Baadari ku ceeboobay aas uu ka qaybgalay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baadariga hormuudka u ahaa aaska gabadhii heesaaga ahayd Aretha Franklin ayaa raali galin siiyey Ariana Grande kadib markii lagu eedeeyey in uu masrax ku taataabtay oo uu gabadhaas oogada ka salaaxay.
Sawirrada ayaa muujinaya baadari Charles H Ellis III oo dhexda haysta Ariana asagoona gacmaha ku tuujinaya qayb kamid ah xabadka gabadhaan heesaaga ah.
"Marna ujeedkaygu maahayn in aan taabto haweeney naaskeeda," ayuu u sheegay saxaafadda.
"Way dhici kartaa in aan xadka dhaafay, waxaase laga yaabaa in aan ahaa wadeey ama qof la yaqaan"
Waxa uu intaas raaciyey " balse saasoo ay tahay, raalli galin Ayaan bixinayaa."
Wadaadkan ayaa sheegay in uu xabadka galiyey fanaaniinta oo idil, rag iyo dumarba, intii ay socotay munaasabadda aaska boqoradii muusiga Soul.
Hase ahaatee dadkii daawada yaasha ahaa ayaa bilaabay in ay faafiyaan sawirrada markii Ariana ay u sara kacday in ay qaaddo heestii ahayd (You Make Me Feel Like) oo ay qaadi jirtay Aretha Franklin oo ah haweenayda geeriyootay.








