You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
El Salvador: Haweeney loo xiray canug mayd ah oo ay dhashay oo laga sii daayay 30 sanadood oo xarig ah
Maxkamad ku taal dalka El Salvador ayaa waxa ay xabsiga ka sii daysay haweeney 30 sanadood xabsiga ku qaadan laheyd kaddib markii ay musqul ku dhashay canug mayd ah.
Evelyn Beatríz Hernández Cruz, oo ah 20 jir, ayaa xabsiga ku jirtay ku dhawaad saddex sano inay dil gaysatay.
Kaddib markii ay racfaan ka qaadatay xukunkaas ayey maxkamadi amartay in gabadhaasi dib loo maxkamadeyeo, hasayeeshee waxaa u suuragashay inay guriga ku noolaato inta ay howsha socoto.
Gabadhaas iyo qareennadeeda ayaa waxa ay marwalba sheegi jireen in inantu aanay ka warqabin inay uur leedahay wax dambi ahna aanay gelin.
Hasayeeshee dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay gashay dambi dil ah sababtoo ah bay yiraahdeen wax daryeel ah ma aanay raadsan.
Dad inantaas u ololaynayay ayaa waxa ay gabadha ku salaameen albaabka hore ee jeelka markaas oo ay ku qaylinayeen "Evelyn, kaligaa ma tihid".
Dalkan ku yaal Bartamaha Ameerika ayaa waxa uu mamnuucay in carruurta la iska soo rido si walba oo ay xaaladdu noqotaba, tobannaan haween ah ayaana xabsiga loo dhigay carruurtii ay uurka ku sideen oo dhintay, kiisaskaas oo lagu sheegay in ay habluhu dhisiyeen amaba ay dhaleen carruur mayd ah.
Hooyadeed ayaa waxa ay BBC-da u sheegtay in boolisku ay isbitaalka yimaadeen kaddib markii ay gabadheedda iyo cannugii yaraa la geeyay qeybta daryeelka degdega ah.
Ms Hernández ayaa sheegtay in aanay ogeyn in canugeeda uu nolol ku dhashay iyo inkale, oo waxa ay sheegtay inay dhakhtar tegi laheyd haddii ay og tahay in ay uur leedahay.
Maxkamadaynteedii koobaad ayaa waxa ay sheegtay in dhowr jeer la kufsaday. Qareenadeeduna waxa ay sheegeen in ay aad uga cabsanaysay inay warka kufsigeeda sheegto, wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ninka kufsaday uu yahay xubin ka tirsan burcadda.
Khubarada dhanka caafimaadka ayaa sheegaya in aanay kala caddeyn karin in cannuga yarka uu uurka hooyadii ku dhintay iyo in uu dhintay markii uu dhashay kaddib.Bishii Abriil 2016, Ms Hernández ayaa ku dhashay musqusha gurigeeda oo ku yaal tuulo yar oo ay dadkeeda ku nool yihiin. Way miyir daboolantay kaddib markii ay si weyn u dhiigbaxday.
Walow Ms Hernández ay qaangaar aheyd haddana calaamadaha uurkeeda waxa ay ku khaladay inuu ahaa calool xanuun, sababtoo ah dhiigbax gudaha ah ayey laheyd, kaas oo ay moodaysay inuu ahaa dhiiggii caadada.
Waxa ay maxkamadda u sheegtay: "Maanan doonayn inaan wiilkeyga dilo."
Xaakimka ayaanan aaminin in gabadhaasi aanay ogeyn in ay uur laheyd.