha lagu kal qaato.
"Kenya warqadda ay dirtay ma aheyn mid fadhiday, warcelinta ay Soomlaiya ka sameysayna waxa ay muujisay inuu xidhiidhku ka weyn yahay in Safaaraddo la kala qaato, Jaawbta mudan ee ay hada Kenya bixin karto waxaa weeye inay soo dhaweyso dibna usoo celiso Safiirradii labada waddan, wadahadalna ay ka furto arrinkan" Sidaasi waxaa sheegay Ambasadoor Ciid Bedel.
Ciid Bedel ayaa sheegay inay Kenya ku andooconeyso in Maabka ay Soomaaliya Shirka Geesay uu yahay mid xitaa lagu daray meelo ka mid ah baddooda, taasina aanay ka yeeleyn Soomaaliya.
"Haddaanu qiimeeyno Habkii ay hada Kenya ku dhaqantay iyo hadalladii ku qornaa warsaxaafaddeedka, waxaa noo soo baxaya inay kaweeyntahay khilaaf iyo in la beeciyo Shidaalkii Soomaliya, taasi oo Kenya ay dooneyso inay culeeys ku saarto Soomaaliya si hoos lagu xalliyo murankii la xidhiidhay badda Soomaaliya, iydoona ay Kenya quudareyneyso inay daaqadda uga soo dhacado kiiskii la xidhiidhay Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya, oo hadda hor yaalla Makamadda ICJ, howshana ay kadhigto Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa".
Murranka ayaa yimi labo maalmood ka hor ka dib markii bayaan ay soo saaratay Dawladda Kenya ay ku dhaleeceysay shirkii Londan ee shidaalka Soomaaliya, ayna ku sheegtay in qayboo kamid ah dhul badeedka Kenya ay xukuumadda Muqdisho beecgeesay.
Balse dadka daneeya arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa si diirran ugu amaanay Warcelintii ay Soomaaliya ka bixisay arinkan, iyadoo horey loogu dhaliilijiray inaysan ka fiirsan u jawaabida xurugufta soo kala dhex gala Dawladdaha shisheeye,oo ay kamid yahiin, go,aankii dalka looga eryay, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, iyo sidii ay Soomaaliya ug fal celisay Khilafkii u dhaxeeyey imaaraddka iyo Sucuudiga oo isku dhinac ah iyo Qadar oo dhanka kale ah.