You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump: ninka dilka loo haysto in uu dalka Maraykanka joogaba ma ahayn
Nin ayaa lagu soo oogay dacwad dil oo la xiriirta ardayad koleej dhiganaysay oo la dhoho Mollie Tibbetts, sida ay booliisku sheegeen.
Eedaysanaha oo la dhoho Cristhian Bahena Rivera oo 24 jir ah ayaa si sharci darro ah ku joogay Maraykanka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Haraa mayd oo goor sii horraysay la helay ayaa loo malaynayaa in uu yahay maydka Tibbetts, waxaana lagu arkay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla Brooklyn.
Gabadha oo 20 jir ahayd oo dhiganaysay jaamcadda University of Iowa ayaa la waayay 18 Luulyo iyadoo ku sugnayd guriga saaxiibkeed iyo walaalkii.
Markii u dambaysay dariskeeda ayaa arkay iyada oo cararaysa. Waalidkeed ayaa maalintii xigtay booliiska ku wargaliyay in la la'yahay markii ay guriga ku soo laaban wayday.
Rick Rahn oo ka hawl gala waaxda dambi baarista ee Iowa ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Rivera uu yahay nin soo galooti ah oo si sharci darro ah kaga yimid dalka Mexico.
"Sababta uu u dilay kama hadli karo ayuu Rahn u sheegay saxafiyiinta.
Kaameerada ammaanka ee ku xirnayd gaariga Rivera ayaa laga arkay Tibbetts oo ruclaynaysa, arrintaas ayaana dawladda ka caawisay in ay ninka laga shakisan yahay dabo gasho, ayuu yiri.
Booliiska ayay soo gaartay in kabadan 4,000 oo tilmaamood intii ay wadeen baaritaanka 34ta maalmood qaatay.
Markii la xiray ka dibna madaxweyne Donald Trump ayaa dad uu kula hadlayar West Virginia u sheegay "in aysan ahayn in dambigaasi marka horeba dhaco"
"Waad maqasheen waxa maanta dhacay ee muhaajirka sharci darrada ah ee sida murugada leh Mexico uga yimid," ayuuna u sii raaciyay dadkii badnaa ee uu la hadlayay".
Xisbigiisa jamhuuriga ayuu ku booriyay in ay guulo ka soo hoyiyaan doorashada xiliga dhexe si ay ugu suuragasho in ay adkeeyaan sharciyada soo galootiga.