Maqaaxi ku taalla Mareykanka oo Aargoostada ku suuxiso xashiishka si loo helo hilib tayo leh

Published

Maqaaxi ku taalla dalka Mareykanka ayaa daroogada nooca xashiishka ah u isticmaasha inay ku suuxiso Argoosatada ka hor inta aanan la dilin oo aanan hilib laga samaynin.

Charlotte oo ah rugcadaa in muddo ah kasoo shaqeeyay barkadda lagu xannaaneeyo Aargoosatada ayaa sheegay in hannaanka lagu duraya xayawaankan xashiishka uu yahay mid lagu ilaalinayo xuquuqda xayawaankan sii loogu fududeeyo xannuunka uu marayo marka la dilayo.

Aargoosatada ayaa lagu kariya maqaaxidda, waxaa lagu ridaa biyo burayo taaso loo arkay hadda inay tahay falal arxan darro ah, waxaana la ogaaday in xawayaanka uu dhibaato darran marayo xilliggaasi.

Macaamisha maqaaxidda ayaa hadda kala dooraan doonaa inay cunnaan hilibka Aargoosatada lagu suuxiyay maanddooriyaha xashiishka iyo in kale.

Culimada sayniska ee ku takhasusay noolaha ayaa sheegay in Aargoostada oo kaliya ah aysan xannuun dareemin marka lagu karinayo maqaayadaha balse ay sidoo kale dhibaatadan dareemaan nolaha kale ee aanaan laf dhabarta qabin.

Milkiilaha barkadda lagu xannaaneeyo Aargoosatada ayaa sheegay in hilibka Aaargoosatada lagu suuxiyay xashiishka uusan ahayn mid qaali ah balse uu yahay mid tayo leh.

'Haddii aan doonayno in aan nafta ka qaadno Aargoosatada waxaa mas'uuliyad naga saaran in aan ula dhaqano si banii'aadanimo ay ku dheehantahay, hilibka midda la suuxiyay iyo midda biyaha karkarayo lagu dilay farqi wayn ayaa u dhexeeyay dhanka tayada hilibka' ayuu yiri Charlotte.

Magaalada Maine ay maqaaxiddan ku taalla xashiiska mamnuuc kama aha balse milkiilaha maqaaxida ayaa loo sharciyay inuu beerto xashiiska isla markaasna uu uga ganacsado daawo ahaan.

Sagaal gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka iyo maamulka Washington DC ayaa sharciyeey isticmaalka xashiishka.