Shirkad London ku taalla oo shaqaaleheeda u oggolaatay iney waqtigii ay doonaan soo galaan shaqada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda weyn ee howlaha xisabaadka ee PwC ayaa billowday sharci cusub oo qaar ka mid ah shaqaaleheeda cusub ee ay qoraneyso u oggolaanaya in ay shaqeeyaan saacadaha ay rabaan.
Xeerakan shaqada sahlaya ayaa dadka xirfadaha leh fursad u siinaya in ay waqtiyadooda ugu fiican sheegaan marka ay shaqada soo codsanayaan.
Shirkadda PwC oo ay xarunteeda ku taallo magaalada London ayaa talaabadaan ku micneysay mid ay ku soo jiidaneyso dadka xirfadaha sare leh ee aan dooneynin in lagu xannibo waqtiga caadiga ah ee la shaqeeyo ee u dhaxeeya 9-ka ilaa 5-ta.
Qorshahaan ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha cusub ay xitaa saacadohooda shaqada ka dhigan karaan waqtiyo kooban oo ka mid ah maalmaha dhammaadka isbuuca.
Waxaa sidoo kale loo oggolyahay in ay maalmo kooban ka shaqeeyaan dhowr bilood oo ka mid ah sannadka.
PwC oo xeerkan qeyrul caadiga ah la timid ayaa aaminsan inuu fursad buuxda siin doono dadka horumarka gaarsiin kara shirkadda.
Shirkaddaan oo loo yaqaanno in ay ka mid tahay afarta shirkadood ee ugu waaweyn dalka Ingiriiska ayaa go'aankan ku dhawaaqday ka dib markii daraasad ay dhawaan sameysay ay ku ogaatay in dad fara badan ay door bidaan saacado shaqo oo gaar ah.
46% ka mid ah 2,000 oo qof oo ay shirkaddaan su'aalo ka weydiisay arrintaan ayaa isku raacay in qaabkaas uu yahay midka kaliya ee ay jeclaan lahaayeen.
Ilaa iyo hadda 2,000 oo shaqaale cusub ah ayaa isku diiwaan galiyay in ay xeerkaas ku shaqeeyaan.
Dadkaan oo xirfado kala duwan leh ayaa shaqooyinka ku soo dalbaday labadii isbuuc ee ugu horreysay ee uu xeerkaan dhaqan galay.
Laura Hinton oo ah madaxa shaqaalaha ee shirkadda PwC ayaa tiri: "Dadku waxay iskaga maleynayaan marba haddii shirkad weyn loo shaqeynayo in la raacayo waqtiga caadiga ah ee u go'an goobaha shaqada - waxaan rabaa inaan caddeyno in arrintaan ay ka duwantahay sidaas. Si shaqada loogu qoro dadka ugu fiican waxaan garwaaqsannay in waqtiga looga dhigo mid qafiif ah oo ay awoodaan, waxay tani dad badan u fududeyneysaa iney dib u billaabaan xirfadohooda."
Ms Hinton ayaa intaas ku dartay in tallaabadaan ay ka rajeynayaan guul baaxad leh.












