Nepal: ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay baraf ka soo dumay buuraha Himalaya

Nepal waxaa ku yaalla mid ka mid ah 14-ka buurood ee dunida ugu dheer

Xigashada Sawirka, Frank Bienewald/Getty

Qoraalka sawirka, Nepal waxaa ku yaalla mid ka mid ah 14-ka buurood ee dunida ugu dheer
Published

Ugu yaraan 8 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen baraf ka soo daatay fiinta kore ee Buurta Gurja oo ku tallo galbeedkka dalka Nepal.

dadka ku dhintay halkaasi ayaa waxay isugu jiraan 5 qof oo dalxiisayaal u dhashay Kuuriyada Koonfureed iyo 4 qof oo u dhashay Nepal oo dalxiisayaasha hagayey.

Diyaaradaha gurmadka ayaa waxay xaqiijiyeen meydka 8 qof oo goobti ay degganaayeen yaalla iney hawada sare ka arkeen balse ay barafka faraha badan iyo cimilada oo xun awgeed ay la dagi waayeen.

Qof sagaalaad oo goobtaasi ku sugnaa ayaa isaguna la la'yahay balse waxaa laga cabsi qabaa inuu dhintay.

Kim Chang-ho waxaa marar badan la guddoonsiiyey abaalmarinta fuulitaanka buuraha barafka ee dhaadheer

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Kim Chang-ho waxaa marar badan la guddoonsiiyey abaalmarinta fuulitaanka buuraha barafka ee dhaadheer

Buuraha Himalaya oo ay isku dayeen dad ka badan 8,000 iney Fiinta kore ee buurta gaaraan waxaa ku guuleeystay oo keli ah 30 qof oo uu ku jiro Kim Chang-ho oo ka mid ah dadka hadda ku dhintay barafka.