Tobanka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhinaca warshadaha: Marooko ayaa ka hormartay Koonfur Afrika

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Afrika waxay sanadkii 2025 goob joog u noqotay isbeddel ku yimid koboca dhaqaalaha ee u dhexeeya Marooko iyo Koonfur Afrika, sida lagu sheegay Tusmada Horumarka Warshadaha ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

Marka la eego koboca dhabta ah ee warshadaha (wax-soo-saarka, dhoofinta, iyo kororka qiimaha badeecadaha), iyo sidoo kale Wax-soo-saarka Guud ee Dalka (GDP), dalal ay ka mid yihiin Senegal, Namibia, iyo Eswatini ayaa gaaray guulo waaweyn.

Waxaa muhiim ah in la xuso in tani aysan ahayn liiska dalalka ugu hantida badan guud ahaan, balse ay tahay liis diiradda saaraya horumarka warshadaha. Qiimeyntan waxaa lagu saleeyay qodobo ay ka mid yihiin kororka qiimaha wax-soo-saarka warshadaha, kaabeyaasha warshadaha, farsamaynta gudaha ee khayraadka dabiiciga ah, dhoofinta wax-soo-saarka warshadaha, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta warshadaha.

1. Morocco

Guusha Marooko ee ah inay noqoto hoggaamiyaha cusub ee warshadaha Afrika waxaa gacan weyn ka geystay koboca warshadaha baabuurta iyo hawada, aagagga warshadaha ee ku wajahan dhoofinta, iyo arrimo kale oo badan.

"Marooko hadda waa dhaqaalaha ugu dhow heerka ugu sarreeya ee horumarka warshadaha, iyadoo heshay dhibco dhan 0.8415, taas oo ka dhigaysa inay 0.1585 dhibcood u jirto qiimaha ugu sarreeya ee 1," ayaa lagu sheegay warbixinta AfDB.

"Markii ugu horreysay muddada ay warbixintani daboolayso, Marooko waxay ka hormartay Koonfur Afrika, iyadoo noqotay dalka leh dhaqaalaha warshadaha ugu horumarsan Afrika. Waxqabadkan wuxuu ka tarjumayaa horumar joogto ah oo lagu sameeyay nidaamkeeda wax-soo-saarka, kororka dhoofinta badeecooyin kala duwan, iyo hirgelinta guuleysatay ee siyaasaddeeda warshadaha," ayay warbixintu sheegtay.

2. Koonfur Afrika

Macdanta, warshadaha baabuurta, kiimikooyinka, iyo qaybaha kale ee wax-soo-saarka ayaa ah waxyaabaha ka dhigay Koonfur Afrika saldhigga warshadaha ee taariikhiga ah ee qaaradda.

"Sanadkii 2024, Koonfur Afrika waxay heshay dhibco dhan 0.8396, taasoo ah heerkeedii ugu sarreeyay tan iyo 2020. Si kastaba ha ahaatee, weli way ka hooseysaa waxqabadkeedii ka hor cudurka COVID-19, markaas oo ay gaartay 0.8518 sanadkii 2019," ayaa lagu sheegay warbixinta AfDB.

"Koonfur Afrika weli waa quwad warshadeed oo muhiim ah oo ka jirta qaaradda, balse waxay sii waddaa inay la kulanto hoos-u-dhac joogto ah oo ku yimaadda tartankeeda dhinaca warshadaha," ayay warbixintu sheegtay.

3. Masar

Masar waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay quwad warshadeed oo muhiim ah oo ka tirsan Waqooyiga Afrika, waxayna ku jirtaa kaalinta saddexaad ee Afrika. Guushan waxaa gacan ka geystay warshadaha dharka, ganacsiga beeraha, iyo warshadaha sibidhka. Sidoo kale, Masar waxay ku faantaa inay leedahay suuq gudaha ah oo aad u weyn.

"Sanadkan sidoo kale wuxuu xaqiijinayaa in Masar ay sii haysato kaalinta saddexaad, booskii ay markii ugu horreysay gaartay sanadkii 2020, kana qaadatay Tunisia, taas oo tan iyo markaas ku sii nagaatay kaalinta afraad," ayaa lagu sheegay warbixinta AfDB.

4. Tunisia

Tunisia waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay warshadaynta Afrika, taas oo ay ugu wacan tahay qaybteeda wax soo saarka ee ku jihaysan dhoofinta. Waddanku waxa uu soo saaraa oo dhoofiyaa agabka baabuurta, elegtarooniga ah, iyo dunta.

"Si kastaba ha ahaatee, Tunisia waxay muujisay isbeddel sare ilaa 2022, iyada oo soo koobtay farqiga u dhexeeya Masar (waxay dhalisay 0.7827 iyo 0.7760, siday u kala horreeyaan)," warbixinta AfDB ayaa tiri.

5. Mauritius

Mauritius waa waddan dhaqaale yar oo si weyn uga faa'iidaystay xoojinta warshadihiisa wax-soo-saarka ee horumarsan. Tani waxay ka qayb qaadatay kororka dhoofinta ee qaybaha dharka, adeegyada warshadaha, iyo ganacsiga xorta ah.

"Mauritius waxay ku jirtaa kaalinta shanaad, balse waxay si weyn uga dambaysaa afarta dal ee ugu sarreeya, iyadoo heshay dhibco dhan 0.6731 sanadkii 2024, taasoo ka badan 0.1 dhibcood ka hooseysa afarta dhaqaale ee ugu xooggan," ayaa lagu sheegay warbixinta.

"Dalalka Mauritius, Eswatini iyo Namibia waxay ka dambeeyaan Koonfur Afrika, waxaana ay ka mid yihiin waddamada ku jira gobolka Koonfurta Afrika," ayay warbixintu shaaca ka qaaday.

6. Algeria

Koboca warshadaha ee Aljeeriya waxaa hormuud u ah waaxda tamarta, gaar ahaan saliidda iyo gaaska, iyo sidoo kale horumarka ka socda dhismaha iyo qaybaha kale ee wax-soo-saarka. Aljeeriya waxay sidoo kale waddaa dadaallo ballaaran oo lagu kala duwanaanayo lana casriyeynayo warshadaheeda.

Iyadoo heshay dhibco dhan 0.6661, Aljeeriya waxay ka mid tahay waddamada si wanaagsan uga soo muuqday tusmada horumarka warshadaha ee Afrika ee sanadkan 2025.

7. Eswatini

Eswatini waxay gaartay horumar warshadeed oo la taaban karo iyadoo ka faa'iidaysatay warshadaha dharka ee ku wajahan dhoofinta iyo ka qaybgalkeeda ganacsiga gobolka. Iyadoo heshay dhibco dhan 0.6509, Eswatini waxay ka mid tahay 10-ka waddan ee ugu waxqabadka wanaagsan marka loo eego qiimeynta Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

"Horumarka warshadaha ee Eswatini wuxuu ahaa mid xasilloon muddo dheer. Isbeddellada ugu waaweyn waxay la xiriireen kaalinta lixaad, taas oo tan iyo 2010 ay si joogto ah ugu tartamayeen Eswatini iyo Aljeeriya (marka laga reebo sanadkii 2023, markaas oo Aljeeriya ay ka hormartay Mauritius oo ay gashay kaalinta shanaad)," ayaa lagu sheegay warbixinta.

8. Senegal

Koboca degdegga ah ee istiraatiijiga ah ee Senegal waxaa lagu gaadhay horumarinta warshadaha beeraha iyo suuqyada gudaha. Marka laga reebo dhismaha dhawaan la sameeyay ee kaabeyaasha warshadaha, Senegal, oo heshay dhibco dhan 0.6368, waxay "horumar ka samaysay tilmaamayaasha tooska ah, gaar ahaan maalgashiga iyo maalgelinta qaybta gaarka loo leeyahay."

"Marka la eego darajooyinka, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC), Jabuuti, Gabon, Benin, Mauritania, Soomaaliya, Senegal, Rwanda, Guinea iyo Sierra Leone ayaa dhammaantood horumar sameeyay, iyagoo helay ugu yaraan shan boos ama ka badan muddada la qiimeeyay," ayaa lagu xusay warbixinta.

9. Namibia

Marka la eego qaab-dhismeedka horumarinta warshadaha macdanta, Namibia waxay heshay dhibco dhan 0.6295, iyadoo ku jirta kaalinta 9-aad ee Tusmada Horumarka Warshadaha ee AfDB (IDI) ee 2025.

Dalkaas wuxuu si firfircoon u farsameeyaa kheyraadkiisa macdanta, wuxuuna maalgashi ku sameeyaa qalabka iyo tamarta.

Namibia waxay ka mid tahay waddamada ugu horreeya ee Koonfurta Afrika, iyadoo ay la jiraan Koonfur Afrika, Mauritius iyo Eswatini.

10. Ivory Coast

Iyadoo la adeegsanayo xoojinta hababka horumarinta kookaha iyo wax-soo-saarka cuntada beeraha, Côte d'Ivoire waxay u kacday kaalinta 10-aad iyadoo heshay dhibco dhan 0.6173.

"Dadaallo badan ayaa la sameeyay, gaar ahaan ka shaqaynta iyo farsamaynta alaabta ceeriin. Waxaa xusid mudan in Côte d'Ivoire uu asal ahaan yahay dal beeraha ku tiirsan oo soo saara badeecooyin badan oo beeraha ah sanad walba."

Tan iyo 2016, dowladdu waxay hirgelisay dib-u-habaynno xoojiyay nidaamka maalgashiga cusub, gaar ahaan maalgashiga shisheeye ee qaybaha sida kookaha, halkaas oo maanta uu gaadhay heer sare—46% heerka farsamaynta kookaha—sida uu sharxay Emmanuel Travis, Agaasimaha Guud ee Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Côte d'Ivoire, wareysi uu siiyay BBC.

Dalalka sida Kenya, Gabon, DR Congo, Nigeria iyo Botswana ayaa raaca tobanka ugu sarreeya siday u kala horreeyaan.

Afrika hadda kuma tiirsana kaliya dhoofinta alaabta ceeriin, balse waxay u sii socotaa farsamaynta si ay u abuurto shaqooyin una kordhiso qiimaha wax-soo-saarka.